Wednesday, December 12, 2007

Haweenay u dhalatay Portugal oo Booqasho ku Joogta Somaliland Lana Kulantay Guddoomiyaha Ucid Mud: Faysal A Waraabe














(Hadhwanaagnews) Hargeysa 12-12-2007:- Haweenay u dhalatay wadanka Portugal Miss Aleksandra ayaa booqasho ku timi Somaliland dorraad,taas oo maanta Xafiiskiisa kula kulantay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali waraabe

Kulankaa kadib oo wax laga weydiiyey Guddoomiyaha Waxyaabaha ay ka wada hadleen ayaa sheegay inay warbixin ka siiyeen Somaliland iyo sidii Xisbiga UCID u aasaasmay, isla markaana uu uga waramay Siyaasaddooda ku waajahan dalalka deriska la ah Somaliland.

Wuxuuna tilmaamay inuu xidhiidh wanaagsan ka dhaxeeyo Ethiopia iyo Somaliland,balse dhinaca Dawlada Jabuuti oo labada shacbi isku mid yihiin

“Djabuuti iyo Somaliland labadooda shacbi waa isku mid, mana jiraan wax u kala soocani,basle Dawlada uu Madaxda ka yahay Ismaaciil Cumar Geele Waa mid Siyaasad ahaan naga soo horjeeda,iyada oo u aragta haddii Somaliland la aqoonsado inaanay la tartami Karin” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Wuxuuna intaa ku daray Inay Xisbi ahaan doonayaan inay soo afjaraan arrintaa oo ay Wadamada Jaarka ah oo dhan xidhiidh wanaagsan la yeeshaan mustaqbalka, Sidoo kale waxa uu tusaale u soo qaatay dalka Eritrea oo ku tilmaamay kuwa qadiyada Somaliland ka soo horjeeda, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Ereteriya wax kale noogama soo horjeedo,ee waxay nagu qoonsatay Ethiopia-da aanu jaarka nahay,waxayna ahayd Ereteriya wadankii u horeeyey ee Somaliland u ogolaa inay xor noqoto oo isku qadiyad ayaanu nahay, waxaana Somaliland yimi Wefti ka socda Eritrea dhowr iyo sagaashanaadkii, baslse waxaanu jecelnahay inaanu xidhiidhwanaagsan la yeelano”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal waxa kale oo uu soo qaatay dalalka Kenya oo uu sheegay in xidhiidh wanaagsani ka dhaxeeyo Somaliland, dalka Talyaniga ayuu ku tilmaamay inuu yahay Mid ku gudban Siyaasada Somaliland ee Midowga Yurub, halka Masarna kaga gudban tahay qadiyada Somaliland dalalka Carabta, taas oo u jeedada Siyaasadeed ee ay ka leedahay tahay sidii ay u heli lahaayeen Midow Soomaaliya oo lagu khuukhiyo Ethiopia

Mar uu ka hadlay Faysal qadiyada Soomaaliya waxa uu sheegay inay haweenaydaa bortaqiiska ah u sheegeen inay Soomaaliya iyo Somaliland ahaayeen labada Dal oo midoobay lixdankii, balse Somaliland ku khasaartay Midowga oo ahaa mid aan laga fekerin oo aan Cilmi ku dhisnayn, isla markaana khasaare badni ka soo gaadhay, maantana ay yihiin labada dal [Somaliland iyo Soomaaliya] ee Afrika ugu liita.

Sidoo kale waxa uu xusay inay u sheegeen Miss Aleksandra inay Xisbi ahaan yihiin dad Cusub oo aan hore loo tijaabin oo jecel in fursadaa la siiyo, si ay u dhisaan Dawlad Casriya oo xidhiidhkeeda ka bilowda Afrika kadibna u gudubta Carabta iyo Yurub

Miss Aleksandra oo iyaduna kadib si kooban uga hadashay u jeedada Socdaalkeeda Somaliland ayaa tidhi “Dad badan ayaa denaynaya inay Siyaasada Africa Daraasad ku sameeyaan iyo sidaa ay u aqbashsay nidaamka dimuqraadiyada, aniguna Waxaan doonayaa waxyabaha ka jira Somaliland iyo inaan u bandhigo Wadankayga Portugal,waxaana ku rajoweynahay inay booqashadaydu wax ka tari doonto sidii ay Dawlada Portugal u ogaan lahayd waxyaabaha ka jira Somaliland”

Miss Aleksandra oo maalintii doraad ka soo degtay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa,waxay durbadiiba kulan la yeelatay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale,a waxaana la filayaa inay kulamo la yeelato Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuummada iyo Xisbiyada kale

Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaagnews.com
E-mil, janaale94@yahoo.com

No comments: