Saturday, December 15, 2007

Xeerar Xasaasiya Oo Loo Qeybiyay Golaha Wakiilada Somaliland iyo warkale

Written by QRN
Dec 15, 2007 at 08:24 PM

Hargeysa(Qaran)- Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta loo qeybiyay nuqulada xeerarka xuquuqda aadamaha, Dhulka iyo Carruurta, oo ay doodahooda gudo gali doonaan maalmaha fooda inagu soo haya.

Guddoomiyaha golaha wakiilada, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa hadal kooban oo uu xildhibaanada u jeediyay ku wargeliyay in maalinta barri goluhu u codayn doono ansixinta xeerar uu aqalkaasi hore u dhamaystiray.

“Waxa kale oo fadhiga maalinta axada uu golaha u qeybin doonaa xeerar kale oo ay ka mid yihiin xeerarkii nidaamka Garsoorka iyo xanaanada Xoolaha”Ayuu yidhi Gudoomiyaha wakiiladu.

Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa uu xildhibaanada ka dalbaday inay soo akhriyaan xeerarka loo qeybiyay kana soo baaraan degaan.

Shirgudoonka Guurtida Oo Ka Hadlay Asbaabihii Ay U Laaleen Xeerkii Doorashooyinka G/Deegaanka Iyo Madaxtooyada

Hargeysa(Qaran)shirgudoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta ka hadlay asbaabihii Aqalkaasi u laaleen xeerkii doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada.

“Berigii dhawayd sharcigii doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada ee golaha wakiilada inooga soo gudbay waxa aynu ku diidnay sharciyadii oo aanu waafaqsanayn iyo nuxuradii uu xambaarsanaa ee aan sharciga waafaqsanayn ayaynu ku laalay”. Sidaa waxa yidhi Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Glaha Guurtida Somaliland, Md Siciid Jaamac Cali, oo ka hadlayay fadhigii Golaha ee maanta oo lagu soo gabo-gabeeyay Kalfadhigoodii 34-aad.

Gudoomiye ku xigeenka labaad isagoo arrintaas sii iftiiminaya, waxa uu yidhi“Mudaneyaal waxa jirtay balan qaad aynu gole guurti ahaan samaynay oo ahayd, dadkii uu xeerku ka hadlayay ee xuquuqda loogu soo qoray ee la soo marin habaabiyay, bal in Guurtidu ay si toos ah oo sharci ah xuquuqdoodii aanu ula baadi doono, markaa waxaan soo jeedinaynaa in gudidii hore xeerka loogu saaray ay muddada golahu fasaxa yahay ay ka sii shiraan sida xuquuqdoodii loogu doonayo”

Fadhjigii Aqalka odayaasha Somaliland oo uu gudoominayay ku simaha gudoomiyaha Golaha ahna Gudoomiye ku xigeenka kowaad, Md Sh Axmed Sh Nuux Furre, ayaa xildhibaanada lagu wargeliyay inuu dhamaaday kalfadhigoodii isla markaana ay gudo galaan fasaxoodii caadiga ahaa oo dhan shan iyo afartan cisho, fasaxaas oo ku eg 1-da bisha Feberuary ee sanadka 2008-da ee fooda inagu soo haya.

“Kafadhigan ajandihiisii wuu dhamaaday, hal kale oo inoo taalaa ma jirto, Mudanayaasha waxa aan ku wargelinaynaa in Kal;fadhigii 34-aad uu xidhan yahay” Ayuu Yidhi Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Guurtida Md Siciid Jaamac Cali.


Cumar Maxamed Faarax

No comments: