Sunday, December 30, 2007

850Km oo Badda Somaliland 200,000 tan oo Kalluun ah ayaa Sannadkii Lagala soo Bixi Karaa’...Wasiirka Kaluumaysiga














Published Dec 31, 2007

Wasiirka Kalluumaysiga Md. Cali Qorseef, ayaa sheegay 12 markab oo xukuumaddu ruqsad inay badda ka kalluumaystaan

kuwaas oo uu xusay in dakhliga ka soo xaroodaa ku jiro miisaaniyadda qaranka.

Md. Cali Qoorseef oo shalay si gaar ah xafiiskiisa ugu waramayey wargeyska Jamhuuriya, ayaa caddeeyey in aannu socdaalkii ay dhawaan ku soo mareen isaga iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu aannu la xidhiidhin eedaymo loo soo jeediyey oo sheegayey in ujeedada socdaalkaasi aanu la xidhiidhin si ay heshiis ula soo galaan maraakiib kalluumaysi.

Sidoo kale, waxa Wasiirku shaaca ka qaaday in xukuumadda Somaliland dalka Itoobiya heshiis kula gashay in khayraadka badda iyo milixda laga soo saaro xeebaha Somaliland ay ganacsatada kaga qaataan bilaa cashuur.

Wareysiga Wasiirka Kalluumaysiga Md. Qoorseef oo dhinacyo badan taabanayey, isla markaana ahaa mid aad u dheer waxa uu u dhacay sidan:

Su’aal: Wasiir, dhawaan waxa jiray doonyo si sharci-darro ah uga kalluumaysanayey xeebaha galbeed ee Somaliland oo la qabtay. Waxaad nooga warantaa halkay ku dambeeyeen doonyahaas iyo dadkii watay?

Jawaab: Horta mar walba waa la qabtaa doonayaha oo waa joogto, waxaanay ku xidhan tahay kolba sida ciidanka ilaalada xeebuhu uga hawlgalaan, dhawrkan bilood ee u dambeeyey waxay soo qabteen ilaa shan doonyood, tii ugu dambaysay waxa 12 qof oo saarnaa iyo doonidiiba dhammaantood way xidhan yihiin.

S: Laakiin, marka doonyaha la qabto, haddana markiiba la sii daayo, arrintaas maxaa u sabab ah?

J: Waxay ku xidhan tahay, ciidanku wuu soo qabtaa wixii badda ku jira, kadibna way keenayaan, marka ay keenaan haddii uu sharci Wasaaraddan ka haysto waa la sii daynayaa, haddii aannu ruqsad haysan oo la caddeeyo waa la eegayaa waxa loo gudbinayaa Maxkamadda oo xukumaysa.

S: Dadka reer Somaliland ee kalluumaysatada ah iyo dadka wax ka yaqaan baduhuba waxay sheegaan in si weyn loo xaalufiyey baddii. Markaa ruqsadda Wasaaraddu bixiso, miyaanay ku jirin shuruudo u diidaya maraakiibta ama doonaha inay ka kalluumaystaan meelaha dhaw dhaw ee badda iyo nooca kalluunka ah ee ay qaadanayaanba?

J: Horta meesha waxa taala aqoon-darro, waxa suuqa laga sheegaana waa wax aan jirin, jaraa’idka waxaan ku arki jiray intii aanan iman 120 markab ayaa jooga badda Somaliland, waa la xaalufiyey, dhagaxii ayaa la guray, markii aan imi maxaa jooga ayaan idhi oo 12 markab ayey noqdeen. Marka ruqsadda la siinayo qaabaa loo siiyaa oo shuruudo ayey leedahay, maraakiibta iyo shabaagtu waa laba nooc oo kala ah mid (mid-water) oo biyaha dhexdooda ah iyo midna waa ka dhulka gaadha.

Markaa annagu ruqsadda aannu bixinaa gebigeeduba waxa la yidhaahdaa (Mid-water traveller) oo aan badda gunteeda gaadhin oo shabagoodu biyaha dhexe ayuu ku jiraa, waana la baadhaa oo waxa la eegaa shabaga uu sito, waayo shabaggu wuu kala dalool waaweyn yahay, shabaga daldaloolkiisu waa inuu le’egkaado 70mm, sababta sidaa loo leeyahay waa in kalluunka wayn mooyee ka yari ka dhex baxo oo aannu qaadin, makaa ka dal daloolka shabagiisu yar yar yahay ma oggolin. Markaa shabagga uu sito ayaa heshiiska iyo ruqsadda la siinayo ku taal.

S: Dhawaan waxa jiray in adiga iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu aad socdaal ku soo marteen meelo ka mid ah xeebta Somaliland, socdaalkiinu muxuu daaranaa?

J: Socdaalkayaga waanu sheegnay oo ujeeddadiisa isaga oo qoraal warsaxaafadeed ah ayaanu bixinay, markaa wixii waanu caddaynee maxaa muranba keenaya.

S: Ma jirtaa in aad badda heshiis kula soo gasheen maraakiib ruqsad loo siinayey si ay uga kalluumaystaan badda?

J: Waxba kama jiraan, waa iska ceebayn iyo aflagaado, waxa caynkaas oo kale ahina sumcadda waddankeena ayey wax yeelayaan, idinka laftiina (saxaafadda) masuuliyad baa idinka saaran marka waxaas oo kale la qorayo, inta hebel ku xumee la wado dhibaatada ay geysanayso ayaa ka badan. Wixii aannu u tagnayna warsaxaafadeed baanu si cad ugu sheegnay, wax heshiis ah oo aannu badda ku soo galnay ma jirtee heshiiska waxa lagu galaa xarunta waddanka oo Hargeysa ah, bad gudaheed Ingiriiskii baa la yidhi baddaa heshiis lagula galee ma niman Ingiriis ah oo soo degayey baanu la galaynay?

S: Doonida aan sharci haysan ee la soo qabto maxaa lagu sameeyaa?

J: Kiiskeeda ayaa la qorayaa, kadibna maxkamadda ayaa la geynayaa, maxkamaduna waxay raacaysaa sharciga kalluumaysiga u yaal, marka ugu horreysa waa la ganaaxayaa, waxaannu ku salaysan yahay ganaaxu kolba inta uu misheenkeedu le’eg yahay, haddii mar labaad la qabto ganaaxu saddex jibaar ayuu noqdaa, mar saddexaad haddii la qabto waa la xidho saddex sanno doonidana lagala wareego.

S: Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada iyo dad kaleba waxay sheegaan in aan lacagta ka soo baxda maraakiibta badda ka kalluumaysata ee xukuumadda Somaliland ruqsadda siisay aan lagu darin miisaaniyad sannadeedka dawladda oo aan la aqoon meel ay ku dhacdo, arrintaas maxaa ka jira?

J: Way ku jirtaa, buuga miisaaniyadda 2007 ayaan iminka hayaa oo ay ku jirto bogga 4115, waxaanay leedahay dakhliga iyo fiiga kalluumaysiga badda, lacagta ku jirtaana waxay le’eg tahay hal bilyan saddex boqol iyo afar iyo afartan milyan. Markaa waxa suuqa laga sheegayaana waa been.

S: Baddeena khayraad fara badan ayaa ku jira, dadkeenuna ugama faa’iidaystaan siday tahay, wasaarad ahaan maxay siyaasaddiinu tahay si khayraadkaa badda ku jira loo baro dadka ama aad dalka wax ugu qabtaan?

J: Wax waliba aqoon ayuu u baahan yahay, aqoontana waxa dheer waa in uu jiraa dhaqan, sidaa daraadeed dadkeenu malaha dhaqan badda, waxaannu soo marnay Bulaxaar, Ceel-sheekh iyo Lughaya, dhammaantood laashashkii, shabaaktii, matooradii iyo talaajadihii la siiyey sannadkii 2004 oo halkoodii ku daboolan ayaanu ugu tagnay, markii aannu waydiinay cid badda gashaba ma hayno ayey yidhaahdeen oo xabbada kalluun ah ee badda ka soo caarida uf baannu nidhaanaa. Waxaannu ku nidhi saddex sanno ayey alaabtani taalay oo way khasaaroobaysaaye waannu idinka qaadaynaa oo Berbera, Saylac iyo meelahaa kale ee ka faa’iidaysanaya ayaanu u gaynaynaa. Meelahaas oo odhan waxa loo tababaray shaqaale markii ay dhammaysteena qof waliba meel ayuu qabtay.

Badda khayraad badan ayaa ku jira oo cilmi-baadhistii ugu dambaysay ee la qaado 1986-kii oo markii Soomaaliya aynu isku jirnay loo sameeyey badda Somaliland oo 850KM ah 100,000 Tan oo kalluun ah ayaa sannadkii iyadoon waxba la yeelin noolaha badda ku jira ayaa lagala soo bixi karaa, boqolkaa kun ee tan markaanu eegnay lix kun ayaa lagala soo baxaa sannadkii. Waxaannu ku talo jirnaa in meelaha Berbera, Saylac, Maydh, Xiis, Karin iyo Laasqoray in aannu u kordhino awoodooda, si hadhaw meelaha kale ugu daydaan, in kastoo ay jiraan duruufo oo marka uu ninku badda ka soo saaro waa in uu helaa suuq lagaga iibsado oo kalluunka laga soo saaro Buloxaar ama Lughaya suuqa uu haystaa waa Hargeysa ama Jabuuti, markaa ma hayso gaadhi ama qaboojiye uu intaa ku soo qaado, waddadii oo xunna way dheer tahay. Aqoon iyo maalgashigiiba in aannu u raadino oo siyaasad u samayno, taasi ayaanu isleenahay wax ugu qaban karaysaan.

S: Dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay malaha bad, kalluun badana way isticmaalaan, innagana waxa inooga yimaadda jaad ay dakhli badan ka helaan. Idinku xukuumad ahaan ma isku daydeen siyaasad kalluunkeena aynu ku baddelano jaadka Itoobiya inooga imanaya?

J: Haddadan baannu ka hadlaynay, waxaanna jira dad badan oo doonaya, laakiin markay ku yidhaahdaan 30 tan ayaan kaa doonaya wiig walba innaga awooddeenu maba samayn karno, iyagu waa diyaar’e innagaan bixin karayn wixii la inooga baahnaa. Ilaa saddex shirkadood baa geeya, oo kuwii toddobaadkan geeyey saaka [shalay] halkan ayey ila joogeen, oo waxay ka cabanayeen xadka ayaa waxoogaa nalagu daayey, taana waannu kula hadlaynay in la fududeeyo oo markiiba waraaqaha la siiyo illeyn waa hiliboo ma sugi karo waqti dheer.

Siyaasadda kalluunka sidii looga faa’idaysan lahaa waannu samaynay, laakiin ciddii fulin lahayd baa loo baahan yahay, maaha dawladdu inay wakaalad samayso oo iyadu iibiso sidii nidaamkii Hantiwadaaga, taasi dastuurkeena ayaan oggolayn, laakiin siyaasadda markay dawladdu samayso in dadku fuliyaan wixii dawladdu la qaban karayso la qabato. Iminka suuqa waannu u soo diyaarinay oo waxaannuu uga soo dhammaynay Itoobiya wixii badda ka soo baxa ee ah kalluun, aargoosato, milix iyo waxyaabo kaleba inay bilaa cashuur ku galaan waanay haystaan fursadii, laakiin intii loo baahnaa bayna wada gaadhsiin karayn.

S: Somaliland wali ictiraaf may helin, dhoofka xoolaha oo laf-dhabar u ahaana cunaqabatayn baa saaran, dhaqaaluhuna wuu liitaa, sidee looga bixi karaa xaaladdaa adag ee lagu jiro?

J: Waddan walba waxa uu qabsado dadkiisu ayaa lagu qiimeeyaa, 17-kaa sannadoodba waxaynu qabsanay ayuun bay ku jirnay oo halkii aynu ka bilownay 1991-kii iyo maanta farqiga u dhaxeeya waynu arkaynaa, markaa dadaalkuna wuu jiraa awoodeenu hadba sidaynu u shaqaysano ayey ku xidhan tahay oo horumarkeenuna ku xidhan yahay, rajada muuqataana waa mid aad u fiican.

S: Xukuumadda aad ka tirsan tahay waxa loo soo jeediyaa dhaliilo farabadan oo dhinaca dhaqaalaha ah, kuwaas oo la xidhiiha musuqmaasuq hay’adaha dawladdu ku kacaan, waxa la yidhaahdaa waxa soo maray dalka shantii sannadood ee dhaqaalihiisu ugu liitay, dhoofkii xooluhu wuxuu xidhan yahay, shaqo la’aan badan ayaa jirta, sixir-bararkii cirka ayuu isku shareeray, arrimahaas maxaad ka leedahay?

J: Wax walba in iska sheego maaha, ee marka wax la sheegayo wax cad oo qoraal ah oo la is barbar dhigo la keenaa, waa in la yidhaahdaa waxbaynu dhoofin jirnay oo intaas lacag ah ayaa innaga soo geli jirtay, iminka hoos buu u dhacay oo la sameeyaa is barbar dhig qoraal ah oo cilmi ku dhisan, laakiin haddii hadal aan caddayn lahayn la sheego waa wax aan macno lahayn. Runta markaynu sheegayno wuu korayaa dhaqaaleheeno.

Meel shaqo ka socotana waa la is dhaliilayaa, la ismaagayaa oo waxbaa la iska sheegayaa, waa iska caadi oo meel aan waxbaba ka socon waxba la iska sheegi maayo.

S: Waxa jiray in hoggaamiyayaasha ururka QARAN oo ah rag miisaan weyn ku leh dalka la xidh xidhay, kadib markii ay urur ku dhawaaqeen. Xadhiggoodii, siidayntoodii iyo sharciyadda in urur la samaysto adigu sideed u aragtaa?

J: Horta maaha in qofku yidhaahdo aniga sidaasay iigu muuqataa iyo sidaasaan jecelahay, waxa weeye xeerar, sharci iyo dastuur baa yaal, kaa ha lagu kala baxo, innagu waxan horteed ayeynu samaysanay xeerar aynu raacno, markaa kuwii hala raaco oo aynu ixtiraamno.

S: Marka sharci la isku qabto maxkamadda dastuuriga ah ayey ahayd inay kala saarto, waxa la leeyahay maxkamaddii sare hay’adaha dalka dhex uma aha oo inta badan xukuumadda ay la safato, markaa halkee lagu kala baxayaa?

J: Markay wax dhacaan kiis ha la geeyo, ha baadho, hala eego, ciddii gar lihi haddii ay ku qanciweydo waa in ay tidhaahdaa gartaasaan lahaa markhaatigeediina waa kaas waa la ii xukumi waayey, markaa caddaalad-darro ayaa ka dhacday, laakiin iyada oo aan waxba la geynba haddii la yidhaahdo meeshaasi dhex maaha oo sharci maaha, taasi waa khalad, markayse wax qaado ee ay ka soo baxaan ayaa wax la odhan karaa. Markaa ayeynaan ka hordhicin oo wixii aynu samaysanay innaga ayaa caayeynee aynu ka dayno

source....jamhuuriya.

No comments: