Friday, December 14, 2007

Xisbiga Kulmiye waxuu Go'aansaday inuu Wada Shaqayntii Madaxwaynaha Hakiyo













Xisbiga KULMIYE oo Walaac ka Muujiyey Halka Xaaladda Dalku Marayo,Mohamed Kaahin

--------------------------------------------------------------------------------

(Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed )
hadhwanaag 2007-12-13 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta si rasmiya daboolka uga qaaday inuu hakiyey,oo uu joojiyey wada shaqeyntii u dhaxeysay Madaxweyne Rayaale,iyaga oo ku eedeeyey inuu si badheedha mudooyinkan danbe uu ugu tumanayo Sharciga iyo Dastuurkii ay ummadu dhigatay oo aanu ixtiraamayn,iyo inta uu ku siihayo Jeelka hogaamiyayaasha Urur Siyaasadeedka Qaran.

Sida waxa lagu sheegay Warmurtiyeed uu soo Saasay Xisbiga KULMIYE,kaas oo uu ku Saxeexnaa Af-hayeenka Xisbiga Muj: Maxamed Kaahim Axmed oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo war-murtiyeedka kaga hadleen Arrimo doora oo ay ka mid yihiin Sixir bararka muddooyinkan danbe Cirska shareeray, Xeerka lagu xakamaynayo Saxaafada Madaxabanaan, Xadhiga hogaamiyayaasha Urur Siyaasadeedka Qaranka, isla markaana waxay ku eedeeyey Madaxweyne Rayaale inuu si badheedha u cadeystay inaanu doonayn inay dalkan doorasho ka qabsoonto, mar kastana uu abuuraayo carqalad is hortaagaysa geedi-socodka dimuqraadiyada.

Waxaanu Warmurtiyeedkii oo dhameystirana u dhignaa sidan:-


“Xadhiga Siyaasiyiinta Qaran waa arrin si baaxad leh u wiiqaysa Geedi-socodka hanaanka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland, waana tallaabo wiiqaysa ka dhursugii iyo taageeradii Bulshada Caalamka (international Community).

Siyaasiyiinta Qaran uma xidhna Xad-gudub Sharciyeed ee waxay u xidhan yihiin Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo xubno Golaha Wasiirada ka tirsan, sida gaarka ahna Madaxweynaha ula agaasima talada Dalka.

Xaaladda Guud ee maanta Dalka Somaliland ku sugan yahay, waxa ku gedaaman mugdi balaadhan oo yididiilo xumo ka muujinaaya dhinacyo badan oo aasaas iyo laf-dhabar ah Nolosha ijtimaaciga ah ee Bulshada, horumarka dhaqaale, ku dhaqanka sharciyadda, dhawrista madax-banaanida Saxaafadda iyo xuquuqaga aasaasiga ah ee Aadamaha (Human rights), ilaalinta xuquuqda Dadka laga tirada badan yahay, maceeshada iyo sixir-bararka sida balaadhan u aafeeyey noloshii Dadweynaha iyo musuqmaasuqa baahay, ragaadiyeyna horumarkii Dalka.

Mudooyinkan denbe waxa si xad-dhaaf ah u soo shaacbaxaayey in xukuumadu si badheedh ah ugu xad-gudbayso Shuruucda Dalka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee Distoorka Qaranku waajibiyey, kuwaas oo kala ah:-

1. XADHIGA SHARCI DARADA AH EE SIYAASIYIINTA QARAN;-

Xadhiga Siyaasiyiinta loo xidhaayo fikirkooda iyo damacooda Siyaasadeed waa arrin ku dhaqankeedu ka dhammaaday Bulsho weynta Caalamka Dimuqraadiyada ku dhaqanta. Xadhiga Siyaasiyiintu waa Curfi xambaarsan ku dhaqan nidaam keli-talisnimo, Dawlad xumo, bur-burinta Nidaamka Dimuqraadiyadeed, bur-burkii, Xasuuqyadii, Dawlad xumadii Africa ka dhacay 50-kii (Kontonkii) sanadood ee u dembeeyey, arrinta xadhigga Siyaasiyiintu waxay ahayd sababta ugu weyn ee dhibaatooyinkaas keenay.

Shicibka Somaliland waxay si fiican uga war qabaan in Madaxweynaha Dalka arrinta xadhiga Siyaasiyiinta Qaran ay Talooyin uga soo jeediyeen, dhammaan noocyada iyo heerarka kala duwan ee Madaxda Hay’adaha Qaranka Somaliland iyo Madaxda Bulshada,sida: aqoonyahanada, culima-u-diinka, suugaanyahanada, Ururada xuquuqul iinsaanka, dhammaan Dadkaas oo intii BIR-MA-GAYDADA lahayd ee Bulshada Somaliland, waxayna ahayd taladoodu in la sii daayo Siyaasiyiinta Qaran ee xidhan, waxa kale oo weheliyey Madaxweynahana kala hadlay, qaarkoodna sifo rasmi ah booqasho ugu yimaadeen Somaliland, kuwaas oo kala ah:-

 Weftigii Baarlamanka Ingiriiska.
 Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya.

Waxa kale oo arrintan sii daynta Siyaasiyiinta xidhan dhammaan Hay’adaha xuquuqal iinsaanka Aduunyada, sida, (Amnesty International ), waxa kale oo walaac ka muujiyey Dad caalamka caan ka ah, Somaliland-na si xoog ah u taageera oo ay ka mid yihiin Ambassador David Checin iyo Prof. I.M. Lewis.

Madaxweyne Daahir Rayaale waxa nasiib darro ah in talooyinka gude iyo dibedba ka yimi uu si xushmad darro dhammaantood u diidey, jawaabaha uu ka bixiyey qaarkoodna ay ahaayeen qaar asluub xumo iyo af-lagaado Xambaarsan. Sida jawaabtii uu siiyey Abwaanada caanka ah ee Gaariye iyo Hadraawi.

Guud ahaan arrinta xadhiga siyaasiyiinta Qaran qaabkii iyo hanaankii loo maray xadhigooda, hadaladii ay ka soo jeediyeen Wasiirada gaarka ee Madaxweynaha Talada Dalka sida gaarka ah ula haya, arrintan waa curfi ku dhaqankiisu ina dhaxalsiinayo in nidaamka dimuqraadiyadu inaga bur-burto. Tala qaadasha la’aanta madaxweynuhuna waxay markhaati furaysaa in nidaamkan ummaddu dooratay ka leexday ujeedooyinkii loo igmaday ee sida cad u qeexaayo Dastuurku, kuwaas oo ah:-

 Ku dhaqanka Distoorka.
 Ilaalinta Xuquuqaha aasaasiga ah, xoriyada hadalka, Siyaasada, isu ururka (Assembly) iyo ganacsiga.
 Ku dhaqanka iyo u hogaansanaanta talo wadaaga.

Arrintani waxa ay si buuxda u bur-burinaysaa dimuqraadiyadda iyo Distoorka Qaranka.

Sidaa darteed, xadhiga Siyaasiyiinta Qaran soo dayntooda Madaxweynaha Dalka wey cadahay in uu ujeedooyin kale ka leeyahay, markaa waxa ay u taalaa Barlamanka la doortay in uu ka soo saaro go’aan wax ku ool ah. Dadweynaha Somaliland ee iyagu leh Mas’uuliyada kama dembaysta ah, waa in ay qaadaan talaabada maanta ku haboon in lagu soo daayo Siyaasiyiinta Qaran ee xidhan

2. SAXAAFADA;-

Distoorka Qaranku wuxuu waajibinayaa si adagna u qeexayaa in Saxaafada Somaliland tahay mid xor ah. Caalamka dimuqraadiga ah waxa laga hir-gelinayaa, maamuusayaa, lana xushmaynaya Saxaafada madaxa-banaan. Bur-bur-burka ku dhacay Dawladii Somaliweyn ee aynu ka midka ahayn, waxa cabudhinta xoriyada Qawlka iyo tir-tirida Saxaafada madaxa-banaan. Xornimada iyo madax-banaanida Saxaafada ee Somaliland waa arrimaha Bulshada caalamku sida balaadhan ugu amaantay Somaliland, waana wadada ugu haboon ee aynu ugu maraynay ictiraafka Somaliland.

Hadaba, sharciga saxaafadda Madax-banaanideeda iyo xoriyaadkeeda tir-tiraaya ee dhawaantan uu soo saaray Madaxweyne Daahir Rayaale, iyada oo uu jirey sharci hore oo Saxaafadeed, Barlamanka Qarankuna ansixiyey, waxa keliya oo u cadaynayaa in madaxweynuhu si badheedh ah uga guurey Nidaamkii ilayska dimuqraadiyada, una sii siqaayo nidaamka mugdiga. Xeerkan cusubi habka, hanaanka iyo luuqada uu u qoran yahay waa mid xataa ay ka xaal-mastuurteen nidaamyadii Africa ka soo jirey ee keli-taliska ahaa iyo nidaamyadii shuuciyadda midowga soofiyati iyo Yurubta bari, daraasaad badan oo lagu sameeyey Dalalkaas waxa bur-burkoodii u sabab ahaa xaaraantimaynta Saxaafada xorta ah iyo cabudhinta xoriyatal qawlka, xeerkani waa mid ilhaano iyo dhabar-jab ku ah ummadda Somaliland.

3. XUQUUQDA AADAMAHA

Xoriyaadka xuquuqda Aadamaha (Human rights) waa arrin dhawridooda iyo ilaalintooda ay waajib ku tahay, Goleyaasha Qaranka, Distoorkuna lama taabtaan ka dhigaayo. Sidaas darteed, faro-gelinta Hay’adihii xuquuqul iinsaanka Shuronet Dawladu ku samaysay waxay ahayd qaab ka soo horjeeda xoriyaadka aasaasiga ah Xuquuqda Aadamaha, waxayna cadaynaysaa Madaxweynaha iyo Golihiisa Wasiiradu in aanay haba yaraatee wax ixtiraam ah u haynin dhawrista xuquuqda Aadama (Human Rights).

Hadaba, Golaha Wakiiladu iyaga ayaa loo igmaday ilaalinta xoriyaadka aasaasiga ah ee Bulshada. Sidaas darteed, Golahan oo ah kan ummaddu dooratay, mas’uulna ka ah ilaalinta xoriyaadka waa in ay si buuxda u ilaaliyaan fara-gelinta Xukuumadu ku hayso Hay’adahaas

4. DOORASHOOYINKA;-

Doorashooyinku waa furaha dimuqraadiyadda, Somaliland-na iyada oo mabda’aas ka tilmaan qaadanaysa Doorashooyinkii ay soo martay waxay gaadhay guul, caalamkana waa lagu bogaadiyey. Sida laga warqabo Doorashooyinkii Golaha Deegaanka iyo Madaxweynaha sababta ugu weyn ee dib loogu dhigay waxay tahay Madaxweynaha oo ka gaabiyey waajibaadkii iyo mas’uuliyadii ka saarnayd ilaalinta hawlaha Doorashooyinka, sida Komishanka Doorashooyinka oo wakhtigiisii la magacaabo, diyaarinta tirakoobka doorashada oo mas’uuliyadeeda xukuumadu leedahay, iyada oo ay macquul tahay in aynu aqbalno in duruufaheena dhaqaale iyo maamulba sida aynu u rabno aanay taabagal noqon Karin, hadana markasta oo mashaakilka khuseeya Doorashada inala kulmaan waxaynu kaga bixi karnaa in dhinacyo ay taladeedu khusayso (Stake holders) ay isla bandhigaan xaaladaha iyo duruufaha jira, talo loo dhan yahayna (Consensus) lagaga gudbo xaaladahaas.

Waxa kale oo lagama maarmaan ah in aynu xusuusnaano ahmiyada kale ee ay inoo leeyihiin Doorashooyinku ay tahay marinka ugu mihiimsan ee Somaliland ay Bulshada Caalamka (International Community) kaga raadinayso inay ictiraaf siiyaan iyo waliba in ay horumarinta shaqaalaha (Economic Development) ka caawiyaan.

Mudooyinkan dembe waxa si fiican u soo shaac baxaysey in Madaxweynuhu si badheedh ah u hortaagan yahay arrimaha Doorashooyinka, mar kastana uu abuuraayo carqalad is hortaagaysa geedi-socodka iyo hanaanka Doorashooyinka, waxa si cadaan ah u muuqatey xubnihii Komishanka magacaabidoodii mudadii Madaxweynuhu ku marnaa iyo dib-u-dhaca ay keentay, si kasta arrimahaasi ha soo maraan, ugu dembayntii Carqalada ugu weyn ee hadda taagani tahay qoondihii Miisaaniyada Doorashooyinka ay balan-qaaday Dawlada Somaliland uu ilaa hadda hortaagan yahay Madaxweynuhu. Dawladihii midawga Yurub ee heshiiska aynu ku ahayn sidaasi ay niyad jab iyo balan fur ku noqonayso, mucaawimada midowga Yurub Doorashooyinka Somaliland siinayaan waa 75% S/land waxa laga rabaa 25% arrinta la yaabka lihi waa Nin Madaxweyne ah oo la leeyahay Dalkaaga Doorashooyinka waxa aanu kaa caawinaynaa 75% ee waxaad bixisaa 25% ee diidan TOLOW muxuu DOONAYAA.
Jawaabtu- wuxuu doonayaa in aanay Doorasho qabsoomin.

Xisbiga Kulmiye sidii uu hore u cadeeyey, ayuu maantana u cadaynayaa in uu Doorashooyinka diyaar u yahay, waxaanuu Madaxweynaha Somaliland u soo jeedinayaa in uu fuliyo waajibka ka saran arrimaha Doorashada, sida ugu dhakhsaha badana Komishanka ugu wareejiyo qoondaha tirade yar ee Qarankan Somaliland iyo Dawladiisa kaga soo hagaagtey Miisaaniyada Doorashooyinka.

Arrimahan meer-meerinta, is-hortaaga, Carqalad abuurka hawlaha Doorashooyinku waxay muujineysaa in aan Madaxweynuhu dooneynin in Doorashooyin dhacaan, waxaana ka markhaati ah dib-u-celintii Guurtida ee xeerkii kaabista Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Madaxweynaha.

5. SIXIR-BARARKA;-

Waxa aynu la wada soconaa in sixirka Maceeshadu uu maraayo meel ay dadweynaha ku tahay tagliif iyo dhibaato, waxa Aduunyada ka jira qaali garawga Saliida, taasina ay keento qiimo korodh Aduunka ka dhacay, hase ahaatee qiimo intee le’ag ayuu dhacay Dollar-ka caalamku hoos u dhacay, ama ashcaarta ku kordhay, marka la eego sixirka Ashcaarta Caalamka kor u kacay iyo sixirka Badeecada Somaliland ku kordhay aad iyo aad ayey u kala gedisan tahay. Marka ay dhacdo sixir-bararka Maceeshada iyo Maaliyada waxa laga maarmaan ah in Dalkastaa uu qiimeeyo sababta keliftay iyo sifaha keenay Sixir-bararka, markaa ka dib ayaa Dawladu Si baaxadle oo aqoon dhaqaalayahanimo la adeegsanaayo ayey ka baaraan degtaa Qorshaha lagaga samata baxaayo Sixir-bararka.

Hadaba, Sixir-bararkan maanta Ummaddeena aafeeyey waxa u sabab ah laba arrimood oo kala ah:-

1) Xukuumada Madaxweyne Daahir Rayaale oo haba-yaraatee aan lahayn wax Siyaasad dhaqaale oo itijaah cad aan lahayn.

2) Ganacsatada heerarka kala duwan, gaar ahaan ganacsatada wax soo dejisa oo sina ugu naxay Ummaddan dhaqaalaheedu aad u hooseeyo. Sidaas darteed, Xisbiga Kulmiye wuxuu kula talinayaa in ay Ganacsatadu u naxaan Ummaddooda si deg-deg ah hoos ugu dhigaan Sixirka Maceeshada.

Xukuumada – Xisbiga Kulmiye wuxuu u soo jeedinayaa in ay ka leexdaan Siyaasad Xumida dhaqaale ee Dalka iyo Dadweynahaba dhaxalsiisay Sixir-bararka Xad-dhaafka ee aafeeyey Maceeshadii Shicibka, gaar ahaan inta danyarta ah, Xukuumaduna ay la timaado Siyaasad dhaqaale oo sal balaadhan ayna hagayso fakir iyo cilmi Aqoonyahanimo iyo dhaqaaleyahano aqoon u leh dhaqaalaha, Dalkana ka saarno Mishkiladaha dhaqaale ee haysta.

Xisbiga Kulmiye isaga oo aaminsan sida keliya ee Ummaddan Somaliland ku gaadhi karto, horumar dhaqaale, deganaasho, dhawritaanka xuquuqda aadamaha. Dariiqadaas Ummaddu u marayso gaadhitaanka Horumarka waxay tahay oo keliya marka la dhawraayo, lana xishmaynaayo, laguna dhaqmaayo Distoorka iyo shuruucda Dalka u samaysan.

Distoorka Qaranka Somaliland wuxuu cid walba waajib kaga dhigaa ku dhaqanka, u hogaansanaanta iyo fulinta mabaadii’da aasaasiga ah ee xoriyaadka Muwaadinka iyo xuquuqda Aadamaha. Xuquuqahaas oo ku cad Qodobada 21,22,23,24,25,27,28,29,30,31,32aad.

Qodobada kor ku xusan waxay xaaraantimaynayaan ku xad gudubka xuquuqahaas aasaasiga ah.
Waxa mudadan denbe si badheedh ah u soo shaac baxaysa in Madaxweyne Daahir Rayaale ku xad gudbaayo Distoorka Qaranka.

Xisbiga Kulmiye ka dib markii uu talooyin badan iyo codsiba Madaxweynaha ugu gudbiyey in uu ixtiraamo Distoorka Qaranka.

Markuu arkay, in wax-garadka Ummaddu talooyinkaas oo kale siisay, uguna dembaysay Gudidii dhex-dhexaadintu Madaxweynuhuna diidey, Xisbiga Kulmiye wuxuu go’aansaday in uu wada shaqayntii Madaxweynaha hakiyo, wada tashi balaadhana goleyaasha Xisbiga u soo bandhigo, si go’aan kama dembays ah loo gaadho”

Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com

No comments: