Thursday, December 13, 2007

"HOGGAANKA SIDA NOOCAN RAYAALE KU DHAQMAYO U DHAQMAA, WAA HOGGAAN AAN CAQLIBA LAHAYN"..

Mujaahid Maxamed Kaahin
Published Dec 12, 2007 - 09:20 PM by admin

Hargeysa(Geeska)- Afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xisbiga mucaaradka ah ee UCID u soo jeediyay in labada xisbi Mucaarad ee KULMIYE iyo UCID mawqif adag ka qaataan xadhiga siyaasiyiinta QARAN ee ku jira xabsiga Mandheera....

Maxamed Kaahin Axmed, oo habeen hore hadal ka jeediyay munaasibad lagu xusayay maalinta Xuquuqal Insaanka ee dunida, waxa uu si adag u cambaareeyay xadhiga siyaasiyiintaas QARAN, xeerka saxaafadda ee ay xukuumaddu ku dabrayso saxaafadda madaxbanaan iyo go’aanka mastaafurinta suxufiyiinta reer Muqdisho, “Waxaynu samaynay doorasho, waxa la yidhaahdaa doorashadu waa furaha Dimuqraadiyadda, Baarlamaankii iyo Dimuqraadiyadii iyo doorashadu waxay dhashaa Dimuqraadiyad. Hoggaanka nooca Daahir Rayaale u dhaqmayo u dhaqmaa waa hoggaanka liita ee aan caqliga lahayn, hoggaaminta waxa lagu dhigtaa jaamacadaha siyaasadda, waxaana lagu tilmaamaa dabacsanaanta, dad wadka, kalsoonida. Kalsoonidii ayaa ka maqan, maxaa gaadhaya inuu yidhaahdo waan soo daayay siyaasiyiintaas?...kalsoonidiisa ayaan halkaas gaadhsiisnayn, raga la taliyaana noocaas ayaanay ahayn.” Ayuu yidhi Maxamed Kaahin.
Mar uu ka hadlayay xadhiga siyaasiyiinta QARAN iyo doorka xisbiyada Mucaaradka ah iyo Golaha Wakiilada, wuxuu yidhi, “Khaladaadka dhacaya waxa masuul ka ah labada xisbi mucaarad, bulshada iyo baarlamaanka la soo doortay. Waayo qayral masuulnimada Madaxweyne Rayaale iyo golihiisa wasiirada waynu aragnay.
Xisbiga UCID, waxaanu u soo jeedinaynaa inaanu mawqif adag ka qaadano arrinta siyaasiyiinta QARAN. KULMIYE wuxuu war ka soo saarayaa mawqifka uu ka taaganyahay iyo inaanu sifaha noocan oo kale ah dib dambe ugula macaamili doonin Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Arrinka Maxamed Xaashi, Gaboose iyo Jamaal Caydiid ee masuuliyiinta QARAN ah dib dambe looga codsan maayo Daahir Rayaale soo dayntooda. Daahir Rayaale wuxuu ummadda kala xishoon waayay nooca xeerka Distoorka xaaraanta ku ah ee uu soo saaray. Waanu cambaaraynaa inamada dhallinyarada ah ee bilaa dembiga ah ee ay dawladeenu isku mashquulisay ee ay adduunyadu inagu ceebaynayso, waxaanan leenahay dawladu arrintooda faraha ha kala baxdo. Waxaan kaga baxayaa arrimaha kala ah Maxaabiista siyaasiga ah, xeerka saxaafadda ee xaaraanta ah ee uu soo saaray, mastaafurinta weriyayaasha waxay gidgodood albaabada u xidhayaan ictiraafka Somaliland.”
Ugu dambayn, waxa uu Maxamed Kaahin, shacbiga ugu baaqay inay dhawraan sharafta iyo milgaha ictiraaf loogu heli karo qaddiyadda madaxbanaanida somaliland
“Dadweynuhu ha ilaaliyaan ictiraafka Somaliland, Daahir Rayaale uma xilsaarna ee idinkaa u xilsaaran, xuquuqda bini-aadamka haloo halgamo. Arrinta Shuro-net inqilaabkii ay dawladu samaysay qoladiinan xuquuqal insaanku waa inaad xabsiga u gashaan sidii Axmed Maxamed Madar, Dr. Aadan, Maxamed Baaruud, waanan idinku taageeraynaa.”

Wargeyska Geeska Afrika...

No comments: