Wednesday, December 26, 2007

Maaraynta Waqtiga

December 27, 2007
Maaraynta Waqtiga
By Dr. Suleiman Walhad

Cindigayaga, dadyohow, waxa aan gocanaynaa wanaaggiina
Cidhibtiina oo hagaagtaan sii calmanayaaye
Cawaanimada, in laga gudbo, ayaanu ictibaarayne
Carrab-baabkayagu, dadyohow, waa camalkiina fiicneeya
Carasho gelintiin iyo waxa weeye diida caalwaaga

Cawaaqib xumo iyo waxa weeye ka carara in la ciiloodo
Cududiina maala iyo waxa weeye waar is cayntaasha
Ciilkaambi iyo waxa weeye caallanimo diida
Cibaaraha adduunyada ayaanu leenahay, dadyohow,
qayrkiin la cidhif qaada
Cisha waliba wax korodhsada oo carrada wax ugu deeqa.
Cilmiga korodhsada oo dadyohow aqoon cindiga ka ogaada
Camal fiican abaabula oo dadyohow caajisnimo iska ilaasha
Carruuraha innoo koraya, dadyohow, cuud u sii dhaqa
Cirroolaha iyo odayada, dadyohow, caabuq ka ilaasha
Ciilka iyo calaacal, dadyohow, dumarka ka ilaasha
Caqliga adeegsada oo, dadyohow, nolosha cayntaasha
Cir ka soo dhac ma aha horumarkuye, cindigiina taa geliya
Waar talada caymiya oo waxqabadka cigalleeya
Waar cishiyo alleyl hawlaha bal cullayeeya
Waar ceebaal diida oo horumar u ceelalyeeya
Waar Casiiska Eebe ku tawakala oo dantiina ciidamiya
Waar bilaash looma cartamee, camalka fiicneeya
Calaf in kasta oo ka Eeba yahay, cagaha duubta inamuu odhane
Carradaan idin dhaxalsiiyay camira ayuu inna deeqsiiyay
Caweyska iyo hiirta iyo cilcilawga, dadyohow,
hadaba, camala ha la ogaado
Anana Alla cuskanayoo, halkii ayaa talooyinka ka sii cirtaallayne
Halkiibaan ka cobollayn sidii caadada innoo ahayde
Cutub-cutub ayay isku daba socon iyada oo cululbaashan
Caawa iyo casharkanna waxa lagu carrifi waqtiga iyo maareyntiisa

Godkiisa Kowaadna waxa uu baanay:

1. Gu’ kaa tegay kuuma soo noqdo sidii horeba loo yidhi.
2. Ninkii wahsadaa wanaag male ayaa hadana la yidhi.
3. Hurdana habar ma koriso ayaa mar kale la yidhi.
4. Hulaan huliye naasnaasi ayaa, iyana, la yidhi.
5. Dadyohow, intuba waxa ay ka hadlayaan waqtiga.
6. Maaraynta waqtigu waa wax lagama maarmaana.

Godka Labaadina waxa uu baanay:

1. Mahmaahi hadal dambe ayay macnahiisa leedahay.
2. Maaraynta waqtigu, dadyohow, waa maaraynta hawlaha
3. Hawlqabadka fiicanina waxa uu leeyahay dhawr waaxood.
4. Marka hore waa in la hadafsadaa ujeedo fiican,
5. Marka xiga waa in loo hawlgalaa waqtiga ugu fiican.
6. Marka xiga waa in loogu hawl gala sida ugu fiican.

Godka Saddexaadna waxa uu baanay:

1. Ujeedada fiican waxa ka mida iyada oo hawsha
aqoon fiican loo leeyahay.
2. Waxa ka mida iyada hadafka loo socdo la garanaayo.
3. Waxa ka mida xubnaha hawshu ay ka
kooban tahay oo la garanaayo.
4. Waxa ka mida iyada oo la fahamsan yahay
waxtarka xubnaha hawsha.

Godka Afraadna waxa uu baanay:

1. Waqtiga ugu habboon hawlqabadku waa noocyo-badan.
2. Waa in la gartaa kala horreynta xubnaha hawsha.
3. Xusuusta oo oodo dacameed sida ay u
kala koreeyaan ayaa look ala guraa.
4. Ama waxa aad nala garataan haani gunta ayay ka tolantaaye.
5. Waa in la gartaa waqtiga ay u baahan tahay xubin waliba.
6. Waxa aad nala xasuusataan addinba addin ayaa looga gudbaa.
7. Waa in la gartaa in wixii khalada laga ilaasho hawlaha.
8. Waa in la kala gartaa waxa degdega iyo waxa muhiima.

Godka Shanaadna waxa uu leeyahay:

1. Marka lagu koco wixii la jecel yahay waa lagu guulaystaa.
2. Waxa markaa loo hawl gala wixii la jecelyahay.
3. Waxa sidaa looga baydhaa wixii isdhexyaaca.
4. Degdega iyo waxa laga weecdaa arrimo caydhiina.
5. Hubsiimo halbaa la siistaa, horaa rag hore u yidhi.
6. Talada toosani waxa ay anfacdaa ilmaha tagoogta ku jira.

Godka Lixaadna waxa uu baanay:

1. Dunidu waa sagaalawdaaye, marnaba ma tobnawdo.
2. Qorshe kasta oo la keynaansho,
kollay filan waa ayaa soo dhex gala.
3. Hawlqabadka markaa loogama maarsado su’aalahan.
4. Marka hore waxa la is yidhaa “Tolow,
ma hadda ayaan qabtaa?”.
5. Marka xiga waxa la is yidhaa “Tolow,
ma hadhow ayaan qabtaa?”.
6. Marka xiga waxa la is yidhaa “Tolow,
ma qof kale ayaan u diraa?”.
7. Marka xiga waxa la is yidhaa “Tolow, ma iskaba daayaa?”.
8. Intaasoo su’aalood marka la isweydiiyo,
adba waad garan wixii anfacale.

Godka Todobaadna waxa uu baanay:

1. Sida ugu habboon hawlqabadka aan darisno.
2. Marka hore talo waa in la qorsheeyo.
3. Ogaadoo reer sahan la’aan guuray, casar inuu calaacalo.
4. Marka xiga waqtiga in la nidaamiyo.
5. Ogaadoo goor xun socdaa goor xun taga.
6. Marka xiga waa in la dhawro qorshaha
iyo nidaaminta waqtiga.
7. Marka xiga waa in la garto waqtiga ay
xubnaha hawshu mid waliba u baahan yahay.
8. Dadyohow, waqtiga waa in la xukumaa.
9. Waxa laga fogaadaa in waqtigu uu isagu xakamaha kuu hayo.

Godka Sideedna waxa uu baanay:

1. Waxa la iska ilaashaa hawshaada oo taalla,
inaad tu qof kale ku hawlooto.
2. Ogaadoo kii tiisaba daryeelaa tu kale ku dara.
3. Taadii oo dayacan maxaa tu kale bal kuu geyni?
4. Dadyohow, gartoo baylihi waa ninkay u muuqato.
5. Dadyohow, waxa laga durkaa kii waqtiga kaa lumini.

Godka Sagaalaadna waxa uu baanay:

1. Wixii dani ku jirin, waa laga durkaa.
2. Waxaanad karaynna dad kale ayaa lala kaashadaa.
3. Kaslaanka iyo kuwa kula degayana waa laga durkaa.
4. Hawlahana waqtiga ugu habboon ayaa la fuliyaa.
5. Waxa la ayaansadaa hawlkarnimadaada.
6. Waxa la ayaansadaa garaadkaaga.
7. Waxa la garwaaqsadaa dhibaha kugu soo aadan.

Godka Tobnaadna waxa uu baanay:

1. Ogaadoo waqtiga kollay looma helo sida loo rabo.
2. Waqtiga oo kugu cidhiidhiyi, cilado
kale ayuu xambaarsan yahay.
3. Qorshe xumo ayuu astaan u yahay.
4. Xubnaha hawsha oo aan sidii ku habboonayd
loo kala horaysiin ayuu tilmaamaa.
5. Wax aan la karayn oo la isku qaaday ayuu tilmaan u yahay.

Godka Kow iyo Tobnaadna waxa uu baanay:

1. Waqtigu waa seefta oo kale. Ama wuu ku
gooyaa ama adaa wax ku gooya.
2. Maalin walba, dadyohow, qorshaa loo samaystaa.
3. Wiig walba, dadyohow, qorshe ayaa loo samaystaa.
4. Bil walba ama sanadkiina qorshe ayaa loo samaystaa.
5. Kollay hadana wax badan ayaan u socon
sidii loogu talla galay.
6. Lama niyad jabee, hadana, waa la toosiyaa.

Dadyohow, adduunyadu waa hadhkaa iyo labada gelline.
Dadyohow, waxa waqtiga lagu lunshaa wax badan oo aan dan ahayne.
Dadyohow, waxa aanu leenahay u diida waqtiga inuu
macno la’aan idinkaga lumo.
Allow, Eebow, waqtiga cidhiidhi ha nagaga dhigin.
Allow, Eebow dadkayaga dareensii qiimaha waqtiga.
Allow, Eebow dadkayaga garansii anfacaha waqtiga

Intaa ayaynu maaraynta waqitagna ku soo gunaadi. Waa innoo mar kale iyo hawlo kale.
Dr. Suleiman A. Walhad

Email: walhad@taicobu.com

No comments: