Sunday, December 16, 2007

Kulankii Seattle Washington ee Dr Ahmed H Essa















Musharaxu wuxuu aad ugu nuux nuuxsaday sida uu wadanku ugu bahan yahay isbedel siyasadeed haday noqoto xaga cadalada, dhaqalaha iyo siyasada arimaha dibada oo ay maanta waji wanaagsan marayso (Daawo sawirada)

(Gabiley.net)-Waxa shalay la kulmay jaaliyada reer Somaliland ee Seattle Xoghayaha Arrimaha dibada Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye Dr Axmed Xuseen Ciise una taagan musharax nimada Madaxweynaha sannadka 2008_ka ee xisbigaas. Xafladan oo loogu talagalay soo dhawaynta Dr Esa waxaa ka soo qaybgalay dad aad u tiro badan oo isugu jiray xisbiyada qaranka mucarid iyo muxaafidba. Waxay si farxadleh u soo dhawayeen musharaxa madexwaynaha ee xisbiga kulmiy Dr Ahmed Esa ahna xoghayaha arimaha dibada ee ururka Kulmiye Waxa ka soo qayb galay kuna soo dhaweeyay Dr Hussein Esa munaasibadan dhamaan dadweynihi reer Somaliland ee ku noola seattle iyo nawaaxigeeda iyagoo isugu duuban jaaliyad ahaan. Waxa ay ahayd munaasibad si aad u heer sareysa oo fiican losoo ababulay, kana soo shaqeeyeen dhalinyarta jaliyada reer seattle, siham Ahmed iyo mohamed ali odowa.


Xafladaas waxaa ka hadlay odayasha iyo masuliyiinta communitiga, waxaana ka mid ahaa Cabdiraxiim Ibrahim xaji Abdi(Koofiyad Dheere), Jamal Gaboobe iyo Cabdi Bade. Waxaa xaflada furay Cabdiraxiim oo ka waramay sida wanaagsan ee caadada u ahayd jaaliyada reer Somaliland ee seattle, eyna usoo dhaweyn jireen masuuliyiinta nagaga yimaada dalkii. Waxa kale oo u ka hadlay dhowr qodob oo ay ka mid tahay dedaalka iyo wax qabadka Jaaliyada, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay 1994-kii muddo laga joogo iminka 13 sanno ka hor mar jaliyadu u direen buugaag, typewriters, iyo qalab kale oo fara badan looguna talo galay si ay wax ugu bartaan ardaydii markaas uum ka soo noqday xeryihii qaxoontiyada ee Ethiopia. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay si kaftan ah in aanay iminka ugu horeyn in ay soo booqdan masuuliyiinta xisbiyada Kulmiye iyo Ucid seattle ee ay se hore noogu iman jireen, hase ahaate ay gaadhay wakhtigii masuuliyiinta reer udub_na nasoo gaadhi lahayd oo aanu sugayno. Abdirihiin x. Abdi waxa kale oo usoo jeediyay isla jaaliyada guubaabo, isku duubnaashaheeda iyo dedaalkeeda in sarre loo sii qaado, lagana wada shaqeeyo Ictiraafkan fooda saran ee dawlada dalkan aynu ku nool nahay ee mareekanka miiska u saaran.



Cabdi bade oo ka mid ahaa dadkii soo dhaweyay Dr Ahmed Esa ayaa isna ka hadlay inan qofka lagu doran qolo ee lagu doorto wax qabadkiisa iyo cilmigiisa iyo kartidiisa siyaasadeed, hadii lagaga guulaysto mushariixiinta jagada ay u ordayaan inayna lugta gaban ma’mulka ee ay tageeraan. Taasna waxa ku racay musharaxa oo yidhi hadii la’iga badiyo waan ku tageerayaa qofka iga badiya inkastoon dorashada la’igaga badinaynin.



Jamal Gaboobe oo ah gudoomiyaha Jaliyada Somaliland ee Seattle ayaa isna ka waramay tariikhdii isaga iyo Dr. Ahamed soo dhexmartay taas oo uu yiri waad iga mutaysatay inan ku soo dhaweeyo. Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay cadalad darada ka jirta wadankii oo uu yidhi nimanka siyaasiyiinta ah ee la xidhay waxay inoo tahay sumcad xumo ee waa in la’sii dayaa.



Musharaxu wuxuu mahad usoo jeediyay jaaliyada Seattle,isagoo ka hadlay muhiimada, iyo miisaanka jaaliyadaha dibadaha.Musharaxu wuxuu aad ugu nuux nuuxsaday sida uu wadanku ugu bahan yahay isbedel siyasadeed haday noqoto xaga cadalada, dhaqalaha iyo siyasada arimaha dibada oo ay maanta waji wanaagsan marayso hadii laga fa’idaysto ayuu yidhi Dr. Esa. Dr. Ahmed Esa waxaa uu ka hadlay sidii aynu wadanka horumar u gaadhsiin lahayn iyo sida uu diyaarka ugu yahay inuu wadanka wax u qabto, taasi oo uu sheegay in anu wax mushahar ah uga bahnayn ee uu wadanka ugu shaqaynayo si tabaruc ah inta uu maamulka hayo waa hadii la doorte ee. Dr. Ahmed Esa waxaa kale oo uu tusale u soo qaatay sida loogu bahanyahay in la dhiso wadooyin iyo biyo xidheen, taas oo uu sheegay in uu wadanku leeyahay wada kaliya oon isku xidhin wadanka gabi ahana tiiba, markaa waxaa uu hadalkiisii ku yidhi waxaa loo bahan yahay in la dhiso wado isku xiday Caynaba iyo Ceerigaabo iyo Boorama iyo Saylac si uu wadanku isugu xidhmo.

Mar u ka hadlayay xaga dhaqalaha wuxuu si fah-faahsan tilmaamay in ay Somaliland ku talo meel wanaagsan oo u noqon karta suuq wadamada Africa, Bariga dhexe iyo Asiya ay wax ku kala iibsan karaan hadynu agabki ama weelki lagu shaqayn lahaa aynu la nimaadno. Isagoo tilmaayay xeebta dheer eeynu leenahay oo u bahan inay dadku ka fa’iidaystaan khayradka ku jira oo dhaqalaha wadanka wax wayn ka tari laha.



Ugu danbeyntii waxa furmay su’aalihi ay dadka kasoo qeyb galeen u hayeen musharaxa, kuwas oo uu mid mid uga wada jawaabay musharaxu, dadkuna aad iyo aad ulla dhaceen qaabki Dr Ahmed uga wada jawaabay. Dr Ahmed sharaxaadihiisu waxay aad u soo jiidatay dadlki halka isugu yimi iyagoo aad ugu wada riyaaqay qorshihiisa siyaasadeed iyo is bedelka uu tilmaamay.



Mukhtaar Mahdi essa iyo

Nasir Ibrahim

Seattle,Washington

No comments: