Saturday, December 8, 2007

Aqoonsiga Somaliland 16 Sano Ka Dib








(Golisnews): 8.12.2007

Proffeser Lewis oo lagu tiriyo xeeldheere siyaasadeed waxaa uu yidhi¨ Soomaaliland aqoonsigeeda waxa lagu dhawaaqi doonaa mudo u dhaxeysa 2 Bilood oo qudha iyadoo Dunida lagu qasbi doono inaysan ka hadal.Afhayeenka wuxuu hadalkiisa ku tilmaamay mid xaqiiqo xambaarsan oo dowlada Brittan taagersan tahay .

Afhayeenka aqalka odayaasha dalka Ingiriiska Lord Steven Milberg ayaa markii ugu horeysay si cad ugu dhawaaqay dowlada Ingiriiska taageersan tahay hadafka Xukumadda Mareykanka ay ku dooneyso in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu taageereynaa hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Gaashaandhiga Mareykanka Rober Gate,kaas oo uu ku sheegay in Xukumadda Washington dhaqaale siineyso Somaliland,sidoo kalana ay Midowga Afrika kala hadleyso sidii aqoonsi buuxa loo siin lahaa¨ayuu yiri afhayeenka aqalka odayaasha UK Mr Lord Steven.

Afhayeenka wuxuu hadalkiisa ku tilmaamay mid xaqiiqo xambaarsan oo dowlada Brittan taagersan tahay.Inkastoo la saadaalinayo in labada bilood ee soo socoto si buuxda loo aqoonsan doono Jamhuuriyadda Somaliland 16 sanadood kadib hadan Proffeser Lewis oo wax ka dhiga Jaamacada London School of economics ayaa aqoonsiga Somaliland la siinayo 16 sanadood kadib ku fasiray mid ay hormuud ka tahay Xukumadda Washington ee G W Bush ka gadaal markii ay xal siyaasadeed loo waayay xaalada Soomaaliya oo markastaba noqotay mid ka sii dareysa.

Proffeser Lewis oo lagu tiriyo xeeldheere siyaasadeed waxaa uu yiri¨ Soomaaliland aqoonsigeeda waxa lagu dhawaaqi doona muda u dhaxeysa 2 Bilood oo qura iyadoo Dunida lagu qasbi doono inaysan ka hadal¨

Shacabka Koofurta Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweeyay aqoonsigga la siinayo Shacabka Jamhuuriyadda Somalland waxaana laga dareemayaa Muqdisho dhaqdhaqaaqyo xamaasad huwan oo lagu taageerayo maadama ay Somaliland u arkaan mushtamac ixtiraam wayn u haya shacabka reer Muqdisho oo ay si weyn ugu marti sooreen markii ay ka qaxeen Muqdisho iyo gobolada ku xeeran.

Somaliland waxaa bila kadib ka bilaaban doona doorashooyinka dowladaha hoose iyo madaxtooyadda , waxayna shacabka ku codeeyn doonaan kaarar electrics ah oo u dhigma dimoqoraadiyada dunida koowaad ,iyadoo hore Somaliland guulo waaweyn kaga gaadhay dhinacyada amaanka iyo horumarinta adeegyadda bulshadda.

Si kastaba ha ahaatee,in Somaliland la aqoonsado waxaa ay ku beegan tahay xilli Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka uu u jooga Dalka Jabuuti,iyadoo si weyn ay beesha Caalamka u hadal heyso

No comments: