Wednesday, December 26, 2007

Somaliland ma isku heli kartaa Qabashada Xuduudaha iyo Doorashooyinka?















25/12/07

By Xildhibaan Cabdiraxaan Yuusuf Cartan.

Somaliland waa dal sabool ah oo aan la ictiraafin. Xaddiga miisaaniyad sanadeedka 2007 wuxu dhammaa USD30 milyan keliya. Waa dal aan lahayn waxsoosaar dhaafsiisan xoolaha nool oo in dhowaaleba dhibaato badani haysatay. Waa dal ay ka jirto shaqo la’aan baahsan shicibka badidiisu yahay ma-qadaan ma-dhergaan. Ilsha dhaqaale ee ugu muhimsan ee dadka xooggiisu ku tiirsan yahayna tahay masaariifta ay dadka qurbajoogga ahi u soo diraan qoysaskooda dalka gudihiisa ku sugan. Sida kor ku cad, Somaliland waa dal dhinac kastoo laga eego nugul.

Somalilayn: Mucjisadii Qarsoonayd:

sawirka sare wuxu muujinayaa in dalka xaaladdaas dhaqaale ku sugani yahay mid aan lugo adag ku taagnayn. Haseyeeshee waxa Somalilayn u suuragashay inay ahaato meel nabdoon oo wixii khilaafaad ah ee ku yimaadana ku maraysa wada tashi, isu tanaasul, is-tixgelin, deris wanaag iyo nabad kuwada noolaansho. Waxa kale oo ay Soomalilayn tijaabisay kuna guulaysatay inay dhisto haykal dawladeed oo shaqaynaya, halkaas kuma joogsane, waxay Somalilayn u codaysay das
tuur qaran kaas oo ay ku yagleeshay hay’adihii dimuqraadiga ahaa sida xisbiyo, baarlamaan, goleyaal deegaan, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, taas oo suuragelisay in si dimuqraadi ah loogu tartamo awoodda ugu sarraysa ee hoggaaminta dalka. Waqtigan xaadirka ahna laysu diyaarinayo wejigii labaad ee doorashooyinka ee awoodda dalka loogu tartamayey. Beesha caalamkuna diyaar u tahay inay Soomalilayn ka taakulayso habsami u socodka doorashooyinka.

Cadawga iyo saaxiibkuba waxay la ashqaraarsanaaayeen halka ay ku jirto sirta guulsha Soomalilayn. Sababta uu dalkaas saboolka ahi uga badbaaday colaadaha naafeeyey Soomaali inteedii kale? Siyaabaha ay Somalilayn dhaqaalahaas kooban ugu maamuli karto hawlaha wanaagsan ee u qabsoomayo. Taasi waa arrin ay weli baadhistiisu socoto!

Sida Beesha Caalamku Dagaalka ka hor u Arkaysay Muranka Sool &Sanaag Bari

Intii ka horraysay dagaalkii ay Somalilayn ku qabsatay Laascaanood, beesha Caalamku waxay taagnayd mawqif cad oo u xaglinaya in Sool iyo Sanaag Bari ka mid ahaadaan Somalilayn. Si ficil ah ayay beesha Caalamku ugu shaqaysay inay Sool iyo Bariga Sanaag ka tirsan yihiin Somaliland . Waxana taas u daliil ah in qusumkii mucaawinada dib-u-dhiska iyo horumarinta (Reconstruction and Development Fund) ee Deeq-Bixiyayaashu ugu talo galeen Sool iyo Bariga Sanaag shanta sano ee soo socdaa(2008-2013) ay qayb ka tahay lacagta dhan 550 milyan ee doolaar ee ay Somaliland maamulayso. Deeqbixiyayaashu waxay go’aankaas gaadheen iyagoo og inay Laascaanood ku jirta gacanta Puntland.

Maamul Goboleedka Puntland waa uu ka cawday go’aankaas, haseyeeshee waxa muuqata in deeqbixiyayaashu ay Puntland dareensiiyeen in isirnimada ay ku doodayaan ay gobolka oo dhan cawaaqib xumo u keenayso, sidaas daraadeedna lagu ajburay inay qaadtaan go’aanka ay Deeqbixiyaashu (Midawga Yurub & Norway, Baanka Adduunka iyo Jimciyadda Quruumaha ka Dhexaysa) ay Sool iyo Sanaag Bari ku raacinayaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Deeq-bixiyeyaashu waxay raali ka ahaayeen in aanay Somaliland qaab milateri u marin hanashada Sool iyo Sanaag Bari, sababtoo ah:

1) qaab milateri wax uu sii xumeeyo mooyee waxba hagaajin mayo; farriin aan sax ahayn ayuu u dirayaa dad badan oo reer Sool ah

2) Somalilayn dhaqaale ahaan awood uma laha dagaal waqti socda;

3) hawlgal milateri wuxu marin habaabinayaa geeddi socodkii dimuqraadiyada

4) wuxu dhaawacayaa nabaddii Somalilayn ku caanbaxday, wuxuna ka yeelayaa geyi colaadeed (conflict zone).

Haddaba su’aashu waxay tahay waxa Maamulka Rayaale ku kalifaya inuu qabasado Laascaanood iyadoo habka ay Deeq bixiyeyaashu wax u wadeen ahaa mid Somalilayn awoodsiinaya?

Sababta maamulka Rayaale u diiday inuu tixgeliyo awoodsiinta ay beesha caalamku siisay oo uu Laascaanood si miyir qabta ugu soo dabbaali waayey xayndaabka Somaliland? Waxa kallifay inuu qaado dagaal aan la garanayn cawaaqib xumada ka dhalan karta?

Waxa lagama maarmaan ah in si weyn looga baaraandego jawaab u helidda su’alahaasi.

Marka laga daacad yahay, himilada Somalilayn waxa ka mid ah;


1. inay dhawrto xasiloonida iyo nabadda uu is-beddelka dimuqraadiga ahi u baahan yahay.
2. Inay sii xoojiso hanaanka dimuqraadiga ah iyo
3. inay sugto xuduudaheeda caalamiga ah.


Werwerka ugu weyn ee muuqdaa wuxu yahay inay xukuumaddu awooddeedii maskaxeed iyo maaliyadeed isugu geysay qodobka saddexaad iyadoo khatar gelinaysa qodobada kowaad iyo labaad oo ah kuwii lagu caano maalay. Ka arriminta fog ee Sool iyo bariga Sanaag (lon term strategy) waxay u taal maamulka cusub ee reer Somalilayn doorto, waayo sugidda xuduuduhu wuxu ku xidhan yahay sida nabaddu u sii jirto iyo sida dimuqraadiyaddu uga tisqaaddo Somalilayn.

Marka xaal sidaas yahay maxaa Gadh-wadeenka Soomaalilayn kala gudboon deegaanada Sool iyo Sanaag Bari?:


1. inkasta ha qaadatee, waa inay Somalilayn sugidda xuduudaha si nabadgelyo ah ku doonto, si ficil ah u muujiso in danta beelaha Sool iyo Sanaag bari ku jirto Somalilayn
2. Beelaha Sool iyo Sanaag bari waxay kala dooran karaan DAN iyo ISIR, haddii aanay Soomalilayn wax dan ahi uga muuqan, waxay ku khasbanaanayaan inay dugsadaan kuwa ay isirka wadaagaan.
3. xoog ku dayidda xallinta dhibaatada dhulkaasi waxay u dhigantaa minjaxaabinta Somalilayn iyo burburinta guulihii dadka reer Somalilayn soo hooyeen muddada 18 sano ku dhow. Xoog ku dayidda maaraynta qalalaasaha Sool waxay lid ku tahay xasiloonida, nabadda iyo isbeddelada dimuqraadiga ee sida mudda-karka ah uga tisqaaday Somalilayn wuxuna halis ku yahay maslaxadda iyo jiritaankeeda,
4. xoog ku dayidda qalalaasaha Sool waa mid aanay Somalilayn beesha caalamka wax taageero ah kaga helayn, garna ku siinayn
5. xoog ku dayidda qalalaasaha Sool Somaliland ka kasban mayso wax aan colaad iyo karaahiyo iyo fashal ahayn


Hawlsha Loo Baahan Yahay In Maamulku Mudnaanta Kowaad Siiyo:


1. waa inuu maamulku ku fara-adaygo kobcinta nabadda iyo xassiloonida
2. inuu si rasmi ah u muddeeyo waqtiga qabashada doorashooyinka
3. inuu komishanka Doorashooyinka Qaranka u sii daayo misaaniyaddii loo qoondeeyey oo u dhiganta 25% miisaaniyadda guud, halka 75% kale ay beesha caalamku ballan qaadday, haseyeeshee ay ku xidhan tahay xukuumadda oo inteeda soo hor marisa,
4. in dhakhso loo bilaabo diyaarinta iyo tababaridda afar iyo tobanka kun (14000) ee qof ee ay tahay inay ka qayb qaadtaan hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha
5. inay xukuumaddu ku qanciso golaha guurtida inay carqalada ka daayaan xeerka doorashooyinka


ku tallaabsiga arrimahani waa kuwo ay beesha caalamku diyaar u tahay inay ka taageerto Somalilayn isuguna soo taagayso.

Aragtiyaha Jilayaasha Gudaha ee Qalalaasaha Lascaanood

Ula jeeddada maqaalkani waa inaan reer Somalilayn u iftiimiyo in Laascaanood oo xoog lagu qabsadaa u adeegayn danaha Somalilayn. Ciddii arrinkaas u riyaaqdayna ay ma tahay laab-la-kac ama tahay cid ajande kale leh ama danayste/fule is-daadraaciye ah oo ka meermeeraya xaqiiqada jirta iyo halista ay arrintani Somalilayn u leedahay.

Xukuumadda: Waxay ila tahay xukuumadda xilligan Laascaanood ku duushay oo iyadoon mid qudha ka ahayn madax-dhaqameedkii iyo aqoon yahankii dhulbahante doonaysaa inay Laascaanood xoog ku haysataa sir u qarsoon oo aan lala ogayn baa jirta.

Dadweynaha: qabsashada Laascaanood wuxu arkaa guul la gaadhay, waayo waa arrin in badan lagu taamayey oo lagu guulaystay, haseyeeshee waxa aanay xisaabta ku darin saamaynta ay arrintaasi ku yeelan karto mustaqbalka nabadda iyo xaaladooda nololeed,

Mucaaradka: way og yihiin inaan Laascaanood xoog lagu haysan karayn, in arrinkaasi khatar gelin karo xasiloonida Somaliland , xukuumaduna ujeedooyin aan wanaagsan ka leedahay, haddana waxay ku dhici kari la’ yihiin inay dadka runta u sheegaan.Waxay ka baqayaan in dadku ka soo horjeesto. In lagu eedeeyo xoraynta Laascaanood bay ka soo horjeedaan. Xisbiyada waxa laga rabaa hoggaamin.

Garaadada reer Sool: Garaadada iyo Madax-dhaqameedka reer Sool waa inay xil weyn iska saaraan sidii aan arrinta Sool faraha uga bixin. Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo wax kasta oo ay aaminsan yihiin waa ay og yihiin cawaaqib xumada ka dhalan karta colaad sokeeye. Waxa lagama maarmaan ah in muranka si xikmad ah loo furdaamiyo lana joojiyo tallaabo kasta oo horseedi karta colaad. Waxa loo baahana yahay in arrinta si istraateji ah loo eego lagana ilaaliyo caaddifadda iyo aabbahay goblan.

Mashruucnimada Qabsashada Laascaanood: dad badan oo ay hormood ka yihiin kuwa Sool u dhashay waxay qalalaasaha Laascaanood ka dhex arkaan mashaariic lacageed. waxay u xusul duubayaan in mid walba loo qarameeyo tiro ciidan ah oo goor dhow isu beddela Caagleyaal in loo iibiyo hub iyo gaadiid meel uu ku danbaynayo la hubin, in loo dhiibo lacag ku magacaaban in odayaasha Sool lagusoo xero gelinayo haseyeeshee aan wax dammaanad qaada ahi la socon.

Xildhibaan Cabdiraxaan Yuusuf Cartan,

Xubin G.Wakiillada Somaliland, Hargeysa.

No comments: