Monday, December 24, 2007

Ku Biiritaanka qaran ee Kulmiye , Waa Maamulkanow ka bul dheh!!

Xikmadda Alle Ummaddan siiyey, marka ay arrimuhu
sargacmaanba, Qaraar geesinnimo ula timaddo, waa Alle
mahaddii!!


"Ninna Dhuunuu kuu dhex-joogaa, ninna dhaqashuu, kuugu
dhuubtoo, kuugu dholondholay," waa erey inteenna geel
ka ag dhawdhawi u buhol yawdo, gar ahaan , marka aynu
ka fogaanno, halka ay dheeho, miyir iyo halaha faraha
bdan ee ay bulshadu leedahay, laf dhabarta dhaqaalena
u ah. Waxa aan ku keenay heestan, waxa soo af-jarmay
khilaafkii Distooriga ahaa ee Urur Siyaasadeedka Qaran
iyo Maamulkan awoodda ku muquuninaya Muwaadiniinta oo
marka ay arrintu soo gaadhey, in aanay iska horimaad
ka fursaneyn, sidii Xisbiga Kulmiye, isaga oo Codadkii
Degmada dhan ee Gacan libaax lagaga kansal gareeyey,
Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka ee Degmada ayaan
saxeexin in kasta oo Goobjoogayaashii Saddexda Xisbi
qaranba ay Saxeexeen, ee haddana la yidhi dhawr iyo
seddeetan cod ayaa lagaaga helay, iyada oo kumannaan
cod sidan rakhiiska ah looga duudsiyey, ee markuu
il-Muwaadin lexejeclo iyo qiimaha ummaddan oo uu dhawr
iyo toban sannadood u dib jirey sidii uu uga dhicin
lahaa, Diktaatooriyaddii Faqash , in uu kursi shan
sannadood ah, ku geliyo dagaal sokeeye iyo fawdo ay la
noqon weydey, ee sidii Geesinnimada lahayd ee uu
Faqashba wadnaha ugu dhuftey, Cadow badan oo is lahaa,
Maanta ayey kala yaaceysaa, isha qriga ka geliyey,
ugana Tanaasiley UDUB, inay dhawr iyo Siddeetankaa
xeeladeysan ay ku hanato xukunka, ayey Mujaahidiintii
qaranna, Xaq Distooriya oo ay leeyihiin, si aanay UDUB
oo sabab aan Doorasho Dalkan ay ka qabato u diyaar
ahayni, uga dhigan oo ay xasillooni darraba , hawada u
soo gelin, uga tanaasuleen xaqaas ay lahaayeen kuna
biireen Xisbioga Kulmiye!!

Waa laba hambalyo oo Mujaahidiintu ay Muteysteen.
Marka hore waa hambalyo Aqooneed, oo Cilmigu in uu
yahay quwad



aan la liicin karin oo wax walba ka awood badan, waa
ta ay dhawrka bilood ugu adkeysteen ilaa xaqooda la
meel dhigo in aanay ka soo bixin. Waxa shahaadado
aqoonsi siiyey Hay'adaha Xuquuda Caalamka, Aqoon
yahannada Dalal badan iyo Bulshoweynta Somalilandba.
Waana ta keentay in Culeyskeeda ay hayn kari waayeen
Maamulkan awood ku diririka ahi. Mar labaadna waa
hambalyo oo waxay mideeyeen , xoogga aqooneed ee
Bulshada, qaar badan oo hurdeyna ay toosisay
qaddiyaddoodu. Waxa u dheer Hambalyo Saddexaad oo ah
ku biiritaankooda Xisbiga Kulmiga oo ay soo
dhaweyneyso Bulshaweynta Kulmiye oo ay Mujaahidiintii
Snm ku dhan tahay, kuwaas oo si dhab ah u garanaya ,
qiimaha dhabta ah ee ay Mujaahidiintanu Dalka ku
leedahay.

Dhanka haddii aynu dhan nidhi, dhanka kale aan adhiga
u soo rogannee, Toddoba bilood ayaa ka hadhey Muddadii
Cusbeyd ee ka daba-tuurka Doorashada ahayd!! Waxa aan
ilaa Maanta Miisaaniyaddii loogu talo galey kharashka
Doorshooyinku ka soo bixi la'dahay Maamulkan, waxa
kale oo aanu bixin, kharashkii Diiwaangelinta
Cod-bixiyaha oo ay yidhaahdeen Doorasho ma dhaceyso
ilaa la Diiwaan geliyo Codbixiyeyaasha!!. Waxaynaan
is-weydiineyn in aan Dadweynuhu marka horeba , waraaqo
aqoonsi aanu lahayn, soo galootiga Dalka joogaana
le'eg yahay haddaanu ka badneyn Muwadiniinta. Dhinaca
kale , Bulshada oo 80% reer Guuraa tahay, jiilaal ayey
geleysaa oo Xuduuddaba wey ka tallaabayaan inta
badani, Diiwaan gelintu, haddaba, mar haddii aanay
jirin Saddexdii Doorasho ee horeba, waxa maanta ay
iyada oo waqtiga yar ee hadhey aanay u suuragelayn mar
haddii kharashkeedii iyo qorshihii ahaa in ay
Oktoobartii inna dhaaftey Bilaabanto hawshaasi midna
socon waayey, ma dhufeys kale oo loo qodanayo, muddo
kordhin kalaa? Maxaa Doorashada tooska ah innaga
hortaagan illeyn maaha tansiil kaabaddanu , Alle
innagu amrey oo aynaan dhaafi karine?!!




Qiso kale oo aan Dalkan Muran ka hadheyn inta ay jirto
waa Golahan is-xambaarka iyo Maamulka ee Guurtida!!
Marxaladdii aanu Dalku Distoorka lahayn ee ay Odey
dhaqameedka ka ahaayeen wey dhammaatey. Si loo bogey
oo


lagu mahadiyey, looguna mahad naqey ayey u guteen,
waxase nasiib darro ah in ay dhexda ku marteen
tiirasha Golaha Guurtida markii ay Muddadii ka
dhammaatey, inqilaabeenna Distoorkii qaranka, iyaga
iyo Madaxtooyaduna shirqool Distoor isugu jadiidiyeen
Xilkii qaranka!! Oo qaran dumisnimo ah!! Golahan oo
aan sifo sharci ah ku joogini, kama jiri karo, hannaan
Dimuqraaddi ah, wadcigooda oo aan la sixinna, waa ,"ha
fadhido farow !!" Waxaan rajeynaya in Baytul qasiidka
ku jira, ku biiritanka Ururka siyaasadeed ee qaran
kulmiye uu fahmay Mamulkanu in uu yahay kaadhkii
casaa, oo ay ummaddanu Maamulkan u dhiibtey, una
hadhin rajo ay ku sii cumri dherersadaan, lana
go'aansadey is-beddel Siyaasadeed oo ay duruufta Dalku
waajibisay!! Waxa looga fadhiyaa, Maamulkan
Geesinimadii Kulmiye iyo Qaranba xuquuq Distoori iyo
Sharciya oo ay lahaayeen , ay badbaado qaran uga
tanaasuleen in Maamulkanina teeda kaga waantoobo,
xaalad abuur iyo kaabado ama carqaladaha muuqda ee uu
kaga warwareegayo Doorasho xor ah oo xalaal oo dhacda,
sida muuqata.

Ku durdurinta Ururrada Xuquuqda aadanaha, Hanjabaadda
iyo xeerka Ciqaabaha ee saxaafadda lagu cabbudhinayo,
iyo xaq dhawr la'aanta xurmada Distoorka oo gacanta
loola tago, intuba way dhaceene, bal wax dambe yaanay
ku darin, sidii ay xilkan si nadiif ah ugu wareejin
lahaayeen Cidda ay ummaddu ugu igmato codkeedana ,
diyaar ula ahaadaan, iyaga fadhi u la'e!!

Allaa Mahad leh.

Dr. Cali Cabdi Muxumed,
Hargeysa

No comments: