Saturday, December 22, 2007

lacagtii doorashooyinka dawladaha Hoose oo dhamayd














By: Admin on 12/22/07
lacagtii doorashooyinka dawladaha Hoose oo dhamayd
Afar ka mida Gudida doorashooyinka S/land ayaa maanta u socdaalay wadanka Kenya si ay uga mid noqdaan goobjoogayaasha ilaalin doona sida ay u dhacayaan doorashooyinka kala duwan ee la filayo inay ka dhacaan wadankaasi.



Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee gudida doorashooyinka isla markaana ah gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Gudida doorashooyinka Qaranka Xirsi X.Cali Xasan ayaa sheegay xukuumadda S/land ayaa hal bilyan iyo badh ku shubtay account ka Gudida doorashooyinka lacagtaas oo ka mid ahayd sideedii bilyan ee loo qoondeeyay doorashooyinka dalka ka dhici doona inay ku bixiso.

waxa kale oo uu xusay Xirsi inay deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyana kula kulmi doonaan si ay ugala hadlaan dhaqaalihii ay ugu tala galeen doorashooyinka Xirsi X.Cali waxa uu uga dhigay xisbiyada dalku inay bilaabaan ololahi doorashooyinka ka hor wakhtiga ku munaasibka ah ee ay gudidu cayimayso,waxaanu xusay gudi ahaan inay samaynayaan gudidii anshax marinta ee doorashooyinka gudoomiye ku xigeenka doorashooyinku waxa kale oo uu sheegay inay saddex xubnood oo ka mida saddexda xisbi iyana ay ka qaybgali doonaan goob joogayaasha caalamiga ah ee ka gayb gali doona doorashooyinka ka dhici doona dalka Kenya.

Bixinta xukuumadu bixisay qayb yar oo ka mid lacagta loogu talagalay doorashooyinka D/Hoose waxay ka danbaysay khilaaf dhawaan soo shaac baxay oo ay xubin ka mida gudida doorashooyinka oo la yidhaahdo Ahmed Maxamed Xaaji ku eedeeyay xukuumadda inay ka cagajiidayso bixinka lacagtaas taasoo uu gudoomiyaha ku meel gaadhka ah iyo xubno kale isla maalintii danbeba beeniyey.

Lacagtan xukuumadu bixisay ayaa marka loo eego inta laga doonayey noqonaysa mid aan wali lagu qanci Karin in doorashooyin loogu diyaar garoobi karo iyadoo wakhti yari uun ay ka hadhsan tahay mudadii lagu heshiiyay inay doorashooyinku dhacaan.

Source goljano

No comments: