Friday, December 21, 2007

Khubarada Hagta Siyaasadda Maraykanka oo ku Taliyay Aqoonsiga Somaliland










Hargeysa (Jam/W.Wararka)- Markii ugu horaysaya tan iyo intii ay 1991kii madaxbannaanideeda dib ugala soo noqotay midowgii Soomaaliya, ayay Somaliland noqotay mid aad looga hadal hayo doodaha siyaasadeed ee ka dhexsocda maamulka madaxwayne Bush ee Maraykanka oo laga yaabo inay suurtogasho in qaran ahaan uu u aqoonsado Somaliland.

Faallo arrintan ku saabsan oo lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha wararka iyo wargaysyo ka soo baxa koonfur Afrika, Ethiopia ,Uganda iyo Saxaafadda Maxaliga ah . waxaa qoray aqoonyahan u dhashay Soomailand oo wax ka qora arrimaha siyaasada Geeska Afrika oo la yidhaa Dr. Mohamed Abdillaahi Omar, oo fadhigiisu yahay London, cariga Ingiriiska.

Aqoonyahayankani wuxuu sheegay in Maraykanku u muuqdo hadda inuu taageero siinayo qaddiyada Somaliland, halka uu geesta kalena ka muujinayo in ay isbeddelayso aragtidiisa caalamku ee ku jahaysnayd xagga nabadgalyada iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Faalladu waxay tilmaamtay in dhawaan saraakiil ka tirsan hogaamiyayaasha Wasaarada Gashaandhiga ee Maraykanku ay si cad u qeexeen ina ay doonayaan in Somaliland loo aqoonsado dal madax banaan. Waxay kale oo sheegaan in Somaliland ay tahay dal nabadgalyo ku soo dabaalay dhulkooda, muujiyayna inay samayn karaan xukun, kale danbayn, doorashooyin siyaasadeed iyo xasilooni.

Dooda aqoonsiga Somaliland waxa soo dadajiyay sida ay sheegtay faaladani xaaladda ammaan-darro ee ku sii badanaysa Soomaaliya, dib u soo noolaanshaha kooxaha mitidka aha ee Muqdisho iyo ruxanka dawladda taagta daran ee Dkmg. Haseyeeshee , waxaa la aaminsan yahay in arrinta wayn ee isbedelkani uu salka ku hayaa in ay tahay aragtida hagta siyaasadeed dibada iyo istaraatajiyadda amniga qaranka ee Maraykanka.ee maamulka Bush oo imika is bedashay.

Sida muuqata, Maraykanku wuxuu hadda qaatay aragti cusub oo dhinaca xidhiidhka caalamka ah oo u saamaxaysa inuu la shaqeeyo dalal aan haysan wax aqoonsiya amase cid aan ahayn hoggaankii la soo doortay ama loo aqoonsaday inuu hoggaamiye ka yahay dalkaas, isagoo isla markaana ku tilmaamay inaan qawaaniinta caalamiga ah ahayn mid ku kooban la macaamilka dal la aqoonsan yahay oo qudha.

Tusaale waxa ah oo loo soo qaatay sidii Maraykanku ugu dabaaqay Soomaaliya aragtidiisan cusub ee dunida kadib markuu si toos ah ula macaamilay qabqablayaashii dagaal ee Muqdisho ee waqtigii ay Ururka Maxaakiimtu awoodda ku lahaayeen Xamar. Iyo waliba taageerada xaga horamarinta siyasada iyo demoqraadiyaynta ee uu ka taageero Soomaliland.

Ujeeddada ugu horreysa ee Maraykanku ka leeyahay Geeska Afrika waa siduu uga ilaalin lahaa in gobolku u noqdo argagixisada meel ay ku tarmaan. Somalilandna wuxuu Maraykanku u arkaa dal gacan ka gaysan karaa sidii loogu guulaysan lahaa ka hortagida arrintaasi. Sida daraadeed, waxa la sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay u fidiso Maraykanka sidii looga wada shaqayn lahaa himiladdasi.

Waxyaabaha u sahlaya in Maraykanku gaadho yoolkiisa dhinaca amniga ayaa lagu tilmaamay inay yihiin Somaliland oo ku taal goob istaraataji ah oo kaabiga ku haysa marrinada Badda Cas, Gacanka Carbeedna kulaalaysa, isla markaana tahay dhul deggan oo xasilloon.

Faaladu waxay tibaaxday in madaxda sare ee Pentagon-ka, ay soo jeediyeen in loo fidiyo aqoonsi dalka Somaliland, iyaga oo doonaya in ay qayb ka qaadato Somaliland la-dagaallanka argagixisada caalamiga ah, taas oo iyana lagu tilmaamay inay ka mid tahay tallaabooyinka muujinaya in Maraykanku isbeddel ku sameeyey aragtidiisii hore ee dunida.
Dhinaca kale, waxay qormadu sheegtay in Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanku ay wali carabka ku dhufanyso in arrinta ku saabsan xaga aqoonsiga Soomaliland loo daayo Ururka Midawga Afrika, si ayna arrintani khalkhal siyaasadeed ugu keenin wadamada Afrika.
Isagoo ka jawabaya qiilka ay cuksatay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanku, wuxuu qoraaga faallado sheegay in fikirkoodo baal marsan yahay xaqiiqda taariikheed ee madaxbanaanida Soomaliland iyo mawqifka Ururka Midawga Afrika ka qabio arrintanba. Wuxuu sheegay aqoonyahanakani in warbixin ay soo saareen Ururka Midawga Afrika badhtamihii sanadkii 2005 ay si cad ugu qeexeen in arrinta Soomaliland ay tahay ‘arrin taariikh ahaan ka duwan isqabqabsiga xaga xuduudaha Afrika iyo muranada siyasadeed’. Waxay kaloo warbixintu sheegtay in ‘arrinta Somaliland u baahan in si gaar loo tixgaliyo, waayo waa arrin leh mudnaan gaar ah oo u baahan in si gaar ah wax looga qabto’.

Ugu dambayntii, waxay faaladu xustay in dooda cusub ee ka dhex aloosan maamulka madaxwayne Bush ay muujinayso in Maraykanku hadda fiiro gaar siinayao Somaliland, iyo in dadaalkii dheera ee ummada reer Somaliland u soo martay dhisida qaranimadeed imika Maraykanku tixgalin siinaya.

Jamhuuriya Online

No comments: