Thursday, December 13, 2007

Markab Siday Xoolo Lagu Qiyaasay 10,000 Oo Neef Oo Ku Degay Bada Cas.














Written by Cabdikariim Ismaaciil
Thursday, 13 December 2007

ImageHargeysa(Hormoodnews)-Markab siday xoolo lagu qiyaasay 10,000 oo neef oo ku socday wadanka Sacuudiga ayaa ku degay Bada Cas.Markabkan oo urarnaa ganacsato reer Soomaaliya ah ayaa waxa uu ku dagay meel udhaw xeebaha dalka Yemen . sidaa waxa xaqiijiyey ciidamada badda ee Maraykanka oo iyagu fadhigoodu yahay wadanka Jabbuuti.

Xoolaha uu siday markabkan degay maanta ayaa waxay ahaayeen kuwa loogu talagalay munaasabada Ciida Barakaysan ee Cidul Odxa oo ku beegan bishan December 20,2007. Ciidamada Bada ee wadanka Yemen oo gacan ka helay ciidamada Badmareenka ah ee wadanka Maraykanka ayaa waxay bad-baadiyeen dhamaan badmareenadii markabka la socday oo dhamaa 22 qof , hasa yeeshee waxa halkaa ku qarqamay oo kuleeday dhamaan xoolihii saarnaa markabka.

Dhanka kale Xuseen Xaaji Axmed oo ka tirsan Qunsuliyadda Soomaalida ee Magaalada Cadan ayaa u sheegay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga in Markabkan uu ku degay Xeebaha Dalka Yemen, isla markaana ay ku Qarqameen 10-kii Kun ee Adhiga ahaa, inkastoo uu xusay in laga bad-baadiyay shaqaalihii saarnaa oo isugu jiray 6 Soomaali ah iyo kuwo Dalal kale u dhashay.

Xuseen Xaaji Axmed waxaa uu sheegay in Markabkan oo uu leeyahay Nin Ciraaqi ah oo degan Dalka Imaaraadka Carabta uu gebi ahaanba degay, isla markaana ay xoolihii saarnaa ay ku Qarqameen, wuxuuna intaas ku daray in haatan Xeebaha Dalka Yemen, gaar ahaan Xeebta Xudeyda lagu arkayo bakhtiga Adhigii uu Markabku la degay, kuwaasi oo ay gurayaan ciidamada ilaaliya Xeebaha Yemen iyo Hay’ado Faya-dhowrka qaabilsan.

Markabkan ayaa degay kadib markii ay cilad gashay, dabadeedna iyadoo la sameynayo ay mowjado xoog leh ku kaceen, kuwaasi oo gudaha markabka biyo soo geliyay.

Ma jiro ilaa iyo haatan war ka soo baxay dhinaca Dowladda Sacuudiga oo lagu sheegay sababta Markabkaas Xoolaha Soomaalida waday loo diiday in uu Dekedaha Sacuudiga ku xidho, dabadeedna Xoolaha saaran uu halkaas ku dejiyo.

Dhanka kalena Xuseen Xaaji Axmed waxaa uu sheegay in ay weli gaadhayaan Xeebaha Yemen Doomo ay saaran yihiin Dad Tahriibayaal ah oo Soomaali iyo Afrikaan kale iskugu jira, wuxuuna intaas ku sii daray in shalay oo ugu dambeysay ay gaadheen Xeebaha Yemen laba Doomood oo ay ku geeriyoodeen shan qofood.



Cabdikariim Ismaaciil.

Hargeysa-Hormoodnews.

No comments: