Thursday, December 27, 2007

SHALAY: IS BAR-BAR JOOGGII ISMAACIIL YARE EE MADAXWEYNE RAYAALE LABA MID KEE BUU AHAA?..














Staff Writer
Published Dec 27, 2007
Markii uu Madaxweyne Daahir Rayaale muddo yar oo kooban ahaa Madaxweynaha Somaliland, waxa uu Wasiirka Arrimaha gudaha u magacaabay Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan, oo aan xilligaas hayn wax xil dawladeed ah. Markii ay muddo yar wada shaqaynayeen waxa soo baxday xan xoog badan oo sheegi jirtay in xidhiidhka Rayaale iyo Ismaaciil aad u wanaagsanyahay oo ay jaal fiican ku noqdeen dhinaca siyaasadda. ...



Waxa uu Ismaaciil ku caan baxay inuu si adag uga jawaabo eedaymaha mucaaradka uga yimaada xukuumadda uu ka tirsanyahay, waxaanu qayb libaax ka qaatay doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka oo uu garab taagnaa xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweyne Rayaale ee UDUB, taas oo uu ku mutaystay inuu ka mid noqdo ragga Madaxweyne Rayaale kalsoonida weyn ku qabay, islamarkaana uu noqday nin magac iyo awood badan.
Dhawr goor ayay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradku ugu baaqeen Madaxweyne Rayaale inuu casilo wasiirka Arrimaha gudaha iyagoo eedaymo u xambaarin jiray. Balse Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin dheg jalaq uma siin jirin, waxaanay isaga iyo saaxiibo kaleba Ismaaciil u arkayeen geesi xukuumaddu leedahay oo aan la gaban weerarka mucaaradka. Marar badan oo ay xilligaas soo baxeen warar sheegaya in mugdi ka dhex jiro Madaxweyne Rayaale iyo Ismaaciil yare, haddana ma noqon kuwo xaqiiqo ah.
Waxase mar keliya lagu war helay mugdi galay kalsoonidii Madaxweyne Rayaale ka qabay Md. Ismaaciil Aadan Cismaan. Markaas oo Madaxweyne Rayaale soo saaray warsaxaafadeed uu kaga jawaabayo hadal ka soo yeedhay Ismaaciil Aadan Cismaan oo uu ku weeraray qaar ka mid ah culimada Burco oo uu ku sifeeyay inay yihiin wadaado Diin cusub la soo baxay.“Maaha go’aan xukuumadeed odhaahda wasiirka arrimaha gudaha Md. Ismaaciil Aadan Cismaan ee uu ku leeyahay waxaanu la dagaalamaynaa wadaado gaara sida ku qornayd wargeyska jamhuuriya”. Xukuumadu culimo iyo koox gaara oo ay talaabo ka qaadaysaa ma jirto sida caadiga ahna shakhsigii fal-danbiyeed ku kacan ayuunba la qaban karaa iyadoo sifo sharciya loo maraayo.”
Ismaaciil Aadan Cismaan, kama jawaabin warsaxaafadeedkaas Madaxtooyada, waxase aan meesha laga saarayn inuu warsaxaafadeedkaasi ahaa farriin miisaan leh oo dareen gelisay Ismaaciil Aadan Cismaan, taas oo uu Madaxweynuhu ugu muujinayay isbedel ku yimid xidhiidhkoodii wacnaa, maadaama Madaxweyne Rayaale ka door biday inuu Ismaaciil gaar ula hadlo, inuu ugu jawaabo warsaxaafadeed dunida lagu baahiyay.
Muddo kooban ka dib markii dareenkaasi soo if baxay, ayaa goor arooryo ah oo ku beegnayd 30 May, 2006 Idaacadda Radio Hargeysa laga maqlay warsaxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay oo xilkii lagaga qaaday Ismaaciil Aadan Cismaan. “'Madaxweynaha JSL Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa saaka laba xeer Madaxweyne oo uu soo saaray xilkii qaranka ay u hayeen kaga qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan iyo Taliyihii guud ee ciidanka Booliska Somaliland guddi baadhiseedna u saaray falkii ay ku kaceen kooxda Birmadka oo aan ahayn dhaqan ciidan, si sharciga loo mariyo cidii masuulka ka ahayd dhacdadaasi.
Madaxweynuhu xil ka qaadista wasiirka Arrimaha Gudaha sababteeda waxa uu ka yidhi ''Khilaafkii adiga iyo taliyaha ciidanka Booliska idinka dhexeeyay oo aan in badan isku dayay inaan xaliyo ayaa wuxuu maanta ina gaadhsiiyay in koox ka mida ciidanka Birmadka Boolisku ay ku kacaan gadood ka dhashay khilaafka adiga iyo taliyaha idiin dhexeeya, sidaasi daraadeed waxa lagama maarmaan noqotay inaan kaa qaadi xilkii wasiirnimo ee aad qaranka u haysay laga bilaabo Maanta.”
Tallaabadaas Madaxweyne Rayaale shaqadii kaga fadhiisiyay Wasiirkiisii, waxa ay dad badan ku noqotay yaab iyo amakagaad, waayo marna lagama fakarin in Mudane Rayaale si fudud xilka uga qaadi karo Ismaaciil oo la saadaalin jiray inay mar xilka ka wada degi doonaan, marka loo eego xidhiidhkoodii xooganaa iyo kalsoonidii ka dhaxaysay.
Ismaaciil yare, oo loo arkayay inuu xog badan hayo, waxay dadka badankiisu filayeen inuu arrimo badan daboolka ka qaadi doono marka uu xilka wareejinayo, sida in badan lagu arkay wasiiro xilka laga qaaday. , Balse sidii la filayay Ismaaciil ma noqon, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay hadli maayo, ,sirta ugu badana anigaa haya. laakiin sheegi maayo, oo waan la dhimanayaa.”
Madaxweyne Rayaale muddo ka dib waxa uu xilkaas u magacaabay Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo xilligaas ahaa Badhasaabka Gobolka Hargeysa. Indheer garad badan oo muddooyinkii u dambeeyay la socday siyaasadda Madaxweyne Rayaale ayaa in badan saadaalin jiray in Md. Cirro noqon doono bedelka Ismaaciil Aadan Cismaan, taas oo aakhirkii rumowday, taas oo Ismaaciilna dareensanaa, aakhirkiina rumowday.
Haddaba, Md. Ismaaciil Aadan Cismaan oo aan muddo lagu arag agagaarka Madaxweyne Rayaale tan iyo mudadaas xilka laga qaaday oo sanad iyo dheeraad ah, ayaa markii u horaysay shalay lagu arkay Madaxweyne Rayaale agtiisa, sidii uu berri ahaa. Waxa uu ka mid ahaa raxan isugu jiray wasiiro iyo asxaab kale oo Madaxweynaha ku weheliyay kormeer uu ku soo maray taliska guud ee ciidanka qaranka iyo Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, isaga oo weliba Ismaaciil ku lebisnaa suudh bilic leh iyo muraayad, taas oo muujinaysay inuu shalay diyaar ahaa. Arrinta markiiba la dareemay ayaa waxay ahayd in Wasiirka Arrimaha gudaha ee xilligani Md. Cabdillaahi Cirro aanu goob joog ka ahayn kormeerkaas Madaxweynaha, halka uu goobtaas joogay wasiikii hore ee uu xilka kala wareegay.
Isku soo wada duuboo, ka muuqashadii Ismaaciil ee Madaxweynaha agtiisa ee shalay oo dareen dhalisay, waxa loo fasiri karaa inay laba mid uun ahayd: Bidhaan muujinaysa in Ismaaciil jidka ku soo jiro, maadaama doorashooyin soo dhow yihiin, iyo xusuus berisaamad.

Wargeyska Geeska Afrika...

No comments: