Wednesday, December 12, 2007

Dawlad aan Gar Qaadan in lala Garnaqsadaa ila Qadhaadhaa!!!.












Waxii damiirkaagu ku siiyo daalimow dadkuna kaa qaadan maayo inaad cid kale ku daydaana ma dawbaa taariikhduna iyadaa is qorta adiguna wanaageeda iyo xumaantaba adigaa iska leh.. Waa su’aale….Dawladdani iyo dadku meel mauwada socdaan?.

Siyaasiyiinta xidhan mala soo daynayaa Ciiddan Carafo mise sidaas ayaa shicibka iyo dawladdani isku baran doonaan, waa arrin wayn oo madaxa daalinaysee Siyaad Barre halkuu maray wallee tani marimayso ee sidii ay duuduub ugu timi ayey ugu tagaysaa barrina waa lagu sheekaysan ee halkii tii Siyaad magacii FAQASH uga raacay tani waxay mutaysatay Magac la yidhaahdo “Ma tabcade Budhwayne” kalmadaha ah
(Ma”da) afsoomaaliga waxay ka gashaa dafiraad ama beenin sida xuruufta ay soo gasho oo la yidhaahdo marka la gar naqsado Ma’daba ka saar ( ma arkin, ma maqlin, ma cunin, ma taaban, ma qaadan, ma ridin iyo iwm).

Waxa la yidhi “hadalka ninna si u yidhi ninna si u qaaday” waa marka horee dawladdu eed ahaan nimankani waxay galeen ma danbi Qaran dumis ah baa sida Basaasnimo , Inqilaab, dad la iska horkeenay oo xabbad isu qaatay oo dhimasho keenay.

Haddaba aan ku soo noqdo su’aashii ahayd meel maloo wada socdaa mise waa la kala socdaa !

Maxamed Cabdi Gaboose, Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid waa maxaabiis damiirkooda qaranimo loo soo xidhay.. “Waar ama reerka sidan ka daaya ama waa af salax ku dhaggii”!. Waxaan hore u akhriyey maqaalo Maxamed Xaashi soo qori jiray oo dalkan iyo dadkan sidii run ahaan loo maamuli lahaa waddaniyad, wax qabad, horumarin iyo dedaal aan dad yar mooyee inta kale aysan garan karin kuna taamay wacyi galin waa ta kalee Maxamed Cabdi Gaboose waa Dhakhtar saf loo soo gali jiray subax walba oo laakiin arkay in dadkan in kabadani bukto oo dalka haddaan la badbaadin bukaan loo wada dhiman doono, haddii la tiriyo dadka uu daweeyey laa cadad walaa xisaab inta uu gurmad degdega ugu baxayna waa Malaayiin reer Somaliland ah doorashada degaanka ayuu u tafo xaytay inaanu ku soo bixin oo madasha iman baa looga jeeday xadhiggan.

Xisbi kala dilaya UDUB dhexdiisa ayuu abuuray waana siyaasad wax uu qabo dalkan iyo dadkan ku kala kexee maaha fikirkiisuna siiyey Madaxwaynihii dalkani run ahaan u baahnaa inuu isaga yahay Xisbal Xaakimkana soo darsay sidii uu talada ugala wareegi lahaa nassib darro xadhig ayey keentay. Jamaal Caydiid maal iyo maskaxba waa isla soo garab taagay oo waxay la noqotay dalka nimankan haya in laga badbaadiyo oo hab Dimuqraadiyad ah in wax lagu doono oo sifo sharci ah loo maro.Gartu ilaahay bay taqaanaaye meel Budh lagugu soo baacsanayo iyo Bistoolado adigu mala tagi lahayd gar oo maku gar naqsan lahayd? waaba caddaalad Tallaabo hayo u tag.Waa xikmad qosol leh oo runtii taariikhday galaysaa Hargeysa iyo dalka intiisa kaleba Adhi baan dhoofinayaa ama Kalluun baan suuq u haystaaye liisan halaysiiyo ama shirkad baan la soo galay heshiis waxa halkan aanu kuugu haynaa ( xeer la yidhaah KU QABSO KU QADI MAYSIDE) sida dhulka la isugu haysto ayey dawladuna dadka mashaariicda keena ugu qabsataa. Waa kalmad dadka afkooda ku badatay wana la Qarameeyey
“ku qabso ku qadi maysideh”. oo dalkan iyo dadkanba horumar baan lala rabin haddaadan komishan na siinayn bax oo naga tag ama soo booqo maxaabiistii kaa horraysay talaabona waa yaqaan sidii laguu xarayn lahaa oo ku xeeldheer xukun marjuuca ka daba gee kuwii hore xaq u dirirkii Somaliland waa kaas ee ku quuso.

Nin aan arrintan maxaabiista Madaxda Xisbiga Qaran mar isla soo hadal qaadnay bishan Diisember horraanteedii ayaan ku idhi… calooshaa i wareegtay markaan maqlay Cawil oo leh nimankani kumay dhalan Somaliland wiigag intii aan la xidhin ka hor oo midna koonfurta Somalia ayuu ku dhashay midna Etoobiya
Anna waxaan ku idhi ma sidaas ayaa loogu gurman waayey oo nimankan dawladdu cidlay ka heshay oo waa looma ooyaan. Waxuu igu jawaabay oo haddaa ma Cawil baa ku dhashay Hargeysa ama Burco bal meesha xudduntiisu dalkan ka taalo ii sheeg.,,,.
wah wah waaba cajiib ee anigu ma aqaano meesha uu ku dhashay waxa uu ii sheegay inuu ku dhashay Cadan, Yemen.
Waa kuma ka uu u sheegayaa bal intii marxuumkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal noolaa maxaa golaha siyaasadda ka mamnuucay kana xaaraantimeeyey adeer nin yar baad tahay ninkani nin indha la’a ayuu indho u noqday dadkeenuna waa daba guurayaa ee ama guul wadee ama darbigaa isla taagnow oo shaahaaga ku cab..
wallee adduunyooy maxaa aragti ii laaban.

Somaliland Political Prisoner of Concience. Waa taariikh madow oo tani maanta ictiraafkeenii madmadow bay soo galisay dawladaha iyo Ururada xuquuqal insaanka iyo Indheer garadkuba fiiro gaara ayey arrintan u yeelan doonaan.
Waxaanba talo la iiga baahnayn dawlad aan garteeda qaadan alla ila qadhaadhaa inaan
la gar naqsado!!!.

Waxaan ku soo gabo gabaynayaa hadalkaygii akhritow waxii runta laga sheegaa dad ayaanay la macaanayn oo guulwadaynta ku dheereeya hadday Xisbiyo noqoto, hadday dawlad noqoto iyo wasaarad iyo wasiirkeeda waqabadkooda hadday noqotoba.

Xorriyatal qawlku waa xalaal inaad sheegtaa waa muhiim haddii kale munaafaqad la aamus mareegtooyinka kuwa mushaharka ku qaata guulwadayntu xaq diid, waxaan leeyahay aakhiro shilimaad dulmi haku kasbanin naar kulul ee runta ka hadal oo sheega waxii waddaniyaddu ku jirto dalkan iyo dadkanna maslaxad u ah waa geeddiga dalkan
Somaliland halka uu higsanayo inuu ku danbeeyo… Maalintii Faqash la ridayey waddo Laami Casri ah oo Berbera, Hargaysa iyo Burco isku xidha saddex geesooda ayaan ku hamiyay maantana shidaalka Boosaaso laga soo qaado ayaa Berbera gaas istayshankeeda lagu iibiyaa laba mid oo is waafaqsan maaha ee midhaa anigaa Cadan ka soo heesay mise maamulkan baa laga dhex heesayaa.

Waxa qoray C/Nasir Maxamed Cabdilleh Six
Toronto, Kanada.
E mail:nasirsix@gmail.com

No comments: