Friday, December 14, 2007

180 Arday Oo Ka Qalin Jabiyay Candle Light

Thursday, 13 December 2007
ImageBurco(Hormoodnews)-Munaasibad culus oo loogu talo galay qalin jabinta in ka badan 180 Arday oo dhamaysatay waxbarashada xirfadaha kala duwan oo ka kooban ayaa shan qaybood soconayana muddo sanada ayaa maanta lagu qabtay xarunta hayada candle light ee gobalka togdheer.
Munaasibadan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka dugsigaas ayna ka qayb galeen
madaxda waxbarashada ee gobalka togdheer, boqolaal qof oo ka mid ah waalidiinta
ardayda iyo weliba hawlwadeenada ka socda hayadaha samafalka waxaa loogu talo galay in lagu soo afjaro waxbarashada aradaydan oo noqon doonta dufcadii ugu balaadhnayd ee dhamaysata xirfad gacmeed ay ka aflaxaan da,yarta gobalka togdheer.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Togdheer Cabdi Axmed Siciid ayaa maanta tilmaamay ardaydani in ay noqdeen kuwii ugu fursada qumanayd ee kasbada inay bartaan aqoon lagaga faa,iidi karo mudddo gaaban, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay farsamada gacanta.

Gudoomiyaha waxa uu ugu baaqay ardaydan inay horey ugu sii gudbaan dayrka
waxbarashada galeen ee aanay isu aqoonsan inay ku ekaadaan muqaamkan ay gaadheen, bulshaduna ay noqoto mid ay ka dhaxayso intifaa, la taaban karo, waxaa kale oo gudoomiyuhu yidhi isagoo arintaa ka hadlaya “waxaad dhamaysateen marxalad kuwa wabarashada, waxayna idiin suura galisay inaad ka faraxdaan, laakiin fari kama
qodna”

Maamullka Dugsiga BVTC oo ah dugsi ay gacanta ku hayso hayada candle light Xasan
C/laahi Jaamac Faroole ayaa isaguna waxaa uu munaasibadan ka sheegay in ardaydan ka qalin jabisay shan qaybood oo ka mida qaybaha waxbarashada ee laydhka, korantada, ay noqon doonto dafcadii sadexaad

Maamulahani waxaa kale oo uu warkiisa ku sheegay in xilligan ku jiraan dugsigooda
ilaa 200 arday oo ka mida dafcad ka danbaysay kuwan dhigooda taasina ay muujinayso
siday ugu heelan yihiin inay ka qayb noqdaan horumarka waxbarashada oo ay iskaashi
ka leeyihiin Wasaarada Waxbarashada , sidoo kale Jawaahir Axmed Cabdi oo ka mida
Madaxda Hayada Candle Light oo iyadu goobtaasi ka cadaysay inay suurta galinta
waxbarashada ay ka danbaysay hayad samafal oo looyaqaano ISF , geesta kalena
dugsigaas BVTC Candle Light oo 1998 laga aasaasay Magaalada Burco, xilligana ka mid yahay Dugsiyada Dadban ee ugu firfircoon goobaha waxbarashada gobalka Togdheer.


Reported By: Yusuf Ibrahim Warsame
Ilka Case
Burco, Somaliland
Xagaa67@hotmail.com

No comments: