Sunday, December 16, 2007

“Dhabar-Jab weyn ayuu nagu yahay Ictiraaf ay hesho Somaliland ”

Muqdisho(Ogaal/W.Wararka) – Raysal-warsaaraha Dawlada Mbeghati Col, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa caddeeyay dagaalka dawladiisu kula jirto Ictiraaf dawlada Somaliland ka hesho beesha caalamka.

Nuur Cadde qoraal uu ku saxeexanyahay oo loo kala diray, dhowr wadan ayaa waxa uu ku sheegay in dawladiisu walaac weyn ka qabto aqoonsi ay hesho Somaliland . “Dhabar-jab weyn ayuu nagu yahay aqoonsi ay hesho Somaliland" Weedhani ayaa lagu tilmaamay inay ka mid ahayd qoraalka ka baxay madaxtooyada Somalia ee loo kala diray waddamo ay ka midyihiin. Sucuudiga, Itoobiya, Kuweyt , Sudan , iyo Wadanka Masar.

Dhambaalkan sida ay faafisay shabakada wararka ee Saylac News oo laga maamulo Gobolka Awdal waxa wadamadaas gaadhsiiyay safiirada Somaliya ee fadhigoodu yahay wadamadaasi.

Warku wuxuu intaa ku daray in kulamo dhawr ah oo ay yeesheen madaxda dawlada Cabdulahi Yusuf madaxda ka yahay, ay isla meel dhigeen in mawqif adag ay iska taagaan ayna u guntadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen wada tashi kasta oo wadamada dunidu gaar ahaan reer galbeedku la yeeshaan Jamhuuriyada Somaliland, kaas oo ay dawlada Mbeghati ka cabsi qabto inuu soo dedajiyo Ictiraafka Somaliland.

Sida warku sheegay dhawr wadan oo wadanka Sucuudigu hormood u yahay ayaa loo arkaa inay ku jireen dadaal siyaasadeed oo ka dhan ah in si toos ah loola xaajoodo Jamuuriyada soomaaliland, laakiin todobaadyadii ina soo dhaafay ayaa waxa jiray in wadanka Mareykanku siyaasadiisu u soo janjeedhsatay dhinaca Somaliland . Waxana warku sheegay in taasi khal-khal weyn ku abuurtay dawlada federaalka ah ee Cabdilaahi Yuusuf madaxda ka yahay oo aan haysan kalsooni hadalkeeda lagu dhagaysto.

Rabshadaha isdaba jooga ah ee ka sii socda magaalada Muqdisho iyo dhibaatada sii kordhaysa ee halkaasi ka jirta ayaa warku sheegay inay keentey in Hay'adaha caalamiga ahi hakiyaan hawlihii ay ka wadeen magaalada Muqdisho gabi ahaanba.

Arimahan iyo kuwa kale oo dhawr ah ayaa loo aanaynayaa in dawlada Maraykanka iyo dalalka Yurub qaarkood ay wax ka badalaan mawqifkoodii hore ee ay taageerada hagar la’aanta ah ku siin jireen dawlada Cabdilaahi Yuusuf. Iyagoo loo arko inay taa badalkeeda indhaha siiyeen markan xaqiiqada ka jirta Somaliland .

Dhawaaqa dheer ee ka dhanka ah Somaliland ee ka soo yeedhay xukuumada Mbeghati ayaan la ogayn jawaabaha ay ka soo bixin doonaan dalalka ay gaadhay oo loo arko inay aad isugu dhawyihin maamulka Cabdilaahi Yuusuf.

No comments: