Sunday, December 23, 2007

Xibiga Qaran oo warsaxaafadeed soo Saaray Xalay















By: Admin on 12/23/07

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Qaran Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray xalay ku sheegay in ururka Qaran uu xaqiisa u marayo waddada sharciyadda,isagoo madaxweynaha ka codsaday in la dhaqan-geliyo qoddobka dastuuriga ah ee lambar 32/2 iyo xeer No.14 iyo 20, si loo furto xafiiska diiwaan gelinta ee ururada siyaasada.

Warsaxafadeedkii uu soo saaray gudoomiyuhu oo u qornaa sidan
Ururka Qaran waxa ka go’an in la ilaaliyo nabadda,xasiloonida iyo sharciyada dalkeenan curdinka ah waxana inala wada gudboon in aynu wada ilaalino nidaamkaa dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay kaas oo tixgalin aynu kaga helnay bulshoweynta caalamka.
Distoorkeenuna waa heshiis ummadeed oo ka tarjumaya jidka wadatashiga iyo dimuqraadiyada ee aynu qaadanay,ku dhaqankiisuna waxa uu kalsooni galinayaa bulshada reer Somaliland iyo dhamaan bulshoweynta caalamka ee jecel in nidaamkeena dimuqraadiyaded si fiican u hano qaado. Qadarin,xishmayn iyo taageerana waa aynu ku helaynaa.
Ururka Qaran ilaa maalintii la aasaasay waxa uu la tashaday aqoonyahan sharci-yaqaan ah waxana uu marayey jidka sharciyada.

Sida la wada ogsoonyahay waa kii uruka qareenada ee SOLA si cad u qeexay tubtii aanu u qaadnay ee muran ka dhalisay, cadeeyayna in ay furashada ururada siyaasadeed sharci tahay isaga oo ururka qareenadu sheegay in markasta oo la qabanayo doorashooyinka Dawladaha Hoose ay sharci tahay inay ka qaybqaataan ururada siyaasiga ahi (sida ku cad xeerka no.14 iyi 20) waxana xusid mudan jidka sharciyeed ee ururka Qaran uu maray waxa aanu la xidhiidhnay maxkadama sare Shirgudoonada Goloyaasha sharcidejinta Koomishanka qaranka ,Wasaarada Arrimaha Gudaha ,Laanta sirdoonka annaga oo u tibaaxnay jidka sharciyadeed ee aannu marayno, isla mar-ahaantana ka raadinaynay iyaga xog wixii ay nagu kordhiyaan eek u saabsan xaga sharciyadda.
Waxaana cad oo ay dhamaan goloyaasha sharci dejintu qirsan yihiin in xeerarka No.14 & 20 ay yihiin qaar dhaqan gal ah. Labadan xeerna waxa si marag-doonta ah u qeexeen in doorashooyinka Dawlada Hoose ay ka qaybqaadanayaan axsaab iyo ururo.

Haddaba ururka Qaran waxa uu halkan ku ballan qaadayaa in uu xaqiisa distooriga ah u marayo sidaa daradeed waxaanu si xishmad leh uga codsanaynaa Madaxweynaha in la dhaqan galiyo xeerarka qodabka dastuuriga ah ee No.23/2 iyo No.14 iyo 20.lana furo xafiis diiwangelinta ururada siyaasiga ah, si ay ururada siyaasiga ahi isu diiwaan galiyaan,ugana qaybqaataan doorashooyinkan dawladaha hoose ee fooda inagu soo haya.

Waxa aanu iyana ka codsanaynaa goloyaasha sharci dejinta hayadaha caalamiga ah ee daneeya xuquuqda aadamaha,deeq-bixiyaasha iyana danaynaya hanaqaadka dimuqraadiyada in ay sii laban-laabaan taageeradii ay nagu siiyeen dhaqan-gelinta qoddobadaa dastuuriga ah iyo kobcinta dimuqraadiyada

Isaga oo urur siyaasadeedka qaran u hogaansan sharciyada iyo kala dambeynta waxa uu iyagana ku boorinayaa saddexda Gole Qaran distoorka dhexda inoo ah la dhaqan geliyo, lana ogolaado in dalkeena uu ka dhaco tartan doorasho oo xalaal ah oo ay ka qaybqaataan ururo iyo axsaab sida shuruucda aynu dajisanay ay si cad u qeexday taas oo dalkeenu maamuus iyo taageero caalamiya ku helayo xaqiijinaysana himilada ummadda.

Source:goljano



No comments: