Friday, December 14, 2007

Puntland maku lug leedahay ka Ganacsiga Afduubka Maraakiibta?.

Dec 14, 2007
Warar laga helay ilo ku dhow dhow maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyey in dhalinyaraddii afduubka ugu haysatay markabkii ku sugnaa dekadda Boosaaso, in ay ka mid ahaayeen ciidamada maamul goboleedka Puntland, ayna arrintaasi afduubka aheyd wax ka ogaayeen madaxda sarsare ee Puntland.

Masuul ka tirsan maamulka Puntland oo ka gaabsaday magaciisa ayaa inoo xaqiijiyey in ku lug lahaanshaha afduubkaasi ee madaxda Puntland in ay cadeyn u tahay dhalinayaradii markabka afduubka u haystay oo iyagoo bed qaba ka soo degay markabka, isla markaana ku sugan gudaha magaalada

Boosaaso, waxaana maamulku uu walaac ka muujiyey haddii dhalinyaradaasi ay gacanta ku dhigaan ciidamada Marines-ka Mareykanka in ay banaanka u soo baxeyso qorshaha ay ku howlgaleen ciidamadaasi oo ahaa qorshe ay gadaal ka taagnaayeen madaxda maamulka.

Arrinta afduubku wuxuu ahaa heshiis ganacsi oo dhaqaale fara badan uu ka soo geli jiray maamulka, waxaana ku lug lahaa madaxda Puntland, waxeyna arrintu la xumaatay markii ay soo galeen ciidamada

Marines-ka Mareykanka, waxeyna goobayaan dad masaakiin ah oo ay suuqyada ka soo qabtaan si ay arrinta weji kale ugu yeelaan oo ay yiraahdaan waa kuwaanaa kuwii markabka afduubtay waana dhaqan ay horay u sameyn jireen maamulka Puntland” ayuu yiri mas’uulkaasi, wuxuuna xusay in lacagtiio madax furashada looga bixiyey markabka in ay qeybsadeen dhalinyarada & masuuliyiinta Puntland, wuxuuna is-weydiiyey masulkaasi sababta markab kasta oo la afduubto sii deyntiisu ay ugu dhacdo Puntland

Masuulka u hadlay Puntland ee yiri burcad badeedkaasi waxey saldhig ku leeyihiin Xarardheere, hadalkiisu wuxuu ahaa hadal aan waxba ka jirin, burcad badeedka Xarardheere jooga kuma dhaco in uu markab dekadda Boosaaso ku xiran afduubto`` ayuu yiri masuulkaasi



Source Dayniile

No comments: