Tuesday, December 11, 2007

Kulankii Lagu soo Dhaweeyey Axmed Xuseen Ciise

Washington DC. (Golis) - Shir si weyn loo soo agaasimay, oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Washington DC, ayaa jaaliyadda Somaliland ee ku nool gobolada Virginia, Maryland iyo caasimada dalka Maraykanka ee Washington DC, si diiran ugu soo dhaweeyeen Dr. Axmed Xuseen Ciise, Xogahayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga Kulmiye una taagan tartan musharaxa xisbiga Kulmiye uga qayb gali doona doorashada madaxtooyada Somaliland.

Shirkan oo guud ahaanba ay ka muuqatay jawi faraxd iyo kalgacal ku dheehanatay, iyada oo Dr. Axmed Xuseen Ciisena ka mid ahaan jiray jaaliyada reer Washington, ka hor intii dib ugu noqon Somaliland, ayaa waxay dadkii shirka ka soo qayb galay ku balan qaadeen inay hiil iyo hooba la garab taaganyihiin musharaxa, maadaama ay ku faraxsanyihiin "inuu mid jaaliyadda ka mid ahi maanta ka qayb galayo tartanka hogaanka Somaliland". Sidaas waxa yidhi Xaashi Ismaaciil Adan oo guddoominay shirka. Waxa ugu horayn ku so dhoweyey Washington duqa reer Washington Yusuf Ahmed Kibaar oo sheegay in maadaam Axmed ay dadka shirka ka soo wada qaybgalay wadagarnayaan inaanu Axmed u baahnayn in shirka waxba looga sheego. Xaashi Ismaaciil Adan ayaa si qoto dheer uga hadlay waxqabadkii Dr. Axmed Xussen intuu uu degannaa Washington iyo nawaaxigeedka isaga oo ahaa bu yidhi “raggii ugu soo hor degay magaaladan qaybtii ugu weynad ka qaatay halkankii SNMta iyo sidii dalalka caalamka looga dhaadhicin lahaa dhibaatooyinkii ka dhacay Somalia wakhtigaas.

”Dr. Axmed Xuseen Ciise oo deganaa agagaarka magaalada Washington DC. in ka abadan 30 sano, kuna dhamaystay waxbarashadiisa sare jaamicadda caanka ee Johns Hopkins Unversity (Baltimore, Maryland), ayaa isaga oo qof qof u garanayey dadkii shirka ka soo qayb galay, uga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay jaaliyaddu u soo dhaweysay, sida ay ugu faraxsan yihiin musharax nimadiisa iyo taageerada ay u muujiyeen.

Khudbad kooban oo uu Dr. Axmed Xuseen Ciise ka jeediyey shirka, ayuu uga xog waramay jaaliyadda xaalada ay Somaliland maanta marayso iyo aragtidiisa siyaasadeed, isaga oo guud ahaanba ku tilmaam inay fiicantahay, inkasta oo uu ka dayriyey goldaloolooyin fara badan oo uu sheegay inay ka muuqdaan maamulka dalka. Waxa kale oo uu Dr. Axmed Xuseen Ciise aad uga hadalay muranka siyaasadeed ee u dhexeeya goloyaasha qaranka, isaga oo aad ugu dhaliilay xukuumada madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu ku tilmaamay "Cago Jiid" ay ku hayso horumarka dalka dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadaba. Musharaxa, ayaa ku eedeeyey xukuumadu inay iyadu ka dambayso khilaafka golayaasha qaranka oo sida uu sheegay "curyaamiyey siyaasadda dalka". Oo ku tilmaamay waxaan sakaaro ka biirsan.

Dhinaca kale, Dr. Axmed xuseen, ayaa ku nuuxnuuxsaday qadarinta shacabka Somaliland u hayaan xasiloonida iyo nabad gelyada dalku. Waxase uu sheegay in dalku maanta u baahan yahay ISBEDEL iyo hogaan cusub oo dardargelin kara "horumarka Somaliland" u baahantahay.

Wuxuu Dr. Axmed inuu isaga qabo in Somaliland mustaqbal wanaagsan leedahay oo horumar dhakhso u gaadhi karto haddii maamul wanaagsan, aqoon iyo farsamo iyo daacadnimo xukuumadda hogaanka qabataa la timaado.

Mar uu ka hadalay aragtidiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha uu damacsanyahay inuu qabto hadii uu ku guulaysto tartanka madaxtooyada Somaliland, Dr. Axmed Xuseen wuxuu qorshihiisa ku soo koobay 4 qodob. Afarta qodob ee ugu muhiimsan ajandihiisa, ayuu musharaxu ku tilmaamay inay yihiin:

1. Maamul wanaag, cadaalad iyo dimuqraadiyad dhamaystiran oo hogaanka dalka hayaa hago kuna shaqeeyo.

2. In Somaliland hesho horumar dhaqaale, isaga oo tilmaamay talaabooyinka lagu gaadhsiin karo dalka dhaqaale wanaagsan oo ku filan oo ay noqon karto meel loo soo shaqo tago.

3. Daryeelka bulshada sida wax ka qabadka tacliinta, caafimaadka iyo taakulaynta dan yarta

4. Aqoonsiga dalka, isaga oo sheegay inuu shakhsi ahaan khibrad dheeraad u leehay sidii loo dedejin lahaa in la ictiraafo Somaliland, maadaama uu mudo badan ka soo shaqeeyey ayuu yidhi "halgankii dhinaca qurbaha ee ururkii SNM", hadana uu yahay xoghaya arimaha debedda ee xisbiga Kulmiye, isaga oo dalal badan oo muhiim ah in badan ku noolaa aqoon lexaad lehna u lehi dalalka sida Maraykanka, Fransiiska, Belgium, Djibouti iyo dalal kale oo ka soo shaqeeyey.

Su’aalo badan oo xasaasi ah ayaa ka soo qaybgalayaashi ay weydiin Axmed, waxaynay aad ugu qanceen sida saraaxadda ah ee bilaa turxaanta ah ee dhammaanba uga wada jawaabay.

Mar la weydiiyey sida uu arko xisbiga Kulmiye oo dadku leeyihiin shir beeleed buu wadaa, wuxuu ku jawaabay inuu aad ugu faraxsan yahay in dad badan oo miisaan lehi soo galaan xisbiga Kulmiye, iyada oo ay tahay in laga hadlo askhaasta iyo siyaasiinta soo galay xisbiga oo aan se beelo laga hadal. Wuxuu sheegay inuu isagu aaminsan yahay in wakhtigii beeluhu dhamaaday loona baahan yahay in hogaanka dalka ka taliyaa ama ka talin doonaa inay horkacaan ummadda inteeda kale oo ay ka fogeeyaan qolo qolaysi iyo beel beel siyaasadda soo dhexgasha. Waxa kale oo sheegay inuu qabo isagu inaanany qabyaaladda iyo dimuqraadiyaddu wada jaanqaadi karin.

Dr. Axmed wuxuu kale oo taageeray Ururuka Qaran oo sheegay inay xaq iyo dow u leeyihiin inay ku soo biiraan siyaasadda lana tartamaan ururada kale iyo asxaabta imika jira. Wuxuu yidhi ma aha “dimuqraadiyad” in saddex xisbi oo gaar ah loo xidho Somaliland. Saddexdaa xisbi mar keliya ay 7 sanadood horteed guulaysteen mana ah inay guushaa keliya weligood monopoly loogu xidho siyaasadda dalka. “ Waxaan anigu ogolahay in la ila tartamo oo dadku na kala doorto, xaq u ma lihi in xero la ii xidho”.

Mar wax laga weydiiyey faraqa u dhexeeya isaga iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo, Dr. Axmed Xuseen Ciise, wuxuu si tartiiba ah uga gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo arintaas.

Kenediid Khaawi, oo ah siyaasi dhalin yaro ah, kana soo jeeda gobolka Sool, ayaa waxa su’aalihiisii ka mid ahaa: sida loo xalin doono khilaafka ka dhex aloosan xubnaha gudiga fulinta ee xisbiga kulmiye, Waxa uu yeeli doono Dr. Axmed Xuseen Ciise, hadii uu ku guulaysan waayo tartanka xisbiga Kulmiye dhexdiisa iyo hadi ay jirto wax la taaban karo oo ay mucaaradka somaliland ku soo kordhiyeen horumarka dalka Somaliland.

DR. Axmed Xueen, ayaa si kooban ugu jawaabay inaanu jirin khilafka hadheeyey gudiga fulinta ee Xisbiga Kulmiye dib u dhac iyo jahwareer u keenay xisbiga balse uu jiro tartan askhkaas iyo kooxo u dhexeeyaa taasina ay tahay mid caadi ah oo xisbiga lagu amaani karo. laakiinse uu ku rajo weyn yahay in si dhakhso ah loo soo afjari doono. Musharaxa ayaa iska daadifeeyey su’aasha ku saabsan waxqabadka mucaaradka, maadaama aanay xukunka iyagu gacanta ku haynin.

Ugu damabayntii, Dr. Axmed Xuseen Ciise, ayaa balan ku qaaday inuu taageeri doono musharax kasta oo si cadaaladi ku jirto ku guulaysta tartanka loogu jiro masharaxa uu xisbiga Kulmiye u soo badhigi doonono doorashada madaweynaha Somaliland.

Ahmed Sheekh

No comments: