Tuesday, December 25, 2007

MA NINKA CEEBTAN SAMEEYEY AYAA ICTIRAAFKA HORTAAGAN, MISE KA CEEBTA FARTA KU FIIQAYA?

Sida la ogyahay xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbigeeda UDUB waxay ku cel-celiyaan weedha ah “ictiraafka ayaa la hortaagan yahay”, iyagoo taa ku canbaareeya dhinacyo ay ka mid yihiin qolyaha mucaaradka, Saxaafadda madaxa banaan iyo shakhsiyaad kale oo si madax banaan uga hadla arimaha Somaliland, waxaadna maqlayasaa masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB oo had iyo goor ku hadaaqaya kelmado ay ka mid yihiin “KULMIYE ayaa ictiraafka hortaagan, Saxaafadda ayaa ictiraafka hortaagan, hebel baa hortaagan IWM. Isla markaana marka ay ciddi farta ku fiiqdo arimo car-qalad ku noqon kara qaddiyadda ictiraafka Somaliland waxa caaddo u ah maamulayaasha xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbigeeda UDUB inay af-labadii yeedhaan oo ay qaylo ka tollaan, iyagoo ku dhowaaqaya hayaay ictiraafkii soo dhowaaday ayaa la horjoogsanayaa. Sidaa darteed su’aasha meesha taal ee aynu maanta qormaddan ku fallan-qayn doonaa waxay tahay ma ninka ceebta ictiraafka waxyeelaynaysa sameeyey ayaa ictiraafka hortaagan, mise ninka ceebta farta ku fiiqay ee ka digaya arimaha car-qaladda ku noqon kara qaddiyadda ictiraafka ayaa hortaagan?

Hadii aynu dib u yara jaleecno talaabooyin dhawr ah oo ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale qaadday sannadkan aynu ku jirno ee 2007, kuwaas oo saamayn weyn ku yeeshay baadi-doonka qaddiyadda ictiraafka Somaliland, talaabooyinkaas waxa ka mid ah: xadhigii ay xukuumaddu kula kacday saxaafadda madaxa banaan, sida saddexdii suxufi ee reer Haatuf iyo ta labaad oo ah talaabadii milateri ee ay xukuumaddu kula wareegtay ururkii madaxa banaanaa ee SHURO-NET, ururkaas oo ay xukuumaddu u rogtay urur dawladeed iyo ta saddexaad oo ah xadhiga lagula kacay hogaamiyayaasha urur-siyaasadeedka iyo ta afraad oo ah la wareegiddii xarunta komishanka doorashooyinka oo ay xukuumaddu iyadana kula wareegtay cudud milateri iyo waxyaalo kale.

Falalkani waxay dhaceen xilli la rumaysan yahay inuu ictiraafka Somaliland soo dhididayo oo ay dhegaha dadku maqlayaan bulaan badan oo diblomaasiyadeeda oo ku saabsan ictiraafka Somaliland, taas oo macneheedu yahay in la maqlay dhawaaqyo badan oo diblomaasiyadeed oo leh “waa in qaddiyadda Somaliland hoos loo eegaa iyo Somaliland waxay mudan tahay in la ictiraafo” , iyadoo weliba ay si badheedh ah u soo if-baxeen kooxo ka trisan dawladaha waaweyn oo u ololaynaya sidii Somaliland loo ictiraafi lahaa, sida kooxda mudanayaasha ah ee ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ee la magac-baxay All Party Committee oo ka kooban saddexda xisbi ee ugu waaweyn asxaabta dalka Ingiriiska (Conservative, Labour & Liberal). Hase yeeshee sida ay farta ku fiiqayaan yeedha-yeedhaha dhinaca diblomaasiyadda iyo tibaaxaha warred ee maalmahan soo baxayaa waxa jira guux iyo saluug weyn oo ku saabsan hab-dhaqanka siyaasadeed ee xukuumadda iyo saamaynta ay talaabooyinka caynkaas ahi ku yeesheen firfircoonidii diblomaasiyadda ee ay kooxaha beesha caalamku ugu jireen qadiyadda ictiraafka Somaliland.

Sida ay tibaaxeen warar ka soo baxay ilo xog-ogaal ah wufuudda ay xukuumadda Somaliland debedaha u dirto, ee uu kow ka yahay wasiirka arimaha debeddu waxay tan iyo bilihii u dambeeyey safarrada ay debedda ugu baxaan kala soo guryo-noqonayeen weji-gabax, taas oo la sheegay inay marka u horaysaba ka jawaabi kari-waayaan, marka la waydiiyo su’aalo ay ka mid yihiin, maxaad siyaasiyiinta QARAN u sii dayn-waydeen, SHURO-NET ka warama, xeerka cabidhinta saxaafadda ka warama, doorashooyinka ma qabanaysaan iyo su’aalo kale oo muhim ah, taasina waxay sababtay inay wufuudda Somaliland iyo ciddii ay muraadka u lahaayeen halkaa isla dhaafi-waayaan.

Doodda kale ee muhimka ee iyana bilihii u dambeeyey miiska saarnayd waxay tahay inay xukuumadda Somaliland soo bandhigto xisaab-xidh ku saabsan miisaaniyadda dawladda iyo in la helo miisaaniyaddii rasmiga ahayd ee ay golaha wakiiladu ansixiyeen, taas oo sida la sheegay aanay maamulayaasha xukuumaddu Somaliland ilaa hadda jawaab wax shaafida ka bixin , waayo sida la ogyahay beesha caalamka waxa ka soo yeedhay inay Somaliland qorshaha dhawrka sannadood ee soo socda ugu deeqayaan lacag gaadhaysa shan boqol iyo konton malyuun oo dollar (5, 50 million), taas oo qorshuhu yahay inay gasho miisaaniyadda qaranka, laakiin waxa la sheegay inay masuuliyiinta Madaxweyne Rayaale ilaa hadda ka war-wareegayaan inay soo bandhigaan xisaab-xidh sax ahaa oo sannad-miisaaniyadeedkii 2006 iyo odoroskii rasmiga ahaa ee miisaaniyadda dawladda 2007, iyadoo ay deeq-bixiyayaashu dunidu bixinta deeqda shardiga koowaad uga dhigaan inaanu meeshaa musuqmaasuq ka jirin, hadii uu jirona horta laga suuliyo inta aan waxba la siin, waxayse doodda caynkaas ahi miiska timi, iyadoo la ogyahay inuu Madaxweyne Rayaale ganafka ku dhuftay inay xukuumaddiisu ku dhaqanto miisaaniyaddii rasmiga ahayd ee ay golaha wakiiladu ansixiyeen 2007, wuxuuna Madaxweyne Rayaale ku dhaqanka miisaaniyaddii sharciga ahayd ee baarlamaanku xalaaleeyey ka door-bidday inuu dakhligii dalka ka soo baxayey u kharash-gareeyo sida uu isagu rabo.

Dhawaaqyada had iyo goor ka soo baxa asxaabta mucaaradka ama waxyaalaha ay saxaafadda madaxa banaani ka digto wax kale maahee waxay xukuumadda Madaxweyne Rayaale ugu baaqaan ama uga digaan inay ka joogsato falalka caynkaas ah, waxa kale oo ay ka digaan inay wax ka qabato dhaqamada musuq-maasuqa ee ragaadiyey kobaca dhaqaale ee miisaaniyadda dawladda, inay ilaaliso xuquuqda aadamaha, inaanay ku xad-gud-bin xoriyatul-qawlka iyo xuquuqaha siyaasadeed ee mujtamaca ay xukuumadda u tahay, inay ka joogsato xeerarka cabudhinta saxaafadda madaxa banaan, IWM. iyadoo la og yahay in waxyaalaha ugu muhimsan ee ay beesha caalamku inoo soo jaleecdo ama inoogu soo joogsato ay kow ka yihiin, abuuridda hab-dhaqanka dimoqraadiyadda iyo hanaanka asxaabta badan, iyadoo ugu yaraan saddex doorasho oo muhim ahi ay dalka ka dhaceen, taasina ay ka mid tahay waxyaalaha ay beesha caalamku ku majeerteen Somaliland iyo sidoo kale saxaafadda madaxa banaan ee dalka ka jirta.

Sida la ogyahay saxaafadda xorta ahi waxay qaddiyadda ictiraafka Somaliland ku tuurtay meelo fog-fog oo dunida ka mid ah, isla markaana waxay kow ka tahay meelaha laga hillaadiyo ee ay markhaatiga koowaad u soo qaataan kooxaha u ololeeya iyo dawladaha danneeya qaddiyadda ictiraafka Somaliland, laakiin xukuumadda Madaxweyne Rayaale waxa u caado ah inay saxaafadda xorta ah ku eedayso inay ictiraafka car-qalladayso.

Tusaale ahaan nin ka mid ah hogaamiyayaasha asxaabta siyaasadda Somaliland ayaa maalin maalmaha ka mid ah ku tiraabay “Somaliland u burburi-mayso qof la xidhay”, laakiin weedha caynkaas ah waxa ka fiicnayd isagoo yidhaahda “xukuumaddu waa inay xadhigga sharci darrada ah ama xadhigga siyaasiga ah joojisaa”, waayo hab-dhaqanka caynkaas ah ayaa qaddiyadda Somaliland dhimasho iyo dhaawac ku keenaya.

Yuusuf Cabdi Gaboobe oo Haatuf ka tirsan, inmuddo ah-na socdaal debedda ah ku maqnaa, isla markaana ka qayb galay shirar badan oo caalami ah ayaa waraysi uu maalin dhowayd siiyey wargeyska Saxan-saxan ee Hargeysa ka dayriyey inuu Madaxweyne Rayaale daacad ka yahay qaddiyadda ictiraafka Somalland, wuxuuna yidhi “intii debedaha marayey waxaan soo ogaaday inaanu Madaxweyne Rayaale daacad ka ahay qaddiyadda Somaliland ee uu ajande qarsoon leeyahay, laakiin wixii faah-faahin ah ee arintaa ku saabsana goorteeda iyo goobteeda ayaan caddayn doonaa”.

Hase yeeshee weriye ka tirsan wargeyska Haatuf ayaa maalin kale Yuusuf Cabdi Gaboobe weydiiyey inuu faah-faahin ka bixiyo hadalka caynkaas ah, wuxuuna ku jawaabay “horta waanigii idhi goorteeda iyo goobteeda, laakiin waxa tusaale inoogu fillan sidii uu Madaxweyne Rayaale uga dhego-adaygay codsiyadii faraha badnaa ee uga imanayey dunida ee loogu baaqayey inuu ka joogsado falalka ka dhanka ah xuquuqda aadamaha iyo cabudhinta saxaafadda madaxa banaan. Masalan waxa jiray wasiirro iyo xildhibaan baarlamaan oo ka tirsan dawladaha waaweyn ee reer galbeedka oo qorraallo u soo diray Madaxweyne Rayaale, qoraalladaas oo ku saabsanaa cawaaqib-xumadda ay arimahaasi ku keeni karaan geedi socodka qadiyadda ictiraafka Somaliland, isla markaana waxay uga digayeen inaanay Somaliland noqon meel gacmaheeda ku burburisa wixii ay soo qabsatay 17-kii sannadood ee la soo dhaafay, waxyaalahaas oo ay dunidu ugu soo joogsatay, ayna ku heshay sum-cad weyn oo sababtay inay dalal door ah oo dunida ah iyo kooxo door ah oo beesha caalamka ahi u arkaan inay lagama maarmaan tahay in la ictiraafo Somaliland waxyaalaha ay qabsatay awgeed, laakiin taa waxa wiiqay dhega-adayga ay xukuumadda Rayaale ka dhego-adaygtay ciddii uu ictiraafka Somaliland baadida u ahaa”.

Yuusuf Jaamac Buraale oo ah diblomaasi weyn oo reer Somaliland ah, ayaa isna isagoo maalin dhowayd ka hadlaya meel fagaare ah ka dayriyey siyaasadda Madaxweyne Rayaale ee ku wajahan qaddiyadda ictiraafka Somaliland.

Hadaba marka la isku dar-daro wararka isa soo taraya ee ka dayrinaya qaabka uu hogaamiyaha dalku (Madaxweyne Rayaale) u waajaho qaddiyadda ictiraa-raadinta Somaliland iyo falalka boogta ku noqday qaddiyadda ictiraafka ee ay xukuumaddu ku kacday sannadkan aynu ku jirno, waxay markaa su’aashu meesha taal noqonaysaa ma cidda leh ceebta inaga daaya oo aynu wax hagaajinno ayaa ictiraafka hortaagan, mise xukuumadda sidaa u dhaqmaysa ayaa hortaagan? Jawaabta waxay ila tahay idinka ayaa ku fillan

Sourc Haatuf.net

Contact us sooyaal42@googlemail.com

No comments: