Saturday, December 15, 2007

Health Unlimited iyo bilowga mashruuca caafimaadka Somaliland

Hargeysa (Jam)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Md. Anwar Maxamed Cige, ayaa Salaasadii dorraad furay mashuuc ku saabsan caafimaadka oo ka socon doona Somaliland muddo shan sannadood ah.

Mashruucan oo ay fulinayso hay’adda ka shaqaysa xagga caafimaadka ee Health unlimited oo muddo dheer dalka ka shaqayanaysay, isla markaana ka caawinayaa xagga kharashka ururka Liverpool Association of Tropical Health, Progressoi iyo kuwo kale, ayaa lagaga dhawaaqay munaasibad ballaadhan oo Salaasadii lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday cusbitaallada, MCH-yada, NGO-yada ka shaqeeya arrimaha caafimaadka, jaamacadaha iyo marti-sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo furitaankii mashruucaa hadal kooban ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay hay’adda Health Unlimited oo uu tilmaamay inay dalka ka qabatay waxyaabo aasaasi ah, “Aad baan ugu mahadnaqayaa hay’adda Health Unlimited oo ah mid badan waddanka ka soo shaqaynaysay oo Wasaaradda Caafimaadka ku xidhnayd, taas oo waxyaabo aasaasi ah fulisay, waxana naga go’an in si wannaagsan aannu ula shaqayno sidii markii horeba naga dhexaysay,” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyana halkaa ka hadashay ayaa tilmaantay in hay’adda Health Unlimited tahay kuwa dalka ka qabta adeegyada dadku u baahan yihiin ee inta badan hay’addaha kale ka wahsadaan inay gaadhaan, sida meelaha dadka danyarta ahi joogaan iyo wargelinta farriimaha caafimaadka, waxaanay si weyn ugu mahadnaqday hay’adda.

Waxa kale oo ay sheegtay Marwo Edna Aadan in caafimaadku yahay shay qaali ah oo loo baahan yahay in si wadjira ah looga shaqeeyo. “Caafimaadku waa shayga ugu qaalisan ee bini aadamku haysto, adduun waa la helaa waana la wayaa, laakiin caafimaadka la’aantii meelna lama gaadhi karo. Caafimaadku waxa uu ku yimaaddaa marka aynu dhammaanteen gacmaha isqabsano, lagana wadashaqeeyo qiimaha caafimaadku leeyahay,” ayey tidhi Marwo Edna Aadan Ismaaciil.

Waxay kale oo ay aad ugu dheeraatay dhibaatooyinka soo wajaha dumarka xilliga dhalmada, gaar ahaan dumarka oo aan la keenin cisbitaallada si loogaga umuliyo, taas oo mararka qaar keenta in afar maalmood qof dumar ahi foolato, sidoo kale dhiig kar ku dhufta dumarka intooda badan xilliga uurka ay leeyihiin, kaas oo ay sheegay in si dhib yar lagaga hortagi lahaa haddii loo dadaalo.

Guddoomiyaha Gobolka ee hay’adda Health Mnlimited Mr. Cryst Shem oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in muddadii ay hay’addani ku sugnayd dalka ay ka shaqaysay adeegyo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarshada iyo kuwo kale oo ay sii mariyaan warbaahinta. Waxa kale oo uu xusay inay si wayn ugu faraxsan yihiin hawlihii kala duwanaa ee ay ka soo qabteen, kuwaas oo ay ka mid yihiin sidii loo heli lahaa biyo iyo cunto nadiif ah iyo kor-u-qaadidda nadaafadda.

Waxa uu Mr. Cryst ku dhawaaqay inay sannadka cusub bilaabi doonaan mashruuca ugu muddada dheer oo socon doona muddo shan sanno ah iyo kuwo kale oo ka baxsan caafimaadka, kuwaas oo ku kooban Somaliland. Waxaannu yidhi; “mashruuca ugu dheer oo qayb ka ah daryeelka caafimaadka ayaa bilaabmi doona sannadka cusub ee 2008, kaas oo socon doona shan sanno ilaa 2012-ka, waxaana nagala qaybqaadanaya Wasaaradda Caafimaadka, Progressoi, Liverpool Association of Tropical Health iyo kuwo kale.”



Jamhuuriya Online

No comments: