Thursday, December 6, 2007

Prof. Ismaaciil Mumin Aar oo ku baaqay in Socod Nabad galyo ah Lagu tago Jeelka Mandheera










Hargeysa (Somaliland.org) - Prof. Ismaaciil Muumin Aar oo dhowaan ku biiray xisbiga KULMIYE, isla markaana doonaya inuu isu taago musharraxa Madaxweynekuxigeenka Xisbigaas doorashada soo socota ee Madaxtooyada ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay inay u soo baxaan “socod nabadeed” (Peace Match) maalinta Ciidda Carrafo, kaas oo ay ku tegayaan Jeelka Mandheera, isla markaana ay ku muujinayaan dareenkooda sida ay uga soo horjeedaan xadhiga siyaasiyiintaas.

Prof. Ismaaciil Muumin Aar oo maanta saxaafadda kula hadlayey Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Riyaale dhegaha ka furaysatay dhammaan baaqyadii, talooyinkii iyo tilmaamihii gudaha iyo dibaddaba looga soo jeediyey ee lagaga dalbanayey siideynta siyaasiyiinta ururka Qaranka iyo inay joojiso xadgudubyada xuquuqda Aadamaha ee waxyeelaynaya sumcadda Somaliland dunida ay aqoonsiga ka doonayso kaga kasbatay dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada ay hirgelisey, isla markaana ay ka weecatay nidaamkii wada-tashiga, sharciyadda iyo dimuqraadiyadda ahaa ee dadka reer Somaliland ku heshiiyeen, qarankana ku dhisteen.

Sidaa darteed, waxa uu sheegay in aanay hadhin wax kale oo aan ahayn in dadku si ficil ah oo nabadgelyo ah ay dareenkooda u muujiyaan.

“Waxaan leenahay waar Somaliland waxay sugayso garan mayno. Saaka baaq baan idiin soo jeedinaynaa,” ayuu yidhi Prof. Ismaaciil Muumin Aar.

“Anigoo ah Ismaaciil Muumin Aar, waxaan walaalahayow idiin soo jeedinayaa. Waxaan idin leeyahay maalinta Ciidda ha laga baxo magaalada Hargeysa, socod nabadeed ha loo baxo ilaa Mandheera ‘Peace Match’ ha loo baxo, ka kaca walaalayaal,” ayuu raaciyey.

Prof. Ismaaciil Mumin, Xubno la socday“Maalinta Ciidda haddii Eebbo idmo oo nimankaa la siideyn waayo Socod nabadeed ha loo baxo. Sidaa keliya uun baa hadhay, wax kale ma hadhin, maalinta Ciidda isaga (Madaxweyne Riyaale) iyo Bisaaska oo keliya magaalada ha looga tago,” ayuu yidhi.

Prof. Ismaaciil Muumin, isaga oo sababaynaya codsigiisa uu shacbiga ugu baaqayo inay socdaal nabadeed u soo baxaan ciidda, waxa uu sheegay in siyaasiyiinta ururka Qaran oo uu tilmaamay in si sharcidarro ah loo xidhay, geed hoostiina loogu xukumay ay weli xidhan yihiin, shacbiga Somaliland-na ay sameeyeen wax kasta, balse, laga hoos qaadi waayey, xukuumadduna ay ku sii socoto ku tumashada sharciga iyo tacaddiga xuquuqda muwaaddiniinta.

Waxana uu sheegay in tallaabooyinkaa guracan ee xukuumadda ay ugu dambeysey, go’aan xukuumaddu si uga horjoogsatey isaga iyo odayaal uu horkacayey booqasho ay doonayeen inay ugu tagaan siyaasiyiinta ururka Qaran ee ku xidhan Jeelka Mandheera.

Prof. Ismaaciil Muumin, waxa uu sheegay in isaga iyo xubno kale oo isugu jira odayaal iyo aqoonyahanno reer Awdal ahi ay codsadeen inay booqasho ugu tagaan siyaasiyiinta ku xidhan jeelka Mandheera, isla markaana ay Taliska Ciidanka Asluubta u gudbiyeen liiska magacyada dadka booqanaya oo tiradoodu dhammayd ilaa 8 qof. Waxana uu sheegay in markii saddex maalmood ay ku noqnoqonayeen Xafiiska Taliyaha Ciidanka Asluubta, isla markaana loo ogolaaday 5 qof keliya inay ku tagaan, aakhirkii shalay markii ay u soo diyaargaroobeen socdaalka loo sheegay in la soo diidey codsigooda.

Waxa uu sheegay Prof. Ismaaciil sarkaal joogey xafiiska taliyaha oo diyaarinayey warqadda ogolaanshuhu oo ay shalay u ballansanaayeen in la siiyo uu u sheegay in warqaddii uu qaatay taliyuhu, kadibna ay ogaadeen in magacyadoodii lagu hayey meelo kale. Waxana uu muujiyey in amarka loogu diidey booqashada Mandheera uu ka yimi dhinaca Madaxtooyada.

Waxa kale oo uu xusay inqilaabkii xukuumaddu xoogga kula wareegtey xafiiskii Dalladda Iskuxidhka Ururrada Xuquuqul Insaanka ee SHURONET iyo go’aanka iminka xukuumaddu dalka kaga musaafurinayso 23 suxufiyiin ah oo ka soo firdhaday dagaalada iyo qalalaasaha ka socda magaalada Muqdisho, isla markaana soo magangalay Somaliland, kuwaas oo uu sheegay in dhammaantood ay yihiin xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha iyo nidaamka iyo sharciyada Somaliland.

Prof. Ismaaciil Muumin, waxa uu shacbiga Somaliland ka codsaday inay taageeraan baaqiisa, isla markaana maalinta ciidda dadku u baxaan dhinaca Mandheera, isaga oo xusay in dadka baabuurta wata oo keliya haddii sidaa yeelaan ay baabuurtu is qabsan doonto Hargeysa ilaa Mandheera. Waxana uu sheegay in tallaabada noocan ahi ay tahay xaq dastuurku siiyey shacbiga Somaliland oo wax u diidayaa aanay jirin.

“Wax kale oo aynu shucuurteenna ku cabirnaa ma hadhine … si tartiib ah oo nabadgelyo ah aynu dareenkeenna u cabirno inaynu ka xun nahay walaaladeen inay halkaa ku jiraan,” ayuu yidhi Prof. Ismaaciil Muumin.

Xubnaha ku weheliyey Ismaaciil Muumin Aar booqashada xukuumaddu is hortaagtey ee Jeelka Mandheera waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland, mudane Axmed Xuseen Oomane.

Lama garanayo sababta loogu diidey Ismaaciil Muumin iyo xubnaha la socdey, iyada oo aanay jirin badiyaa cid loo diido booqashada siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran, kadib marka ay codsigooda u gudbiyaan Taliska Ciidanka Asluubta oo isagu aan ku xidhin wax shuruud ah, marka laga reebo tirada dadka loo ogol yahay in booqdaan oo ay xaddidaan.

Hase yeeshee, Cabdiraxmaan Maxamed Warsame oo shirkaa jaraa’id ku weheliyey Prof. Ismaaciil, ayaa isagu sheegay in sababta loogu diidey booqashada siyaasiyiinta xidhan ay tahay reernimo, isaga oo xusay in Taliyaha ay ugu muuqatay wax lama filaan in Ismaaciil Muumin iyo xubnaha la socdey oo badidoodu ka soo jeeda beesha deegaanka Dila ay doonayaan inay booqdaan siyaasiyiintaas ama ay ku biireen xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

“Annagu sidaa aanu u caddaysanay, Xisbiga KULMIYE ayaanu nahay, wixii ummadda Somaliland leedahayna waanu leenahay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

No comments: