Thursday, December 13, 2007

“Midawga Yurub waxaan ugu baaqaynaa inay dib u eegaan Siyaasadooda ku Wajahan Somaliland”











Wakiilka Somaliland ee Brussels

Brussels (W. Wararka/Ogaal)- Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Brussels ee xarunta Midawga Yurub Maxamuud Dacar, ayaa ugu baaqay inay Ururka Midawga Yurub dib u eegaan siyaasaddooda ku wajahan horumarka sare u sii kacaya ee dimuquraadiyadda Somaliland.

Sida lagu faafiyay shabakaddaha wararka Inter-netka, hadal qoraal ah oo uu wakiilka Somaliland halkaa u fadhiyaa u gudbiyay Ururka Midowga Yurub, waxa uu u dhignaa sidan:

“Ka dib markii ay dib u soo ceshatay madaxbanaanideedii Somaliland tan iyo sannadkii 1991, dadka reer Somaliland, waxay sii wadeen dib u dhiska hanaanka dimuquraadiyadeed ee dalkooda. Dastuurka dalku waxa uu taageersan yahay qawaaniinta dimuquraaddiyada ee hanaanka go’aan ka gaadhista maamulka, tartanka ka dhexeeya axsaabta siyaasadda iyo ilaalinta xorriyaadka shicib iyo siyaasadeed, ayuu dastuurku ballanqaadayaa. Tan iyo waqtigaa dalku waxa uu ku guulaystay inuu samaysto kala-guur uu ugu digo-roganayo nabadgelyo iyo xasilooni, iyo sii waditaanka doorashada dawladdaha dimuquraadiga ah iyo hay’addaha maamul wanaaga ah. Doorashooyinka guud ee baarlamaankooda, dawladdaha hoose, iyo ta tooska ah ee madaxweynenimada, waxa had iyo jeer goob-joogayaal ka ah xubno ka socda beesha caalamka, kuwaas oo haatan ah wax caan ka ah dimuquraadiyada dalka.

Sida la wada ogyahay, Somaliland waxay leedahay dhul qeexan oo ku hoos jira xuduudeheedii xilligii gumaysiga calaamadaysnaa, dadweyne si caadi ah u degen oo ka badan 3.5 milyan iyo dawlad madaxbanaan, taasoo leh awoodda ay ku geli karto xidhiidhadeeda ay la yeelanayso dalalka kale ee Afrikaanka ah, Midawga Yurub, Midawga Afrika, Ameerika, Aasiya iyo dalalka kale, iyo sidoo kale ururada aan dawliga ahayn ee caalamiga ah. Xilligan xaadirka ah, magaalada Hargeysa ee caasimada ahi waxay martigelisay Hay’ado fara badan oo Qaramada Midoobay ka socda, iyo Ururo Caalami ah (NGO). Weftiyo kala duwan oo ka socda dawlado, xubno baarlamaani ah iyo shaqsiyaad kale oo sharaf leh, ayaa booqashooyin ku taga dalka ugu badnaan sannad kasta, taasoo caddayn u ah fahanka isa-soo taraya iyo taageerada caalamiga ah ee dadkeeda loo hayo.

Dadka reer Somaliland, aragti wanaagsan iyo saaxiibtinimo badan ayay u leeyihiin wada-shaqaynta caalamka. Inta badan horumarka dalka ka socdaa waxa uu ku xidhan yahay shaqo adag, iyo dedaalo gudaha ah iyo maalgashiyo ay sameeyeen dadka reer Somaliland ee dibaddaha ku kala nool. Dhamaan dedaaladdan waxay suurtageliyeen soo noqoshada qaxoonti badan ee dibaddaha ka imanayay iyo dadkii aan barada lahayn, taasoo ay ku noqonayso dalka labaad ee ku xiga Koonfur Afrika, sida ay sheegeen hay’ado kala duwani. Dhaqaalaha soo kobcaya ee dalka iyo xasilooniddiisa, ayaa xaqiiqdii door muhiim ah ka ciyaaray soo jiidashada dadka iskood ugu soo noqonaya ee dalka degaya. Marka laga yimaado horumarradaa la taaban karo, waxa iyaguna jira carqalado kale iyo waxyaabo adag, oo soo wajahaya dalka. Marka loo eegayo aqoonsi la’aanta ay xilligan ku jirto, dalku ma haysto hanaan uu ku heli karo adeegyada badan ee loo baahnaa iyo dhaqaalihii lagaga bixi lahaa faqiirnimada. Dawladdu waxay xilligan xaadirka ah ugu baaqaysaa taageero badan oo dhaqaale oo uga yimaada dalalka deeqaha bixiya. Gebogabadii waxaan leeyahay, idinkuna adkaynayaa in Somaliland ay tahay dhul xasiloon oo laga aamusan yahay, kuna dhex-yaala gobol mashkilado hadheeyeen, taasoo had iyo jeer ka eegaysa uun taageero balaadhan beesha caalamka, si ay u mideeyaan xasiloonida ay haystaan iyo horumarkooda. Waxaanu ugu yeedhaynaa Midawga Yurub inay dib u eegaan, isla markaana ay dib u qeexaan siyaasadooda ku saabsan arrinta Soomaalida, iyaga oo tixgelinta siinaya xaaladdaha horumarka leh ee halkaa ka jira.”

No comments: