Wednesday, December 26, 2007

Wasiirro Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Socdaal Ugu Kicitimay Addis Ababa






December 26, 2007
Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Socdaal Ugu Kicitimay Caasimada Dalka Ethiopia.

Hargeysa, (Harowo) - Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland oo uu hoggaaminayo, Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland, Md Cabdilaahi Maxamed Ducaale, oo socdaal ugu sii jeeda Caasimada Dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa manta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

Weftigaas oo ka koobanaa Wasiirada Arrimaha Dibada, Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Caafimaadka Md Cabdi-Haybe Maxamed, Cadaalada Md Axmed Xasan Cali [Casoowe], Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Md Axmed Xaashi Cabdi iyo xoghanta Madaxweynaha Somaliland, Axmed yare.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland Md: C/laahi Maxamed Ducaale oo ka hor intii aanay ka dhoofin dalka u waramayay TVga Dawlada ayaa sheegay in socdaalkoodi yahay mid shaqo iyo sii xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee Somaliland iyo Dawlada Ethiopia isagoo sheegay in ay is arki doonaan Masuuliyiin ka tirsan dawlada Ethiopia oo ay kulamo la yeelan doonaan inta ay halkaa ku sugan yihiin.

Wasiirka oo ka waramaya mudada socdaalka ay halkaa ku joogi doonaan iyo waxa xiligan keenay in u socdaalan dalka Ethiopia ayaa waxa uu yidhi “Waxa uu socdaalkayaga oo qaadan doona muddo dhawr cisho ah, oo aanu ku tagayno dalka Itoobiya, waxa uu runtii qeyb ka yahay socdaaladii caadiga ahaa ee aan ku tagi jirnay dalkaas ee iskaashiga labada Wadan”.

Socdaalka waftigan Xukuumada, ayaa ahaa mid aan hore loo shaacin isla markaana aan warbaahinta madaxa banana lagu wargalin, sidoo kale ayaanay Masuuliyiintaasi Wax tafaasiil ah ka bixinin Madaxda ay la kulmayaan iyo sababta keentay socdaalkooda marka laga reebo in sii xoojinta xidhiidhka labada Dawladood.

Socdaalka waftigan, ayaa waxa uu noqonayaa kii labaad ee noociisa ah ee Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliland ku tagaan dalka Ethiopia mudo ka yar laba todobaad gudahoo, iyadoo la wada xasuusan yahay in todobaadkii ina dhaafay ay Addis Ababa safar ku tageen Wasiirada Qorshaynta iyo Macdanta iyo Biyaha.
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.Com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com

No comments: