Friday, December 14, 2007

Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa ku eedeyay Daahir Rayaale in aanu daacad ka ahayn jiritaanka Qaranimada Somaliland.






Goljano.com
By: Admin on 12/12/07

Gudoomiyaha shabakada wararka ee Haatuf Mud.Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa ku eedeyay Daahir Rayaale inaanay daacad ka ahayn jiritaanka qaranimada Somaliland. Waxa uu sheegay mudane gaboobe in ay tasi ku cadahay talaaboyinka ay xukuumadu qaaday oo uu sheegay inay ku laashay xoriyatal qawlkii dalka.

Waxa uu yuusuf cabdi gaboobe sheegay in shirar badan oo uu kaga hadlay qadiyada madaxbananida s/land. Waxa kale oo uu gaboobe intaasi ku daray inuu dalka Irland iyo Norway ku galay visa toosa ah oo ay passporkiisa S/land ku dhufteen,waxaanu war aan waxba ka jirin ku tilmaamay madaxtooyada s/land mar ay beenisay dal kugalka visaaha ee uu ku tahay yurub.

Waxa kale oo uu sheegay in dalku hada yahay mid sii xumaanaya waxa uu canbareyey in suxufiyiinta u dhashay Somalia laga saaro s/land kuna tilmaamay inay yihiin dad dhibaataysan oo aan qaadi karaynin arrintasi waxanu ka digay inay caqabad wayn ku keeni karto Somaliland.

Gudoomiyaha shabakada wararka ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa ku eedeyay Daahir Rayaale inaanay daacad ka ahayn jiritaanka qaranimada Somaliland.

goljano,

No comments: