Sunday, December 16, 2007

Suldaano Cafis ka Codsaday Rayaale si loo Siidaayo Madaxda Qaran













By: Admin on 12/16/07
Suldaanka Guud ee Beesha Habar-Awal iyo Suldaano kale oo beeshaas oo ay wehelinayaan siyaasiyiin isla beeshaas ah ayaa qoraal cafis ay ku codsanayaan maanta u qoray Madaxweyne Daahir Rayaale si uu u siidaayo madaxda Ururuka Qaran.

Qoraalkan oo maanta lagu diyaariyey xafiiska Gudoomiya gobolka maroodi jeex Cali Asad ayey warar ku dhawdhaw salaadiintaas iyo dadka hawshaas dabada ka wadaa Radio Waaheen u xaqiijiyeen inuu Qoraalkaasi jiro isla markaana uu yahay kii ugu danbeeyey ee lagu soo afjarayo sii daynta saddexda siyaasi ee xisbiga qaran kuna xidhan xabsiga Mandheera.

Wararka ku dhawdhaw talaabada ay qaadeen suldaanka guud ee beesha iyo saladiinta kale ee maanta qoraalkaasi saxeexay waxay sheegayaan isla maantaba qoraalkaasi inuu madaxweynaha gaadhay, maalintan bari ahna la rajaynayo madaxweyne Rayaale inuu aqbalo cafiska ay salaadiintu dalbadeen inta ka horaysa ciida si rasmiya uu madaxwyeynuhu ugu dhawaaqo sii dayntooda.

Waxa tan iyo intii saddexda siyaasi ee madaxda u ah Ururka Qaran la xidhay soo baxayey baaqyo iyo talooyin lagu dalbanayey inay xukuumadu sii dayso, lakiin ay dhamaantood ay noqdeen hal bacaad lagu lisay.

Ilaa hada ma cada sababta la filayo cafiskan inuu Madaxweyne Rayaale uga aqbalo madax dhaqameedyada beel ka mida saddexda siyaasi ee xidhan sidoo kale waxaan cadayn waxa uu madaxweynuhu ku qancay ee ay salaadiintii tunka ugu qaadayaan in ragas la sii daayo maadama oo ay diideen siyaasiyiintaasi inay cafis u qortaan madaxweynaha.


goljano

No comments: