Wednesday, December 26, 2007

Xukuumadda Somaliland ayaa markii u Horreysay Faahfaahin ka bixisay dib-u-dhaca ku yimi Qorshaha Dhismaha Warshadda Sibidhka Berbera

Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horreysay faahfaahin ka bixisay dib-u-dhaca ku yimi qorsha dhismaha wershadda sibidhka Berbera oo ay hore u sheegtay in la bilaabi doono bishii October ee la soo dhaafay

Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horreysay faahfaahin ka bixisay dib-u-dhaca ku yimi qorsha dhismaha wershadda sibidhka Berbera oo ay hore u sheegtay in la bilaabi doono bishii October ee la soo dhaafay.

Wasiirka Wershadahad, Md. Maxamed Saleebaan Maxamed, ayaa markii u horreysay daaha ka rogay sababaha dib-u-dhigay dhismaha wershadda sibidhka Berbera oo xukuumadda hore u ballanqaaday in la bilaabayo bishii October ee la soo dhaafay, kaas oo ay fuluinayso shirkad Jarmal ah oo xukuumadda Somaliland heshiis kula gashay dalka hirgeliyaan mashruuc ballaadhan oo lagu dhisayo saddex wershadood oo waaweyn.
Wasiirka oo hadalkiisan kaga dhawaaqay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay gurigiisa, ayaa sababta keentey dib-u-dhaca bilowga dhismaha wershadahan ku tilmaamay inay tahay iyadoo la waayey maraakiibtii qalabkooda Yurub ka soo qaadi lahayd ee toos u keeni lahayd Somaliland, taas oo uu xusay inay dhalisay cabsi ay shirkadaha caymiska maraakiibtu ka qabaan ammaanka baddaha waddamada Geeska Afrika.
“Dawladuhu ama ummaduhu horta waxay iyagu heystaanbay marka hore ku tashadaan, waxaanad adigu lahayn oo aanad heysan ku talogalkiisa waa malo’awaal, annagu [xukuumadda] markaanu wershadahan ka hadleyney waa adigii arkayey oo niman Jarmal ah ayaa dalka imanayey oo sii socday oo soo socday, ku talogalkayaguna wuxuu ahaa sidii looga faa’iidaysan lahaa wixii aynu innagu heysano.
Haddaba waxa jira duruufo caalamiya oo innaga teena ka duwan oo ina xukuma oo adduunkan nolosha bani’aadamka saameyn ku leh. Tusaale ahaan; badaheena maraakiib ajaaniba ayaa hadh iyo habeen gaadh haysa oo wareegaysa, maraakiib baa lagu afduubaa, waad ogtihiin oo waddan bay 17 sanno iska laalaadnayoo wax bani’aadam ah oo ina kala fura aynu weyney.
Markaa waxa la yidhi; ‘Maraakiibtii alaabta idiin soo qaadi lahayd badihii iman kari meyso oo caymisbaa laga doonayaa’ shirkad baa jirta ku shuqul leh maraakiibta badaha aduunka mara, waxaaney tidhi maraakiibtii alaabta noocaasa qaadeysay ee badaha maraysay ee dalka tageysay caymiskooda ma bixinkarayno.
Marka arrintaas waxay noqotay in habeyn dambe lagalo oo waxa laga maarmaan noqotay in la helo qorshihii ay hawshan lagaga bixi lahaa, waxay noqotye in xafiisyo laga furo Dubai oo la baadidoona maraakiibtii marka Imaaraadka alaabta la keeno dib u soo qaadi lahayd ee halkan keeni lahayd, oo maaha doonyahan iyo maraakiibtan yar yar ee carabku leedahay ee halkan innoogu yimaadda.
Markaa waxa lagu jiraa hawshii lagu badli lahaa qorshaha, dhibaataduna mid annaga timi maaha, mid shirkaddii aynu heshiiska la galnay ka timidna maahee waa mid ay keeneen duruufo caalamiya oo innagu gadaamani, waanan ogahay in ummaddeenu maqleyso makiibadihii waa la keeney uun, laakiin duruufaas ayaa yimi.”
Wasiirku waxa kale oo shirkiisan jaraa’id si kulul u canaantay warbaahinta madaxabannaan ee dalka, gaar ahaan wargeysyada faafinta warar uu ku tilmaamay ku xajiimaysan oo xambaarsan yooyootan siyaasadeed, oo aannu xilligan dalku u baahnayn.
Md. Maxamed Saleebaan Maxamed waxa uu ku dhaliilay warbaahinta madaxbannaan inay caadaysteen baahinta warar naxli iyo yooyootan siyaasadeed xambaarsan oo ay saxaafadda isu mariyaan masuuliyiin golayaasha dawladda iyo axsaabta qaranka ka tirsan, kuwaas oo uu ku tilmaamay qaar aan waqtigan ku jiro laba dagaal-sugidda xuduudaha iyo aqoonsi-raadinta. Waxaannu intaa ku daray in dalka xilligan ku jiro marxalad u baahan in midnimo iyo wadajir looga hawlgallo, isaga oo xusay in Somaliland waqtigan ku hawlan tahay sugidda xuduudaha dalka oo cadow badan hubka u sifaysanayo iyo ololaha aqoonsi-raadinta oo u tilmaamay in uu hadda meel wanaagsan marayo, isla markaana caalamku garowsaday waxqabsiga iyo horumarka shacabka Somaliland ku tallaabasaday. Sidaa darteed, waxaa uu wasiirka ku baaqay xaaladahaas awgood in la mideeyo cududda iyo caqliga ummadda, lagana fogaado cayda, aflegaadada iyo yooyootanka siyaasadeed ee gudaheena.
Sida oo kalena waxa uu saxaafadda madaxabannaan ka dalbaday in aanay baahin wararka cambaaraynta iyo xajiinta xambaarsan ee ka soo burqanaya siyaasiyiinta dalka, isla markaana ka hawlgalaan sidii ay bulshada ugu hagi lahaayeen in midnimo loogu waajihi lahaa marxaladaha qarannimo ee xilligan dalka ku meersan.

“Baryahan waxa uu dalkani marayaa marxalad aad iyo aad u xasaasiya, waxaynu maraynaa marxalad uu cadow innoo soofaysanayo miciyaha, oo aynu dalkii innaga maqnaa iyo dadkii aynu walaalahay ahayn beenta la innagu kala kaxeeyey, in aynu isla baadi doono oo dalkii xuduudkiisa gaadhno, taasi waa mid.
Waxa kale oo aynu maraynaa marxalad aad iyo aad xasaasi ah oo ah laydh muuqday oo ah ictiraafkii waddanka ayaa iminka innagu soo dhawaadaya. Iyadoo labadaa marxaladood ee xasaasiga ahi jirto, waxa aad iyo aad naxdin u ah, waxaad moodaa warbaahinteenii inay ku soo badanayso cay, yooyootan, haaraan iyo aflagaado loo jeedinayo madaxda qaranka. Dalkani 16 sanno ayuu waddo soo hayey, waxa la doonayey in laga midho dhaliyo ujeedooyinkii aynu halganka u galnay iyo tii gooni isutaaga dalkan oo qorshe siyaasi ah la yeesho, maanta ifkiinkaa muuqday iyo hadal haynta

Somaliland la hadal hayaa meel bilaash ah kama iman ee waxay ku timi hawl iyo dadaal uu hoggaanka siyaasiga ah ee dalkani u galay. Haddii ay caynkaa tahay waxaan filayey maanta oo kale in ummaddani mid kaleya ahaanayno oo codkeena iyo cududeena isku gaynayno, nasiib darro oo aannu aad iyo aad uga xunahay waxa ka buuxa warbaahinteenii yooyootan, cay iyo aflagaadooyin aad moodo inay qorshaysan tahay oo loogu talogalay hoggaanka siyaasiga ah ee dalka in lagu dhaleeceeyo,” ayuu yidhi Md. Maxamed Saleebaan oo ka waramayey warar uu sheegay inay warbaahinta ay isku mariyaan masuuliyiin sare sare oo ka tirsan golayaasha qaranka, waxaanu isaga oo la hadlayey saxaafadda Somaliland intaa ku daray “Waxaan leeyahay wargeysyada iyo

warbaahinta in idinka laftiina ay idinka sii maydhmayso wadanimadii, waayo haddii qofkii meel wax ka yidhaahdaba aflagaado, haaraan iyo masabidba aad qoraysaan, haddii si waddanimo leh aad u fikiraysaan waxaa maad qorteen ee maanta waxaad ahaan lahaydeen dadkii ummadda ku jihayn lahaa ictiraafkaa muuqda sidii looga hawlgali lahaa cadawga dalkeena jooga iyo ciidankeena jooga jiida hore sidii ummadda aad ugu midayn lahaydeen kuwii ka shaqayn lahaa ayaad tihiin,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Md. Maxamed Saleebaan Maxamed.
TogdheerNews
Hargaysa.

No comments: