Thursday, December 20, 2007

"Waa Xikmad Rabbaani ah in Siyaasiyiinta QARAN Farax Carruurtoodii Kula Joogaan, Cawilna Lagu Dhaawaco Nayroobi"















Hargeysa (Jam)- Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaadheere) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada uga jira xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa siidanyta madaxda urur-siyaasadeedka QARAN ku tilmaamay hadiyad loo soo diray dadka reer Somaliland, sidaa darteedna waxa uu ku boorriyey Madaxweyne Rayaale inuu ku dhiirrado xal-u-helidda murannada sharci ee ka dhex aloosan golayaasha dawladda, sidaana waxa uu ku sheegay waraysi dheer oo Jamhuuriya shalay la yeeshay.

Waxa kale oo xildhibaanku wargaysigiisa ku sheegay in dalku u baahan yahay isbeddel-siyaasadeed oo dhammaystiran iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin dhaawaca dalka Kenya loogu geystay Wasiirka Maaliadda Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), rajada uu ka qabo taageeradii xisbiga UDUB ku lahaa Gobolka Sanaag iyo dareenka uu ka qabo jiritaanka la taliyeyaasha gaarka ee Madaxweynaha kala taliya arrimaha siyaasadda.

Waraysigaas oo faahfaahsanna waxa uu u dhacay sidan:

Su’aal: Xildhibaan sidee baad u aragtaa siidaynta xukuumadda ee saddexda siyaasi ee ururka QARAN?

Jawaab: Waxad ogtahay in arrinta xadhigga siyaasiyiinta aan hore uga hadlay mawqifkayguna mid cad buu ahaa, isla markaana aan waydiistay xukuumadda in nimankaa [siyaasiyiinta ururka QARAN] la siidaayo, maadaama qodob distooriya aanaan u arkay xadhigga loo cuskaday, maantana [shalay] wararku aad bay u wanaagsan yihiin iyada o berina [maanta] iid ah siyaasiyiintii QARANA la siidaayey, waxaad mooddaa wax Ilaahay iku beegay, waxaad moodaa hadiyad maanta loo soo diray dadka reer Somaliland oo xasillooni-darro yar oo ka muuqatay xidhitaanka siyaasiyiintaas ay degtay, Madaxweynihiina Ilaahay ku hanuuniyey inuu ku dhiirado sidi uu sheegayey. Nimankaana xadhiggoodu ahaa wax sal aan ku lahayn distoorka, waxaan kale oo aan rajaynayaa Madaxweynuhu inuu u arko arrimaha kale ee maanta muranku ka taagan yahay ee dastuuriga ah ee golayaasha khilaafka ka dhex abuuray ama xidhiidhka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada iyana inuu sidaa u arko oo Ilaahay garansiiyo xuquuqda distooriga ah ee Golaha Wakiilladuu leeyahay sharci samayn ahaan, kana shaqeeyo isku soo dhawaynta labada gole ama isaga iyo Golaha Wakiillada, taasina waxay noqon doontaa arrin faa’iido weyn u soo jiidda ummadda reer Somaliland iyo horusocodka dadka.

S: Waxaad tahay xubin ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo xisbiga UDUB ee talada dalka haya uga soo baxay Gobolka Sanaag, hadalkaagana waxa ka muuqda in aad saluugsan tahay xukumadda, markaa sideed u aragtaa siyaasadda uu Madaxweyne Rayaale dalka ku hagayo?

J: Arrintanba waxa iga keentay saluug siyaasadeed oo aan qabo, dastuurada ay axsaabta qaranku leeyihiina waa isku wada mid, nin waliba dhul buu xorraynayaa, nin waliba dhul buu horumarinayaa, laakiin waxay ku kala tagaan ficilka iyo waxqabadka. Run baad sheegtay [weriyaha Jamhuuriya] in aan saluugsanahay, aniguna wali UDUB baan ahay, gudaheedana wixii hawshayda ah waan ka wadayaa si aan wax uga beddelo.

S: Xildhibaan Ingiriiska adiga oo joogaa ayaad sheegtay in aad saluugsan tahay xadhigga siyaasiyiiinta QARAN, markii aad soo noqotay Madaxweynaha ma is-aragteen oo ma u sheegtay in arrintaas khalad distooriya ah tahay?

J: Maya, taasi may dhicin oo waxa igu jiray xanuuna yar, laakiin hawlana way igu furaayeen, and saxaafaddaan mar labaad la hadlay oo aan warkaygii isaga ahaa oo aan leex-leexad lahayn ku sheegay aniga oo cuskanayey distoorka.

S: Golaha Wakiillada ee aad ka tirsan tahay waxa qudhooda ka jira murug sharci iyo khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya iyaga iyo xukuumadda, kuwaa sideed iyagana u aragtaa?

J: Kuwaa waxaan u arkaa in ay atahay arrin wax ka qabad u baahan oo khaasatan Madaxweynuhu soo dhexgalo ayey tahay oo bal Golaha Wakiilladu waa Golihii sharci samaynta, waanna gole doorashoo ku yimi, haybada uu leeyahay iyo xuquuqdiisa siyaasiga ahba nin waliba in uu arko Madaxweynahana mark lagu daro ayaan Ilaahay ka rajaynayaa wada shaqayn iyo iskaashi ayaana hore loogu mari karaa, haddii kale waxaanan mar labaad waydiisanayaa Madaxweynaha inay noqoto saddexda dhadhaar ee dawladdu ka kooban tahay, saddex wada shaqeeya inay noqoto oo qolada sharci-dejinta khasatan Wakiillada oo doorasho ku yimi culayska uu leeyahay in la aqoonsado, ayaan Ilaahay ka rajaynayaa. Maanta haddii Madaxweynihii ku dhawaaqay siidaynta siyaasiyiinta QARAN tana waxaan rajaynayaa in uu dib ugu soo noqdo oo wax ka qabto, annaguna [Wakiillada] wada-shaqayn baannu diyaar u nahay.

S: Xukuumadda waa lagu wada jiraa, Madaxweynuhuna dad badan buu wadatashi la yeeshaa, hadday xildhibaano tahay, wasiirro, salaadiin, markaa adigu marna ma ka mid noqotay xubnaha uu Madaxweynuhu la tashaday?

J: Horta waad ogtahay in aan ahaa xubintii ugu da’da weynayd ee Baarlamaanka ka soo galay xisbiga UDUB, waxaad ogayd maalintii taariikhiga ahayd ee qodobka 25aad ee dastuurka aan u cuskaday fadhigii, waxaad ogayd in uu dib-u-dhacay mushkiladdii uu abuuray waadigii ogaa, aniga oo distoorkana u cuskaday ayaan haddana danaha xisbiga siyaasadeed fulinayey markii haddana galdaloolo fara badan ayaa xisbiga iiga muuqday socodsiinta mabaadiida, dabadeedna waxaan goostay in aan mawqif cad iska taago meelaha uu toosinta uga baahnaana in aan ka sheego.

S: Laakiin, intaa marna talo ma kala yeelatay Madaxweynaha?

J: Wax talo ah oo aniga iyo isagu [Madaxweynaha] nimi ma jirto.

S: Laakiin, waxa jirta in uu Madaxweynuhu la tashado rag ay aad isugu dhaw-dhaw yihiin, markaa ma laga yaabaa in raggaa uu la tashadaa ay marmar Madaxweynaha siiyaan talooyin gurracan?

J: Waa su’aal wanaagsan, maanta [shalay] jaraa’idka waxa ku qornaa qolooyinkii salaadiinta ahaa ee siidaynta siyaasiyiintan qaatay waxay sheegeen in ay jiri karaan la taliyeyaal inta badan habawsi ku samaynkara Madaxweynaha in ay kala hadleena waan jecelahay wax-ka-qabadkooda.

S: Waxaad ka tirsan tahay xisbiga siyaasiga ah ee UDUB, dalkana waxa ku soo socda doorashooyin kala duwan oo loo diyaar garoobayo, markaa ka xildhibaan ahaan fikirkaaga ma u malaynaysaa in dalka doorashooyin ka dhici doonaan?

J: Waa su’aal wanaagsan maantadan [shalay] nin ku dhow-dhow guddiga doorashooyinku wuxuu iii tibaaxay in aan ilaa iminka miinaasiyadii ay ku hawlgali lahaayeen aanay soo gaadhin. Hore nin ka mid ah guddiga doorashooyinka ayaa jaraa’idka ugu qoray in uu aad iyo aad uga walaacsan yahay dib-u-dhaca miisaaniyadda, taasina ay ku keeni karto hawshoodii looga baahnaa inay dib-u-dhigto, dadkana warwarkiisu wuu fara badan yahay, Madaxweynaha waxaan weydiisanayaa mar labaad hawshaa guddiga loo sameeyey, dadkuna uu dhawrayo, harraadna uu u qabo in aanay wakhtigeedii mar labaad dib uga dhicin, inkastoo ay muuqanayaan arrimo dib-u-dhac keeni kara.

S: Markaad leedahay harraadna u qabaan maxaad uga jeedaa?

J: Waxaan uga jeedaa in wakhatigeedii dastuuriga ahaa ee hore loo sheegayy in aanay dib uga dhicin.

S: Laakiin, haddii ay wakhtigaa kadib dhacdo, waxa jirta in Madaxweynuhu wasiirka maaliyaddu ku amray in miisaaniyaddii guddiga la siiyo, markaa ma amarka Madaxweynaha ayaan xagga wasaaradda ka soconayn, mise Madaxweynha iyo Wasiirka Maaliyaddu way ka wada socdaan arrintaa?

J: Annagu marka aannu eegno waxaannu nidhaahnaa golaha fuinta oo wasaaradaha iyo Madaxweynuhu dhinacayga fulin ahaan ayey noogu qaabilsan yihiin, haddana hawlo kala gaar ah ayey wasaaraduhu leeyihiin, marka u horreysan waxaan odhan lahaa wasiir walba wixii uu ummadda u xilsaarnaa in uu ku eekaado oo ka adkaado oo wasaarado qabsan, inkasta oo ay maanta muuqato, oo wasiiro ka mid ah wasaaradaha dawladdu su’aal walba ka jawaabayaan oo wasaarado kale ay leeyihiin.

Madaxweynuhuna waa guddoomiyaha golaha fulinta arinta hogaan ayaanu ku leeyahay wasaaradihiisa oo wax-ka-beddali kara waxna u sheegi kara waxaanan is leeyahay Madexwaynaha uu ku dadaalayaa in ay doorashadu wakhtigeed qabsoonto.

S: Markaa waxaad leedahay wasaaradda maaliyadda ayey fartu ku godan tahay?

J: Cidkasta ha ku godnaato, xukuumadday ku godnaanaysaa oo isku dhan hadday doorashadu halkeeda imanwaydo, dadkuna way la socdaan.

S: Iminka wasiirkii maaliyaddu wuu maqan yahay, waxaanay warbaahintu sheegtay in la dhaawacay oo cusbitaal la dhigay, sideed u aragtaa arrintaa?

J: Horta waan ka xumaha in wasiirkii Somaliland halka [Nairobi] dhaawac ku gaadhay, laakiin waxaad moodaa in xigmad Rabbaani ahi meeshaa ku jirto, iyada oo maanta la soo daayey saddexdii siyaasi ee ururka QARAN oo maanta qosol iyo farxad dadkoodii iyo reerahoodii la dhex joogaan, ayaa waxa ku soo beegmay wasiirka maaliyihii oo maanta [shalay] dhaawac ku gaadhay Nairobi, waa laba arrimod oo kala fog oo isku cagsi ah, inkasta oo aan aad uga xumahay arrintaas [dhaawaciisa] waxa ku jira cibor ku qaadasho iyo xigmad Rabbaani ah, dadka iyo ummadduba ay arki karaan.

S: Waxaad tahay xildhibaan Golaha Wakiillada ka tirsan oo ka soo baxay Gobolka Sanaag. Xukuumadda maanta jirtaa maxay u qabatay gobolkiis lagaa soo doortay?

J: Saluug badan ayaannu qabnaa haddaanu gobolkaa nahay, hadday hadal tahay iyo haddau qoraal tahayba waannu la socodsiinay golaha fulinta ee dawladda, maalin dhawayto waxaan la hadlayay wasiirka caafimaadka, waxaan u sheegay in meeshu dhakhtar lahanayn, oo gobolkuna fogyahay waxaan u sheegay in xataa wakhtigii doorashadda aan taarar u soo diray oo aan u sheegay in dumar xanuunsanaya oo cid qasha lala yahay meesha joogaan, waxaannu sheegay dhibaatada meeshaa ka jirta, waxaanan ku booriyey in meesha laga hirgaliyo dhakhtar qaliin ah, oo aannu noqon mid hawshiisa la qaybsado dhakharo kale oo dalka ka jira, sida iminka jirta taasoo keentay dib-u-dhaca dhaqaale ee gobolka ka jira.

S: Arrintaa dib-u-dhaca dhaqaale ee ku timi gobolka masuuliyadeed yaad u aanaynaysaa?

J: Waxaan u aanaynayaa xukuumadda.


Jamhuuriya Online

No comments: