Monday, December 3, 2007

Sidee Ganacsiga lagu Kobcin Karaa?.

By Dr. Suleiman Ahmed Walhad

Magaca Eebe ayaan Cuskaday, Rasuulkiisa (scw) ayaan Irkaday, deeto waxa aan idhi. Wacdiga iyo wargelinta aannu halkii ka sii wadhaamino. Ummadaa u baahane, wadarta aynu weytaamino. Wehel iyo walaal innaga ayaa u ehee, aan wanaajino.
Waanadu waa horyaalka waxqabadkee, halkii aan ka sii wajaafino. Waxtar shisheeye wacni malehee, aan waxtoosino. Weheey sooma celiso wixii tegaye, aan hadda waxqabano. Waayaheena aan garano oo aan talada waageerno. Wadada toosanee horumarka wadarta aan u weecino oo aynu waryaadaay halkii ka sii wadaan.

Waaxdanna waxa aanu ku faallayn doonaa ganacsiga iyo sida loo abaabulo. Waxa aynu u soo gudbin fariintani iyada oo godadlaysan.

Godka Kowaadna waxa uu leeyahay:
1. Dadku marka horeba ama waa ugaadhsade ama waa qodaal 2. Ama waa farsameeye ama waa adeege.3. Ganacsigu adeega ayaa uu ka tirsan yahay.3. Waxa uu ka curtay tamarta xadida ee aadamaha.4. Idinba waa aad ogtihiin oo qofku 5. Kelidii iskuma filaan karo.6. Waa waxa bulshada innaga dhigay.
Godka labaadi waxa uu leeyahay:
1. Qofku hu iyo wax uu huwado ayuu u baahan yahay.
2. Waxa kale ee uu baahan yahay wax uu cuno.
3. Waxa kale ee uu baahan yahay meel dugsi iyo meel uu galo.
4. Kelidii ma wada samaysan karo.
5. Waxa uu maalaa tamartiisa
6. Ama baxaalkiisa ama waxa uu soo ugaadhsado, ama uu farsameeyo.
7. Ganacsiga taasaa u sala. Waa iibi waxaad
8. Hayso oo soo gado waxaa dooni.

Godka Saddexaadi waxa uu leeyahay:
1. Ganacsiga waxa kala wada wax la yidhaahdo lacag.
2. Waa walax lagu heshiiyay in wax lagu kala.
3. Iibsado ama daymaha lagu bixiyo.
4. Ganacsigu waa xubin dhaqaale oo waxsoosaarka kordhiya.
5. Gudaha ayaa wax lagu kala iibsadaa.
6. Debedana waxbaa loo iib geeyaa, waxna waa laga soo iibsadaa.
7. Guud ahaan ganacsigu waxa uu hubiyaa.
8. In badeecada ay gaadhaan dadweynaha.

Godka Afraad waxa uu leeyahay:
1. Ganacsigu waa kala geddisan yahay.
2. Qaar ayaa waaweyn, waarna waa yaryar.
3. Qaar kalena waa ay u dhexeeyaan.
4. Qaarbaa debedda wax ka keena, qaarna gudaha
5. Ayay ka soo iibsadaan waxa ay gadayaan.
6. Qaarbaa jumlad wax ku iibiya, qaarna tafaraaruq.

Godka Shanaandi waxa uu leeyahay:
1. Ganacsigu dhulkeena halkuu ku sugan yahay?
2. Bacaadle inuu jiro waynu wada ognahay.
3. Tukaano yaryarna waynu leenahay.
4. Bakhaarana way jiraan, qaarna waa wadhato.
5. Guud ahaan ganacsi hadaf aan lahayn oo quudka lagula soo boxo.

Godka Lixaadi waxa uu leeyahay:
1. Waxa aynu u baahannahay ganacsiga in wax laga beddelo.
2. Waa in hadaf guud oo ganacsi la abuuro.
3. Waa in la gartaa farsamooyin waxa innaga maqan.
4. Qof kelidii, nasiib mooyane, inuu ganacsi.
5. Ballaadhan abuuri Karin, waa inaan garano.

Godka Todobaadi waxa uu leeyahay:
1. Waxa loo baahan yahay abuurka unugyo ganacsiga.
2. Nidaamiya ama rugo ganacsi. Rugta ganacsi waa wadaag ganacsatadu ay leeyihiin.
3. Xubin kasta oo ganasci waa in ay ka qayb gashaa.
4. Maamul guud ayaa loo sameeyaa rugtii ganacsi.
5. Maamulka waxa laga dhex doortaa ganacsatada.

Godka Sideedaadi waxa uu leeyahay:
1. Maamulka rugta ganacsi waa guddi, iska doorta
2. Dhexdiisa Guddomiye iyo Guddomiye ku Xigeen.
3. Guddomiyuhu waxa uu qoraa shaqaalaha oo
4. Waayo-aragnimo iyo farsamo lagu shaqaaleeyo.
5. Qaarba la qaabilsiiyaa xisaabaha iyo maamul lacageed.
6. Qaarbaa la qaabilsiiya suuqeynta.
7. Qaarbaa la qaabilsiiyaa horumarinta ganacsiga.8. Waxa kale oo ku hawlo kale oo badan.9. Kolba taagta Rugta ganacsi ayay ku xidhan tahay.

Godka Sagaalaad waxa uu leeyahay:
1. Rugtu si ay hawlkar u noqoto, waa in ay hesho dhaqaale.
2. Dhaqaalaha waxa laga abuuraa ganacsatada oo waxa laga qaadaa.
3. Waxa ganacsacsatada laga qaadaa fujo .
4. Ama fii kolba sida aad u taqaanaan.
5. Fujadu waxa ay ku xidhan tahay koba.
6. Weynida ganacsigu inta uu le’eg yahay.

Godka Tobnaadi waxa uu leeyahay:
1. Rugta ganacsi waxa ay leedahay faaiidooyin badan.
2. Marka hore, waxa laga ogaan tayada iyo balladhka ganacsiga.
3. Marka xiga, waxa la heli gal daloolooyinka ganacsiga.
4. Marka xiga, waxa la garan waxyaabaha aan ku fiicannahay.
5. Marka xiga, afhayeen ayay ganacsatadu yeelan.
6. Waxa kaloo ku jira faaiidooyin kale.

Godkan Kow iyo tobnaad oo ugu dambeeya waxa uu leeyahay:
1. Ganacsigu kuma koobna wax aynu dhexdeena ska iibinno.
2. Waxa ku jira xidhiidhada aynu dalalka shisheeyaha la leenahay.
3. Runtii waxa lagama maarmaan in la yeesho siyaasad guud.
4. Oo ganacsi Waa xil ay ka gaabinnay sanado badan.
5. Haddii aynu ganacsigeena ka yeelan siyaasad guud.
6. Dibudhac ayaa innagu iman doona.
Dadyohow, waxa aan idin leenahay, nidaamsigu waa wax faaiido badan. Waxa lagu helaa wax kuu kordha oo nolshana innoo hagga.Waxa aan leenahay talooyinkan ayaa aan la fudaydsan. Qof wax kula dooni ayuunbaa wax kuu sheega. Ka faaiidaysta waxa aan idin sheegayno. Ummaddii aan tashani, qayrkeed waa ay ka hadhaa. Ayaan dheesha weyne dhaqaalaha la idinka badin. Waxtarsadoo, dantiina guud ayaydin garab marin.
Dr. Suleiman Ahmed Walhad
Email: walhad@taicobu.com

No comments: