Saturday, December 1, 2007

Shirka Qorshaynta Barnaamijka Horumarinta Somaliland (2008-2013)










November 30, 2007(HOL): Shir lagaga hadlayay qorshaha dib-u-dhiska iyo horumarinta Somaliland ee shanta sannadood ee soo socda 2008-2013 iyo sidii uu u bilaabmi lahaa ayaa lagu soo gabo gabeeyey xidhitaankiisii Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiinta dawlada Somaliland ah iyo Weftiyo ka kala socda Baanka Adduunka, Qaramada midoobay, midowga Yurub iyo dalka Norway waxa ugu horeyn u jeedada shirkaas faah-faahin ka bixiyay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland, Md. Cali Ibriaahin (Cali-sanyare), oo sheegay in uu shirkani ku saabsan yahay dib-u- dhiska iyo horumarinta Somaliland, isla markaana uu yahay qorshe fulintiisa la bilaabi doono 2008-da, socona doono ilaa 2013-ka. Waxaanu sheegay Wasiirku in qorshahani yahay mid ka dhashay qiimayn hore loo sameeyay, taas oo lagu ogaaday baahiya ka jira dalka Somaliland. Wasiirka Qorshayntu Isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaad ogeydeen in uu jiray geedi socod ku saabsanaa laga soo bilaabo mashruucii JNA-da, kaasina waxa uu ahaa in baahida dalka la ogaado, dabadeetana waxa uu isu rogay mashruuuc la yidhaahdo mashruuca dib-u-dhiska iyo horumarinta Somaliland ayuu isu bedelay.

Markii la ogaaday baahidii dalku qabay ayaa hadana loo gudbay in baahidaas la mashruuceeyo, markaas ayuu isku bedalay waxan la yidhaa RDB, ama dib-u-dhiska iyo horumarinta Somaliland. Kii bishii jeeniwari ayaanu wada-hadalkiisii bilawnay, ee sannadkan oo ay isugu yimaadeen nimanka deeqda bixiyaa iyo dawlada Somaliland Baarlamankii, Ururadii samafalka ahaa ee dalka oo cid waliba joogaan sida ay imika u joogaan. Markaa kaas ayaa imika dhamaystirkiisii uu yahay shirkan waa laga wada-hadlay waxyaalo badan ayaa la is dhaafsaday in imika warbixinadii ugu dambeeyay weeye waxaanu ka hadlaynay, ee cid walba loo bandhigay inuu yahay waxaasi wixii aanu ka wadahadalay ee la dhameeyay iyo in kale.” waxaanu intaa ku daray, “Markaa marka la dhameeyo ee la isku raaco dhaqan-galkiisii iyo fulintiisii ayaa sannadka soo socda ee 2008-da la bilaabayaa, oo iyana hawl kale ah, oo ah sidii arrimo badan loo wada heli lahaa. Markaa wixii laga wada hadlay ayaa shirkan lagu dhamaystirayaa, Waana mashaariic badan oo isku jirta, oo dhinac walba taabanaysa, oo shan sannadood ah, waxa uu bilaabmayaa 2008-da ilaa 2013-ka. Waxan la dhamaystirayaa waxa uu yahay wixii lagu heshiiyay ee wadankan loo qaban lahaa.

Markaa qoladii Baanka Adduunka oo culayskoodii wadata ayaa jooga, qoladii Barwaaqo sooranka Europe wadamada ku jira oo dhan iyo Norway war-bixin ay leeyihiin ayaa iyaduna jirta, Ururadii Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa oo dhan ayaa iyaguna waxoodii wata. Markaa intaas oo isu tagay ayaa mashruucan horumarinta iyo dib u dhiska Somaliland u ah sal. Laakiin waa la balaadhinayaa shantaa sannadood dad kale ayaa ku soo biiraya, tanina waa seeskii.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Qarshaynta Somaliland Cali Ibraahim.

Wasiirka Qorshaynta mar la waydiiyay in mashaariican dib u dhiska ee hayadaha uu ka waramay ka shaqaynayaan doodiisii ugu danbaysayna socoto, sidoo kale Dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo dhan laga wado waxa uu sheegay in isaga masuuliyadiisu tahay ta Somaliland, balse wixii Somalilaya la siinayaa aanay ahayn wax isaga khuseeya.

Kulanka shalay waxa kale oo iyaguna ka hadlay Chirst Looedenee, oo ka socday Baanka Aduunka, Mr. Erich Laroeche, oo ah Wakiillka UN-ta u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland. iyo Richard Hands, oo ka socday European Commision-ka, masuuliyiintaasi dhamaantood waxay sheegeen inuu mashruucani yahay mid mihiimad badan u yeelan doona Somaliland, isla markaana xooga saaraya harumarinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarshada iyo biyaha, kaasoo dooda laga yeelanayo muhiimada laga leeyahay ay tahay inuu sida ugu hoboon uu u bilaabmo, wakhtiga la qorsheeyay ee sannadkan 2008-da.

Doodan oo ah tii ugu danbaysay ee laga yeesho mashruucan waxa la soo gabagabaynayaa maanta.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland

No comments: