Monday, December 3, 2007

Dawlad aan waxba Maqlin oo Jikaar badan!.

Shacabka Somaliland waxuu soo maray ama la soo anbaqaaday xaalado kala duwan qaar adag iyo qaar qurux badanba.

Iyadoo la soo maray dagaladii taliskii macangaga ahaa ee cadaadiska iyo baabi'inta isirkooda iyo xaalifunta degaanadooda lagula dagaalamay dadkii la maamulayey. Mudo aad ubadan oo 30 sanadood iyo wax kabadan waxaay ka soo gudbeen dagaalo sokeeye iyo waqtiyo kala duwan oo adag iyagoo, udhabar adeygay xaaladahaa iyo duruufihii hore ee ay soomareen haddaba iyagoo arrimahaas oo dhan kaduulaya ayay gaareen guulihii ay higsanayeen.

Haddaba kala duwanaa waxii waddankan loo soo maray oo wax walba loo huray shirkii boorame iyo shirarkii kadanbeeyeyba iyo kuwo lagu lagu qabtay Hargaysa iyo Sheekh kadib waxaay samaysteen dastuur iyo golaha shacabka oo u suurta galiyay anbaqaadkooda waxaa kaloo wadanka ka hirgalay doorashoonyin xor ah dorashadii golaha degaanka iyo doorashadii madax waynaha intaa soo dhan waxa suurta galiyaay waa shacabka oo leh dhaqan wanaagsan iyo dhago furaan oo wax maqla jecelna waddaniyad dhab ah oo midaysan Somaliland jiritaankeeda, hadaba shacabka intaasoo marxaladood soo maray ee codkoodii ku doortay dowladan imika meesha ka talisa sideebay ula dhaqantaa sidaad ogsoontiin ma waxaa dhacay khilaaf xaga siyaasadda ah oo dhexmaray golayaasha golaha sharci dejinta iyo golaha maamulka ee uu u arrimiyo Rayaale iyo golaha guurtida mise dadkaan la rabin in hore loowado oo muranku markuu gaadhay meel adag ayaa sidaad ogsoon tihiin waxaa is abaabulay qaybo kamid ah bulshada wayn ee Somaliland ee jecel horumarinta dalkooda iyo dadkooda guud ahaan.

Shicibka jamhuuriyada Somaliland waxay gaadheen go, aamo inay labada dhinac ee is haya ku qanacsanayn haddaba sidaa ogsoontiin waxaa meesha imanaysa in isbedel ka iman doona doorashada soo socota ee degaanka iyo ta madaxwaynaha sida muuqatana dadka iyo dawladdani meel uma wada socdaan, sidaa awgeed waa khasab inuu foodku fal kale keeno.

Dowladii baa ka baxday axdigii iyo go'aamadii bal dhinaca kale waxad eegtaa go aamadii qoyanaa ee sadexda xisbi ay wadaqaateen dhawr jeer oo aan wax ka hir galay jirin.
Arrimaha sool siday ku danbayn ma xisbiyey qaadan mise waa dagaal hor leh oo soo galay kuna qarash gareeyey kumaan kun oo doolar qalab dagaal iyo xeer aan xagnaloo wadin.

Dadkii soolna ka soo noqoy barakacii ayaamo, waxayna maanta waxba ka haysan maxay barrito noo soo waddaa ma nabad mise colaad waxaa kaloo ay dawladu kabaxday arrimihii lagu xilanayay shaqaaqooyinkii kadhacay Burco ee xadhigga xaq darrada ah ee madaxda Qaran.

Waxaa marag loo hayo odayadii arrinka ku dhex jiray ay kala kulmeen guuldaro iyo layaab taasoo balanta oo laga baxaa dowlada ku tahay nusqaan wayn. Qoladan imika ka arrimisa Somaliland ay u noqotay dabeecad taa waxaa udheer dawlada oo aan maqlin fikradaha iyo talooyinka muwaadiniintu u soo jeediyaan iyo baaqyada kasoo baxa bulshada shicibka Somaliland iyo ururrada jecel wanaagga iyo wacnaanta Somaliland iyo iyagoo aan oofin ballamadii ay lagaleen daadwaynaha barigii doorashada meeday warshadii sibidhku ma doorashadaa lala sugayaa.

meeday balantii loo qaaday bulshadii Oodwayne ee waddooyinka lagu hagaajinayay meeday oo meeye ballamihii la qaaday.
In ladardar galiyo oo sare looqaado wax soosaarkeena iyo wax yaabo badan oo kale meeday lacagtii lalahaa waxaa laga badalayaa Burco.
Ma maaweelo iyo madadaalada ayay dadku ku jirayaan dawladdu runta ha sheegto ninna runtu ma disho ka sheegaana shicib iyo siyaasiba jeelbuu galayaa.

Markaa waa dawlad dhaga adag jigaarkana taqaan waxaa layidhi soodaya xisbiga Qaran madaxdiisa waa yahay wakuwaa wali xidhan , cirrole wax garan bulshada qaybaheeda oo kala duwanbaa dowladda wax u sheegtay alla dowladdu dhaga adagaa, hadalkaygii waxaan ku soo oodayaa dawlad yahay wax maqal waxad heerkaa ku gaadhay waa dadkaaga maalinta dadkaagu kunacaanba laguuyaabaa iskadaa dhaga adeega iyo jikaarka, xisbiyo aan hungurayn lahayn baad albaabo u furtaye


Wa bilaahi towfiiq bye Cismaan Warsame Jama gabyaaye

No comments: